Nin Sucuudiyan ah, ayaa waxaa u
shaqeeyaa nin u dhashay waddanka Pakistan. Ninkan ayaa ah darawalka reerka.
Ninkan shaqaalaha ah, ayaa ah nin akhlaaq fiican, shaqada u jajaban,
dhega-fudud isla markaasina tixgelin iyo ixtiraam leh. Carruurta reerka sidii shaqaale
ula dhaqma e, sidii waalid oo kale ayuu ula dhaqmaa, oo uu ugu naxariistaa, qalbigoodana u ilaaliyaa. Ninkii
Sucuudiyanka ahaa ninkaas aad buu u jeclaaday. Kolkaas buu heshiiskii
shaqaaleynta dhawr jeer u siyaadiyey. Intaas keliya ma samayn e, xitaa
mushaarkii ayuu u kordhiyey, isaga oo gaarsiiyey in uu saddex jeer u jibbaaro.
Markii uu arkay wanaaggiisa, sida shaqaalihii ulama dhaqma e, sidii walaalkiis
oo kale ayuu ka dhigtay.
Dhawr jeer buu ninkii shaqaalaha ahaa weydiistay fasax uu
waddankiisii u aado ninkii uu u shaqeynayey, laakiin ninkii baa ku dhegay, oo
jeclaystay in uu joogo, sababta oo ah, waxa uu ka cabsanayey in uu waayo
ninkaan qiimaha leh. Qoyskiisa, ayuu u keenaa Sucuudiga, intii uu isagu aadi
lahaa. Waa dambe ayaa ninkii shaqaalaha ahaa ku adkaystay in uu baxo, isaga oo
u sheegey ninkii, in uu waddankiisii u hiloobay. Maantii dambe ayuu ‘yaa
Allahu’ ku fasaxay. Shaqaalihii, maalintii uu baxayey, ninkii iyo qoyskii
dhammaan ayaa sagoontiyey, isaga oo lacag badan iyo hadiyado badan loo sii
dhiibay.
Bil ka dib, ayaa ninkii soo wacay
ninkii madaxda u ahaa, waxa uuna u sheegey, in uu soo baxayo. Ninkii
Sucudiyaanka ahaa waa farxay, oo farxay. Maalintii uu imaanayey magaalada
Riyaad, ayaa ninkii Sucuudiyaanka ahaa waxa uu soo diyaariyey qoyskii,
qaraabadiisii iyo saaxiibbadiis dhammaan. Waxaa kale oo uu sii kireeyey Hoteel
weyn, in xaflad soo dhaweyn u sii diyaariyo.
Ninkii shaqaalaha ahaa, markii uu
soo degey ba, waxaa uu arkay dad farabadan oo saf ugu jira, oo sidii madaxweyne
la soo dhaweynayo. Waxaa isla markii ba ku soo booday ninkii uu u shaqeyn
jiray, oo inta ku dhegey dhabbannada ka shumiyey, oo weliba cabbaar uu ka fuqi
waayey. Waxaa kale oo ku soo ordey carruurtii uu ninkaasi dhalay oo ugu soo
kala orday sidii carruur aabbahood uu sannado ka maqnaa oo yimid. Ninkii
shaqaalaha ahaa, gaari qurux badan inta lagu soo kaxeeyey ayaa la geeyey
Hoteel, xaflad si heer sare ah loogu agaasimey, halkaas baa Kackac uu magaciisu
ku qornaa, isaga iyo maxadiisii ba wada jareen.
Ninkii shaqaalaha ahaa, ayaa
hadal lagu soo dhaweeyey, laakiin inta is hayn waayey, jacaylka loo muujiyey
darteed, ilmo maashaysay, kolkaas buu xafladdii ka hadli waayey qiiro-ilmo
darteed. Inta soo booday ayuu isku duubay ninkii madaxada u ahaa, oo uu cabbaar
ka fuqi waayey, kolkaas baa isaga oo illini ka socoto, waxaa lagu qaaday
gaarigii, waxaana loo kaxeeyey hoygiisii.
Waxaa soo fasiray: Suldaan
Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
E-mail: nayruus@gmail.com
No comments:
Post a Comment