Waxaa jiray nin ganacsade ah oo degganaa
magaalada Muqdisho. Ninkan oo magaciisu ahaa Kaahiye, reerkoodu baaddiye ayey
degganaayeen. Inta badan noloshoodu, isaga ayey ku tiirsanaayeen. Maalin
maalmaha ka mid ah baa waxa uu ku fekeray, in uu walaalihiis, kuwa yaryar mid
soo kaxeeyo oo uu wax baro, si uu reerka ula gacan qabto.
Kaahiye, inta go'aankaas qaatay ayuu Keynaan
soo kaxeeyey. Waxa uu isla markiiba geeyey dugsi Qur'aan, kolkii uu
dhammeeyeyna, waxa uu ku daray iskool. Keynaan, markii uu u gudbay dugsi sare, ayaa waxaa xiriir la
soo samaysay Hey'addii Nabadsugidda Qaranka. Waxa ay u soo jeedisay, si weyna
ugu muujisay, in ay danaynayso in uu ku soo biiro oo uu qaranka u shaqeeyo; taas
oo uu si buuxda uga yeelay.
Keynaan, markii uu dugsi sare afjaray, baa
walaalki Kaahiye misena jaamacad ku biiriyey. Markii uu jaamacaddii idleeyey,
ayaa Kaahiye waxbarasho dibedda ah u soo dhammeeyey, laakiin Keynaan waa ka
diiday in uu dalka ka baxo, illeen hawl uusan Kaahiye ogeyn buu ku jiraaye.
Markii uu Keynaan ka diiday, ayuu Kaahiye ku yiri, “Waayehee, aniga ganacsiga
igala shaqee.” “Hayeh, waana kala shaqayn,” ayuu Keynaan ugu warceliyay.
Kaahiye, waxa uu ahaa nin dhaqaalihiisa inta
badan hantiyey xilligii Kacaanka, waxa uuna fursad ka helay, qandaraasyo
dawladdu ay bixinaysay, laakiin kolkii uu xoolo badan yeeshay, ayuu isu
beddelay mucaarad. Waxa uu ka bilaabay magaalada olole hoose oo Kacaandiid ah.
Waxa uu lacago u diri jiray mucaaradkii dowladda. Dhibka ugu weyn ee qabsaday
Kaahiye ayaa waxa uu ahaa, dhaqdhaqaaqiisa mar walba waa lala socon jiray.
Dhawr jeer baa la xiray oo weliba aad iyo aad loo ciqaabay.
Waxa uu Kaahiye la yaabi jiray, sida ay
dowladdu ku ogaato xogitiisa. Wax kasta oo uu yiri, shirka kasta oo uu qabto,
tirada lacagta uu diro iyo cidda uu u diro, dhammaan, marka la xiro oo uu
sheegi waayo, ayaa xabbad xabbad loogu tiriyaa. Heer waxa uu gaaray uu ka
shakiyo nimanka ay mucaaradka isla yihiin ee uu la shiro. Kuma soo dhicin
walaalki Keynaan in uu yahay Nabadsugid qaranka daacad u ah.
Dowladdii, ninkii Kaahiye ahaa cadaadis adag
bay saartay, qandaraasyadiina waa ka joojisay. Wiidadii ama dabaggalkii
walaalki mooyee, kuwa kale oo farabadanna waa la dul dhigay oo uusan ka war
heyn.
Mar uu aad u shiiday oo uu xoolo yareeyay,
ayaa Keynaankii Nabadsugidda ahaa, madaxda Dowladda ka codsaday in walaalki
Kaahiye qandaraasyadii wax un looga soo celiyo; isaga oo u sheegay in uu yahay
oday madaxdhaqameed ka soo jeeda oo aysan busaaraddu ku wanaagsanayn. Dowladda
oo tixgelisay codsigii Keynaan dartii, oday Kaahiye qandaraasyadii ayaa loo soo
celiyey. Laba wiil oo uu dhalay oo Jaamacadda dhammaysayna, takhasus dibedda ah
ayaa loogu diray.
Iyada oo ay halkaas xaajo marayso, ayaa
dowladdii Kacaanku dhacday oo la kala haantaawilfay. Kaahiye iyo Keynaan, waa
isla qaxeen, waxayna isla tageen xeryaha qaxootiyada Kenya. Maalin
maalmaha ka mid ah, ayaa Kaahiye helay teesare ka lumay walaalkiis,
kolkaas buu ku arkay, in uu ahaa Keynaan sargaal sare oo Nabadsugidii ka
tirsanaa. Teesarihii ma siine, isaga oo yaabban ayuu goobay cid uu
bargaranayo oo ka tirsanayd saraakiishii Nabadsugidda, kolkaas buu soo helay
laba nin oo u xaqiijiyey, in Keynaan muddo dheer Nabadsugid ahaa. Markii uu
yaqiinsaday, ayuu aamminay in uu Keynaan ka dambeeyey xiritaankiisii iyo
jirdilkiisii. Aad buu uga xumaaday, in ninkii uu baaddiyaha ka keenay oo uu
intaas wax barayey uu ka shaqeyn jiray lurkiisa, lug gooyadiisa iyo
ciqaabtiisa. Meeshii ay isla degganaayeen inta uga guuray, ayuu ku yiri,
“Walaal dhab ah baan kuu haystay. Saaxiib ku ogaaday! Muusa biddiin, Ciisaa
biddiin.” Labadii nin saas bay ku kala tageen.
Arrintii Kaahiye iyo Keynaan, waxaa dhawr
jeer soo dhexgalay odayaal iyo cuqaal reerka ah, laakiin Kaahiye iyo Keynaan
waa la heshiisiin waayey. Sababta oo ah, Kaahiye waxa ku dhegay, in uusan
ninkaasi walaalki ahayn oo, isaga oo kabtiisa tolaya uu isna kafantiisa
tolayey, halka Keynaanna uu ku dhegay, in uu ku saxsanaa hawshaas, uuna
Qaranka iyo horusocdkiisa u shaqeynayey, walaalkiisna uu ku hawllanaa halka
aannu maanta joogno. Lacagta iyo hantida uu haystay Qaranka ayuu ka helay,
kolkaas buu hantidaas niman qaran-dumis ah u dirayey. Nimanka uu taageerayey,
maalinna reerkiisa biil uma soo dirin, keliya qabiil buu ku la safnaa. Waxa aan
ka shaqeynayey, in noloshiisii quruxda badnayd uu ku noolaado, isna waxa uu
doonayey in xaqootigan iyo gunnimadan aan ku noolaanno. Waa kane, Qarankii dun,
nimankii uu waxtarayeyna, waa kuwaase, Qaran ha keenaan!!
Kaahiye iyo Keynaan waa la heshiisiin waayay,
waxaana khilaafkii labadooda u dhaxeeyay saameeyay ilmahoodii, ilma-adeerka
ahaa oo aan maanta isa salaamayn.
Sheekadani waxa ay ka mid tahay 53da sheeko ee ku jirta buugga CIBRO oo
haatan laga heli karo Dukaammada Buugta:
MUQDISHO, HARGEYSA, BURCO, GAROWE, BOOSAASO, GALKACYO, BALADWEYNE, BAYDHABO IYO
KISMAAYO.
Waxaa qoray: SULDAAN NAYRUS
Email: nayruus@gmail.com