Masdil ama Mafoofe,
waxaa la yiraahdaa ninka aan shaqo iyo waxbarasho tegin ee xaafadda iska jooga.
Raggu, marka ay subixii kallahaaan; kii waxbarasho aadaya iyo kii hawl u
kacayaba, isagu, inta barqodheer soo kaco, ayuu caday jardiinka la fariistaa isaga oo qaba macawis gaaban oo aysan waxba uga hooseyn iyo garan. Rummaygu ma
ahan kii daqiiqado ku dhammaan jiray, ilaa saacado ayuu iska cadaysanayaa. Dumarka deriska ah ee adeegdoonka ah ayuu midka kasta salaam iyo
xaalwareysi u galaa.
Xaafadda, gurigii
bahal yar lagu dhex arko oo ay haweenku ka baqaan, isaga ayaa loogu yeeraa,
maaddaama wax rag ah uu isagu aagga ka joogo. Markaas buu bud inta soo qaato,
bahalkaas dilaa. Hadhawto, marka odaygii reerka lahaa yimaado ayey islaanta
iyo carruurtu u sheegaan in maanta bahal uu guriga ka soo dhexbaxay, oo abti
‘Hebel’ dilay. Waa sababta loogu bixiyey Masdil. Goballada qaar baa looga
yaqaan ‘Mafoofe’ maadaama uusan nawaaxiga ka bixin. Labadan magac baa ugu
caansan, laakiin meelo kale ayaa looga yaqaan “Naagoshaneeye’. Meelo kalana,
waxaa ba looga yaqaan magac wanaagsan oo ah ‘Caawiye’.
Masdilku, shaqooyin
badan ayuu xaafadaha u qabtaa. Wixii bahallo ah oo dumarku ka baqaan waa ka
dilaa. Wixii guryaha ka halaabba oo uu qaban karo isaga ayaa qabta, sida:
daahyada oo uu xiro, nalalka hallaaba oo uu beddelo, qasabadaha oo uu furo iyo
adeegayada yaryarka oo uu bannaanka ugu doono. Wixii uusan qaban karinna, isaga
ayaa reerka ugu waca qof qaban kara. Waxaa intaas ka muhiimsan oo uu qabtaa,
waxa uu raggooda ku simaa dumarka qaarkood, gaar ahaan kuwa aan raggooda imaan
ku qabin iyo kuwa naagaha kale lala qabo ee masayrsan, oo habeenka laga maqan
yahay, ku xumee darteed, Masdil ku casuuma. Wixii garoob ah oo Shaydaan
walaaqayo isaga ayaa u maciina inta ay nin ka helayaaan. Gabdhaha yaryar isaga
ayaa, intooda badan, soo af iyo jara bara.
QISADII
UGU YAABKA BADNAYD
Xafaad ka mid ah
degmo ka mid ah Muqdisho, ayaa waxaa lagu arkay 5 carruur ah oo isku eg oo shan
qoys oo deris ah kala dhaleen. Waxaa irkig noqotay in ay 5 tabu u eg yihiin
Masdil xaafadda caan ka ah. Arrintaa ayaa amakaag iyo mucjiso afaf la
marooreen. Shantii reer waa isaga guureen xaafaddii.
REERGUURAAGA
IYO MASDIL
Dadka aan lahayn
guryo ee hadba xaafad dega, kuwooda yaqaan Masdilka, inta aysan u guurin
xaafadda, waxa ay soo xansadaan meelaha. Haddii uu Masdilku ku badan yaahay, ma
degaan xaafaddaas, si` kasta oo ay u fiican tahay. Dadka aan waxba ka aqoon
Masdilna, waa iska degaan xaafad kasta oo ay guri ka helaan, kolkaas baa waxaa
laga yaabaa in ay dhex galaan xaafad Masdilyadu ay ku badna yihiin, oo markaasi
nimanku ay maqalkoodu ku bataan, ‘Hebel’ ama ‘Abti Hebel’ baa naga caawiyey
arrintaas iyo arrintaas.
FG: Haddii aadan
horay u la socon Masdil oo uu casharkani ku anfacay, hadda ka dib ku talagal.
Fadlan, la sii wadaag saaxiibbada aad jeceshay in ay ka warhayaan Masdilka.
U-kuurgeliddii: Suldaan
Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb page: www.facebook.com/snayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb page: www.facebook.com/snayruus
Wixii feker ah waad ku reebi kartaa halkan ama halka aad ka soo raacday.
ReplyDeleteMahadsanid
Asc wll inate ka heli kara bookgan inaa aqristo rabaye
DeleteMasdil aan dumarka waxba dhaamin ma jiri karaa suldaan
ReplyDelete