Sunday, March 18, 2018

GUDDOOMIYE DEGMO OO AAN LABA TODDOBAAD MACALLIN U NOQDAY: Bal eega waxa aan barayey iyo maxsuulkii ka soo baxay!



Oday guddoomiye ka ah degmo ka mid ah  degmooyinka Soomaaliya oo aan is bargaranaynay, ayaa dhawr maalmood i soo wacayey. Mar kasta oo uu i soo waco waxa uu iga codsanayey in aan kulanno. Aad baan maalmo isku weydiinayey arrinta muhiimka ah ee uu iga rabo guddoomiyuhu. Maalin dambe ayaan firaaqo u helay, markaas baan la kulmay. 

Maalinkii aan kulannay ayuu arrin yaab leh iga codsaday, waxa uuna igu yiri, “Adeer, Suldaan, waxa aan kuugu yeeray waxaa weeyaan, waxa aan doonayaa in aad Ingiriiska wax aad iga barto, oo marka aan qudbaynayo aan qudbada dhex geliyo. Adeer, waayadan qofka aan kelmado Ingiriis ah hadalkiisa dhex gelin karin, loo ma yaqaanno qof sare. Anna Ingiriis xabbadna kama aqaan. Marka aan shirarka tago, aniga mooyee dadka kale, Ingiriis bay hadalladooda ku dhex daraan, marka waan is ceebsaday, arrintaas ayaan doonayaa in aad iga gacan qabato!”.
Anigii, yaab iyo afkalataag baa igu dhacday. Odaygii, doodo badan ayaa ina dhex maray, laakiin markii aan arkay sida uu guddoomiyuhu arrintaas ugu mamman yahay, ayaan goostay in aan codsigiisii fuliyo. Odaygu, Ingiriis barasho sax ah ma rabine, waxa uu doonayey in erayo uu la shirtado xafida e, waxa aan diyaariyey ilaa 62 eray, oo ah kuwa siyaasadda Soomaaliya loogu isticmaalka badan yahay. Ilaa laba toddobaad ayaan arrintaas wadnay. Odayga, waa nin weyn oo aan weligi Ingiriis dhigane, dhawaqa ayaa ku cuslaa, markaas baan taleefoon uu watay ugu duubay si uu u xafido; dhawaq ahaan iyo micno ahaan ba. Waxa aan ku ballanay, marka uu intaas xafido, istacmaalkooda uu badiyana, aannu isku nimaanno si aan kuwa kale u baro.
Odaygii, magaaladiisii ayuu dib ugu laabtay, muddo 3 bil ahna isma aannaan arag, laakiin shalay galab ayaa aniga oo dhageysanaya idaacad, waxa aan maqlay isaga oo la wareysanayo. Si fiican baan u dhageystay, kolkaas baan maqlay isaga oo erayadii in ka mid ah adeegsanaya. Waxaa ka mid ahaa kuwa uu adeegsanyey intii uu wareysigu socday: Constitution, government, regional state, Reconciliation, International community, Peace, Conflict, instability. Dhawaqooda aad buu u saxay, marka laga reebo areyada constitution iyo reconciliation oo midna uu soo dhaweeyey midna uu ku margaday.

Cajiib. Wallaahi qosol iyo farxad wax loo kala garan waayey ayaan dareemey.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus        
E-mail: nayruus@gmail.com
   

1 comment:

  1. Wixii farriin ah halkaan iigu reeb ama facebook. Mahadsanid.

    ReplyDelete