Friday, August 9, 2019

XARUMO LAGU DIYAARIYO BUUGTA QALINJEBINTA JAAMACADAHA


Weli ma aragtay arday aad taqaannay oo kugu yiraahda: Jaamacaddii baan dhammeeyey oo, waxaan diyaarinayaa buugga qalinjebinta. Weliba ma kuu sheegay mawduuca uu ka diyaarinayo oo aad la dhakafaarto adayggiisa. Markaas ma weydiisay afka uu ku qorayo buuggaas, oo ma kuugu warceliyey in uu ku diyaarinayo af Ingiriis. Adiga oo aan afka ka oran, uurka ma iska tiri: Goormuu bartay Ingiriiska uu ku qorayo cilmigaas! Muddo aan dheereyn ma aragtay ardeygii oo soo daabacday buuggii uu qorayey? Ma la yaabtay weynankiisa? Ma eegtay waxa ku qoran oo, ma la fajacday aqoonta ka buuxda iyo Ingiriiska sare ee uu ku qoran yahay? Dabadeed ma isweydiisay halka uu ka keenay ardaygii aad taqaannay oo waxna aan akhrin jirin, Ingiriiskana gabta ka ahaa? Saaxiib, haddii aadan adigu isa-su`aalin aniga ayey horay dhawr jeer ii soo martay oo wax badan isweydiinayey, laakiin muddo dheer ka dib helay jawaabahaas.        

Baahi marka ay timaaddo, waxaa jira rag u fekera sidii ay baahidaas u dabooli lahaayeen. Bacdamaa ay jaamacad kasta khasab uga dhigtay ardayda ka qalinjebinaysa in af Ingiriis aysan barin ku diyaariyaan buug weyn, dhib weyn ayaa ardeydii arrintaas ka soo foodsaartay. Waxaa lamahuraan noqotay in la helo cid ka saacidda, kolkaas baa rag u fureen xarumo. Inta aan ka warhelay, waxaa ilaa iyo hadda jira 7 xarumuuud oo u badan Taleex, Banaaddir, iyo Maka-al-Murrama. 

Sidee U Shaqeeyaan Xarumahaas  
    
Ragga ay xarumahaasi u furan yihiin, waxaa qolo kasta Kombiyuutarrada uga buuxa kumannaan buug oo mawduuc kasta leh oo horay loogu qalanjebiyey. Waxa ay isugu jiraan kuwo dalka looga qalinjebiyey iyo kuwo Googal laga keenay oo jaamacadaha caalamka ah looga baxay. Maalinta uu gaaro ardaygu buug-diyaarinta ayuu u tagayaa mid ka mid ah xarumahaas. Marka uu u sheego kulliyadda uu ka qalinjebinayo ayey hordhigayaan cinwaanno badan oo quseeya maaddadaas si uu mid uga doorto. Mid buu ka xulanayaa; waxa uuna u geynayaa macallinka qaabilsan buug-eegidda. Haddii la soo oggolaado, nimankii ayuu u sheegayaa. Sug bay lee yihiin waan diyaarinaynaaye. Waxba ma diyaarinayaan oo Kombiyuutarka ayuu ugu jiraaye, laakiin lacagta ayey ku xalaalaysanayaan. Markii la gaaro muddadii loo qabtay ayaa farta laga saarayaa. Waa uu la tagayaa oo, waa soo difaacanayaa!    

Macallimiin Sida Xarumahaas U Shaqeysa  

Waxaa jira macallimiin aysan xarumo u furnayn, laakiin sida xarumahaas u shaqeysa. Kombiyuutarradooda ayaa buug badan ugu dhaansan tahay. Arday dallaaliin ah baa suuqa ugu jirta oo ardayda kale ku soo xirta. Macallimiintaas, kuwo ka mid ah waxaaba laga yaabaa in ay noqdaan kuwa jaamacadda u qaabilsan buugta qalinjebinta. Waxaaba dhacda in uusan ardaygu u baahnaan xarumahaas oo ay is fahmaan macallinka buug-eegidda qaabilsan. Macallinkaas ayaa mid uga soo bixinaya buugta Kombiyuutarkiisa ilkaha ka maraya, difaaciisana dhagesanaya, oo kistiisa ka qaadanaya.      

Jaamacado Badan Oo Hal Buug Looga Qalinjebiyo 
          
Xarumahaas badan, waxaa la soo xiriira arday badan oo ka kala qalinjebinaysa jaamacado kala duwan. Wixii isku mawduuc ahba hal buug ayey u diyaariyaan, markaas baa waxaa dhacda in 15 arday oo ka kala qalinjebinaysa 15 jaamacadood ay isku buug oo ku qalinjebiyaan. Xataa macallimiinta jaamacadaha kala duwan dhiga arrinatas waa sameeyaan oo, waxaa laga yaabaa in ay hal buug ay u kala diyaariyaan dhawr arday oo jaamacado kala duwan dhigta, oo ay shaah ka qaateen. 

Farxad Iyo Daamaashaad 
          
Waxa aad arkaysaa arday qalinjebisay oo inta aada meelo qurxoon oo aad u labbista isku soo sawiraysa buuggii qalinjebinta.          

FG: Intii aan xarumahaas booqanayey, waxa iigu la qosol badnayd middii uu boorkeedu ku qornaa “MISKIIN CAAWIYE”.       

Talo Aan U Soo Jeediyey Qaar Ka Mid Ah Maamuleyaasha Jaamacadaha    

Waxa aan la kulmay maamuleyaasha afar jaamacadood, waxa aana hor dhigay macluumaadkan aan sida mutadawacnimada ah u sameeyey. Waxa kula taliyey in ay laba mid sameeyaan: In ay ardayda baraan Ingiriis ay buugtaas ku diyaarin karaan ama in ay ardayda u oggolaadaan in ay afkooda hooyo ku qoraan buugta. Waxa igu yiraahdeen, "Waan ka soo fekeraynaa." Iyaga oo fekerkii ku maqan baa iigu dambeysay.         

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus 
E-mail: nayruus@gmail.com        
Fb Page: www.facebook.com/snayruus




9 comments:

  1. Wixii faallo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.

    Mahadsanid,

    Suldaan Nayruus,

    ReplyDelete
  2. xaqiiq weeye inay jiraan jaamacadaheenu waa meherado ganacsi

    ReplyDelete
  3. Xaqiiq weeye walh,taasian waxaa keenna,ardayda jaamaca keena ,aan aheen arday u qalma.

    ReplyDelete
  4. Hh waa dhab zhp xogta ad qortey waxd arkey ardey English gab ka ah hadan ku hor keeny bug ad la fajecayso jamacadaha dalka kloy talo qadan mayne war bal ardeyda afkooda hooyo wax ku so diyaariya dhaha

    ReplyDelete
  5. Intaa waxaa sii dheer ardaygu inuusan tageynin xarumahaas iyo macalimiinta midna ee uu heli karo buug uu sxbkiis ama md ehelkiisa ku qalin jabiyay sanado ka hor oo uu sidaa ugu geysto jaamacada.

    ReplyDelete