Maalin dhaweyd ayaa waxaa i soo wacay wiil dhallinyaro
ah oo aannu is naqaannay. Waxa uu iga codsaday in aan kulanno. Goor galab ah
ayaan ku ballamiyey meel maqaayad ah oo shaaha laga cabbo. Markii uu ii yimid,
ayuu ii sheegey in wiil kale oo aan adeer u ahaa oo ay saaxiib dhab ahaayeen,
in uu taleefoonkii muddo laba toddobaad ah ka qaban waayey, xitaa farriimihii
uu uga soo jawaabi waayey. Haddii uu taleefoon
kale ka wacana, uu ka qabanayo, marka uu codkayga dareemana uu daminayo.
Sababta arrintaas keentana ilaa iyo hadda uusan garanayn! Waxa uu iga codsaday
in aan waco, oo waxa uu ka tabanayo saaxiibkiis aan weydiiyo, dabadeedna aan
dhex-dhexaadiyo.
Waan wacay wiilkii, waana ii yimid wax yar ka dib.
Arrinta uu saaxiibki taleefoonka uga qaban waayey ayaan weydiiyey, kolkaas buu
ii sheegey arrintaan aan la yaabay, waxa uuna yiri, “Adeer, ninkan iyo anigu
saaxiib ayaan ahayn. In aan gooyo waxaa keenay, waa arrin dhanka Faysbuugga ah.
Anigu Faysbuuggiisa mar walba waan la socdaa waxa uu soo dhigo, like, comment
iyo share na waan dhahaa. Isagana, waa arkaa waxa aan soo dhigo, hal marna like
ma saaro, iska daa comment e. Dhawr jeer baan arrintaas ku soo qaaday, kolkaas
buu igu dhahaa, saaxiib, igu hallee, haddana ma fuliyo. Asxaabta kalana waxaad
arkaysaa isaga oo u cammiraya! Markii dambe, waxa aan arkay in uusan dan iyo
heello ka lahayn kuweyga. Sidaas baan ku ogaaday in uusan saaxiib dhab ah u
ahayn. Qof aan kuu cammirayn maalinna, maxay tahay saaxiibtinimadiisu. Anna
waan gooyey saaxiibtinimadiisa!”. Inta yaabey ayaan kii kale weydiiyey
arrintaas, kolkaas buu qirtay.
Markaas baan dhex-dhexaadin bilaabay. Kii dacwoonayey
ayaan iri, hadda Facebook gaaga gal, oo ka sii gal profile ka saaxiibkaagan. 5
ta qoraal ee ugu dambeysay ee uu soo dhigay, like saar, comment ka bixi, share na dheh. Waa sameeyey. Ka dib, waxa aan u so
jeediyey in uu la socdo wax kasta oo uu ninkaas soo dhigo, oo u cammiro, si
saaxiibtinimada ay u sii jirto, kii kalana, waxa aan ku amray in uu
saaxiibtinimadii soo celiyo. Inta Xabadka isa saareen ayey, iyaga oo wada socda
iga dhaqaaqeen.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
E-mail: nayruus@gmail.com
Kkkkkkk saaxiibtimo facebook ku xiranaa!!!?
ReplyDeleteAlloow lakala miirayee Mililiq hey raacin!! Waa aduun gadaalgadaal u socda!