Thursday, August 1, 2019

FAA`IIDADA HILMAANKA


Waa hore oo aan wax iska weydiin jiray abuurka, guud ahaan iyo kan aadanaha, gaar ahaan, ayaan ogaaday in wax kasta oo aadanaha lagu abuuray ay faa`iido isaga igu jiraan. Ayaan markii la joogaba, waxaan isa su’aali jiray wax ka mid ah abuurka aadanaha iyo dheefta igu jirta. Sidii aan weydiimahaas ugu jiri jiray ayaa waxa aan soo gaaray maalin, hilmaanka lagu abuuray aadanaha iyo faa`iidada ugu jirta.



Aniga oo maalin sariirta gurigayga iskaga dangiiga ayaa waxaa igu soo dhacay geeridii aabbahay oo ay muddo dheer ka soo wareegtay. Waxaan soo xasuustay kulamada yadii hore iyo sheekooyin iyo xikmado badan oo aan ka dheefay. Maalintii la ii sheegay geeridiisa, aad iyo aad baan uga naxay. Maalintii la ii sheegay, waxa aan ku qornaa cashar aan siin lahaa shaqaalaha wasaarad ka mid ah wasaaradaha dawladda. Waan ka baaqday casharkii. Si kale ayaan ahaa maalmahaas oo dhan. Dhawr habeen ayaanan hurdo ladin oo markii aan seexdaba la i horkeenayey. Toddobaadyo ka dib waan hilmaamay geeridii. Hawlahaygii ayaana horey u galay. Saaxiib, bal ka warran xaalkayga nafsiyeed sidee buu ahaan lahaa haddii aanan hilmaami lahayn oo sidii maalintii uu dhintay uu xasuustayda ugu taagnaan lahaa?

Waxaa jiray nin maalin ii baahday oo aan u hiilliyey. Waxa aan isugu daray dhaqaale iyo hiil aan uga hiilliyey rag kale oo ay is hayeen; waana guulaystay. Booskii uu iiga baahday ayaan maalin uga baahday in uu ii hiilliyo. Anigu dhaqaale iyo hiil baan isugu daraye, isaga lacag farabadan ayaan inta siiyey baan iri, iigu shaqee oo iigu hiilli. Lacagtii aan siiyey iyo mid kale oo aan u dhiibtay ayuu inta la baxsaday, South Africa dukaan weyn uga furtay. Anigu oo faramaran ayaa soo haray, waana iska dhaafay hawshii. Ninkii, hiil iska daaye, lacag waxii aan haystay waa iga dhacay. Aad iyo aad baan uga naxay, uga xanaaqay oo aan isku maray. Habeenno ma seexan. Haddii aan heli lahaa, xataa waan ku fekeray in aan kaw ka siiyo. Laakiin muddo ka dib, caadi baan iska noqday oo waan hilmaamay ninkii. Xataa waan iska cafiyey. Saaxiib, bal ka warran xaalkayga nafsiyeed sidee buu ahaan lahaa haddii aanan hilmaami lahayn oo sidii maalintii uu khiyaanay uu xasuustayda ugu taagnaan lahaa?

Maalin baa biibato aan fadhiyey oo aan shaah ka cabbayey, ninka isna meesha shaah ka cabbiyey oo iga soo horjeeday ayaa nin inta uu qori la dulyimid, ku shaqshaqay aniga oo arkaya. Naxdin darteed miiskii aan ku fadhiyey waan ka dhacay. Waan miyirdaboolmar oo, waxaa la i geeyey isbitaal. Muddo toddobaadyo ah ninkii la dilayey ayaa xasuustayda ku jiray oo cunto waa iga degi weydey oo tii aan afkayga geliyo waan soo celinayey. Waa ka dib waan hilmaamay oo, caadi baan noqday. Saaxiib, bal ka warran xaalkayga nafsiyeed sidee buu ahaan lahaa haddii aanan hilmaami lahaayeen oo sidii maalintii aan noqday ay xasuustayda ugu taagnaan lahayd?

Taas keliya ma ahane, qofku waxa uu la kulmaa nololo kala duwan. Waxaa dhacda in uu la kulmo lamafilaanno, jillaafooyin, khiyaanooyin, ballan-ka-baxyo, iyo uur-ku-taallooyin kala duwan oo markaa maankiisa mashquuliya oo jiif iyo joogba u diida oo uu wax yar ka dibba hilmaamo. Saaxiib, bal ka warran xaalkiisa nafsiyeed sidee buu ahaan lahaa haddii qofku uusan hilmaami lahayn oo sidii maalintii ay wax ku dheceen ay xasuustiisa ugu taagnaan lahayd?

Saaxiib, ma og tahay in dad badan oo waashay, sababta waallidooda ay salka ku hayso dhacdo xun oo soo martay oo ay maskaxdiisu hilmaami weydey oo sidii ay ugu taagnayd uu ‘waaw’ la yiri?

Hadda ma ila fahantay faa`iidada hilmaanka?

FG: Waxa aad ogaataa wax walba oo abuurka aadanaha ku jira in ay faa`iido ugu jirto noloshiisa, waa haddii xadkii loogu talagalay ay yihiin, laakiin, haddii waxaasi ay dhaafaan xadkii loogu talagalay, faa`iido darro ayey isku beddelaan.

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus         
Email: nayruus@gmail.com      



No comments:

Post a Comment