In aan iska lugeeyo waa caadadayda e, shalay
ayaa aniga oo laamiga iska dhinac socda, waxa aan arkay gaari nooca raaxada ah
oo wiil dhallinyaro ah uu watay oo tartiib u socday. Wiilkii isha inta uu iga
qaaday ayaan arkay isaga oo si uun ii soo eegaya. Meesha aan u socdo oo
dheereyd iyo qorraxada oo kululayd iyo wiilka oo aan beerjileec ka dareemay,
waxaa niyaddayda soo gashay in aan istaajiyo oo aan dhaho: Walaalo horay ii sii
dhawee. Waan la hadlay. Waxba ima weydiine, daaqadda inta ii furay ayuu yiri,
“Soo gal saaxiib.” Isla markiiba inta maskaxdaydii sidii Kombiyuutarkii u
shaqeysay oo xasuuso hore gashay ayey ii soo gudbisay farriin ahayd, “Ha
raacine iska fasax.” Maskaxdayda waan ka dambeeyaaye, inta aan daaqaddii u
xiray oo aan u mahadceliyey ayaan iska fasaxay. Wiilkii oo shaki galay ayaa
iska sii socday oo gabar iyana sidaas oo kale laamiga lugaynaysay horay u sii
qaaday.
MAXAY AHAYD
FARRIINTA MASKAXDAYDU SOO GUDBISAY OO GAARIGA IGA CELISAY?
Waayadii 2012 dii ilaa 2014 tii, waxaa
magaalada Muqdisho ku soo badanayey gawaarida raaxada oo si is dabajoog ah
Dekadda Muqdisho uga soo degayey. Arrintaas waxaa sabab u ahaa laamiyada cusub
ee magaalada laga dhisayey. Waxaa aad u soo badanayey dhallinyarada baabuurta
laamiyada kula xawaaraynaysay oo qofkii lugaynaya oo joogsada inta u istaaga,
meesha uu rabo geynaysay. Iyagu dadkaas uma daynaynayne, baabuur ku mushaaxaas
baa dan u ahaa iyo hadba meel tegiddaas. Kolkaas baa waxaa batay dad heeraha
laamiga iska tuban oo aan baas raacayn oo wada lifti doon ah oo meesha u
taaagan wiil baabuur raaxo la xiimaya.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa oday u bartay
raaraacidda baabuurta dhallinyarada oo laami u taagnaa in u helo baabuur raaxo
oo sii dhaweeya, waxaa uu arkay baabuur Kaarib ah oo qurux badan oo wiil
dhallinyaro ah uu wato. Gacanta ayuu u taagtay. Waa uu istaagay. Waa uu raacay.
Wiilka baabuurka watay waxaa uu ahaa wiil nafti hure ah, isaga iyo gaarigana
qarax ay ka dhaansanaayeen, waxaa uu na u socday bar loogu talagalay in uu isku
qarxiyo. Wiilku, maadaama uu aaminsanaa in uu janno u socdo, waxaa is kula
taliyey in uusan odaygan xaasidin oo uu jannada u wado. Sidaas buu yeelay oo,
markii uu gaaray halkii lagu ballamay ayuu isqarxiyey, odaygiina halkii buu ku
googo’ay.
Wixii dhacdadaas ka dambeeyey, umaddii
basaskoodii iyo lugtoodii ayey iska iimaansadeen.
Farriintaas
ayaa ii diidday raacidda gaarigaas.
Taladii
Maskaxda: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
FB Page: www.facebook.com/snayruus
Email: nayruus@gmail.com
FB Page: www.facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment