Wiil dhallinyaro ah oo
aannu waa sheeko-wadaag ahayn, ayaa waa hore, goor galab ah, iga soo wacay
magaalada Nayroobi. Waxa uu ila soo socodsiinayey in uu gabar mehersaday, uuna
doonayo in uu bil gudaheed aqal galayo. Maxaad ka taqaan dad asxaab ah, xoogaa buu
iiga faalleeyey quruxda iyo qiimaha xaaskiisa cusub iyo sida uu ku soo
xerogeliyey. Markii uu dhammeeyey, ayuu - waa
i tuhmayee – kaalo i weydiistay. Anna waan kaaliyey. Waagaas baana iigu war
dambeysay.
Maalin
dhaw baan wiilkii isku aragnay whatsapp ka. Wareysigii koowaad ba, waxa aan ku
weydiiyey xaalka xaaskii iyo haddii ay awlaad soo korortay amma wax la sugayo.
Hadal aan ka naxay ayuu iigu jawaabay. “Gabadhii waan kala tagnay” ayuu igu
yiri. “War maxaa dhacay?” ayaan weydiiyey. Kolkaas buu sheekadaan aan la yaabay
ii galay, waxa uuna yiri ,“Saaxiibow, gabadhii, markii aan aqal galnay ba,
arrin mucjiso ah ayaan ku arkay. Saaxiibow, kolka ay indhaha is geliso oo ay
gabama’do, Khuuro yaab leh bay sii daynaysaa. Weligaa ma aragtay gaari
Indhataree ah oo raran oo rimmoor jiidaya, oo weliba meel bacaad ah maraya, oo
darawalku sheellaraha uu dacasadda geeyey? Wallaahi dhawaqa uu bixinayo in
aysan Khuuradeedu ka duwanayn! Anigu, nin hurdo fudud baan ahay oo jiif waan ka
tagay. Xitaa deriskii baa ashtako dadban bilaabay! La-tacaalid baan isku dayey,
oo takhtar ayaan geeyey, kolkaas baan haddana soo ogaaday in aysan ba dawo
lahayn Khuuradu. Gabadhu ‘labac’ bay ahaye, takhtar baa mar nagu yiri, gabadhu
ha jimicsato, oo jiifka hadba dhinac ha u baddelato, cuntadana ha yareysato.
Markii aan wax walba sameeyey, oo aan ogaaday in aanan hawshaan xallin karin,
anigiina hurdo ka tagay, ayaan gabadhii iska fasaxay. Suldaan, hadda waxa aan
go’aan ku gaaray, gabadhii dambe oo aan shukaansado in aan marka hore iska
weydiiyo in ay Khuuriso iyo in kale!”.
Balo
kula tagtay. Bal muu dhaqan-Soomaaligii ku dayo, oo kab geddisan sanka u saaro
gabadha. Wacad Alle, waa joojin lahayd, sidii aan maqli jiray. Yaa se kaala
tashanaya meel Sheyddaan ku hirgisayo!
No comments:
Post a Comment