Wednesday, July 17, 2019

TALOOYINKAAN MA ANFICI KARAAN QORAAGA?

 (Qeybta koowaad ee talooyinka)

Intii aan ka qeybgalayey bandhig buug iyo intii aan kor ka eeg-eegayey buug kala duwan, si guud, mar mar waxaa iiga soo baxayey arrimo anigu si` aan u arko oo aan is lahaa, haddii aad qoraaga la wadaagto, armay galaan oo aragtidiisa beddelaan. Arrimahaasi waa kuwaane, bal ila arka:




  1. Saddex maalmood oo kala duwan ayaa waxa aan ka qeygalay bandhigyo ay qoreyaal ku daahfurayeen buug. Mid ka mid ah, qudbaddiisii waxa uu ku sheegay in uu hal bil buugga ku qoray. Mid kale, ayaa isna qudbaddiisa ku sheegay in buugga, laba meelood meel, uu hal habeen ku qoray. Mid kalana, waxa uu isna qudbaddiisa ku sheegay, in uu buuggiisa oo 200 bog ku dhaw, uu ku qoray 7 maalmood oo kaliya. Saddexdaas qoraa, si dadban iyo si toos ahba, waxa ay ku faanayeen in ay arrintaasi tahay karti iyo dadaal dheeri ah oo ay la yimaadeen. Waa macquul in ka-soo-geybgaleyaashu barkood ay la dhacaan hadalkaas, una arkaan qoraa sare. Laakiin, dadka aqoonta u leh qoraalka, iyo dadka wax isweydiiyaba, degdeg ayey u arkaan, waxa ayna ka citiqaadaan in wax aan wakhti dheer la gelin aysan ka soo baxayn wax faa`iido badan leh. Sidaas darteed, waxa aan soo jeedin lahaa, si kasta oo Alle kuugu fududeeyo qoraalka, oo hibo gaar ah uu kuugu siiyo in aad muddo yar buug ku soo saarto, sidaas ha u sheegine, waxa aad carrabowdaa in aad buugga muddo dheer ka soo shaqeynaysey, oo aad sannado badan dulfadhiyey. Adigu toddobaad ku qor ama bil ku qore, dadka u sheeg in aad sannado ku soo dhafraysay oo aad ku soo tiro iyo tacab beeshay.
  2. Maalin kale, waxa aan ka qeybgalay bandhig uu qoraa ku daahfurayey buug. Waxa uu qoraagaas sheegayey, in uu qoray saddex buug oo uusan weligi cidna uga baahan tafatir, oo uu keligi isku filnaaday. Waa maangal taasi, oo waa jiri karaa qoraa Alle wax badan isugu daray, laakiin, waxaa jira dad badan oo aaminsan in uusan qofi keligi isku filaan karin, oo uu qofku hawl kasta ugu baahan yahay garab. Dadkaasi, haddii ay kaa dhageystaan in qoraalkaaga aysan cid kale kula eegin, waxaa laga yabaa in ay ka qash dhacaan buuggaaga. Marka, halkaanna waxa aan ka soo jeedinayaa, haddii aad keligaa isku filnaato, dadka ha u sheegin taase, waxa aad u sheegtaa in buuggan khubaro farabadan oo dalka iyo Yurub iyo Maraykan kala jooga ay soo eegeen, soo na sixiixeen oo ay weliba qireen in uu yahay buugga sannadka.
  3. Maalin kale oo aan ka qeygalay bandhig buug, ayaa qorihii waxa uu ku qudbeeyey in buuggiisa (oo buug cilmi ahaa) uu maskaxdiisa ka qoray oo aysan ku jirin wax yar oo uu meel ka soo xigtay. Aad buu taas ugu tookhayey, isaga oo si dadban u durayey dadka buugta kale inta akhriya wax ka soo xigta. Waa suuroobi kartaa in Alle maskaxdaas ku siiyey, dhageysteyaashaada qeyb ka mid ahna waa la dhici karaan, laakiin, dadka hawlahaas ku faradheer kama dhaadhici karo buug cilmi ah oo aan tijaabo cad ama tixraac salka ku haynin. Sidaas darteed, waxa aan halkaasna ka soo jeedin lahaa, maskaxdaada ka wada keen oo, laakiin dadka ha u sheegin taas; waxaana habboon in aad u sheegto in aad u cuskatay buug farabadan oo aad soo akhrisay iyo intaas majalladood iyo maqaal oo aad ku soo indho beeshay. Midda kale, maskaxdaada ka keen oo, tixraac isaga samee, oo tixraaca isaga qor buugta ay isku wax ka hadlayaan, weliba Soomaalida kuwooda iska daayoo, isticmaal magacyada buugta Carabiga iyo Ingiriiska ku qoran oo aysan Soomaalidu aqoon.
  4. Intii aan buugta ku dhex jiray, waxa aan arkay labo buug oo ay qoreyaal kale lahaayeen oo inta jaladiga keliya laga beddelay, qoreyaal inta ku qorteen magacyadooda, soo bandhigeen. Waxaa kale oo aan arkay, buug intiisa badan hal meel laga soo qaaday oo isna la soo bandhigey. Waxa aan halkaasna ka soo jeedinayaa, in qoruhu uu si xeeladaysan u shaqeeyo, haddii uusan deynayn minguurinta. Boqollaal meelood, meelba xoogaa ha ka soo qaato. Ha isku soo duwo oo, magac ku habboonna ha u la baxo. Tan lafteedu hal-abuur iyo kaarto kama marna.
  5. Sideedaba, xikmaddu kuma xirna da`. Waxaa laga yaabaa, qof aad u da` yar in uu ka ximad badan yahay qof daqoobay. Taas waxa aad ka fahmi kartaaba taladii wiilka yarka ahaa (Waa Raage Ugaas e) uu odayaasha dadaqoobay ku lahaa hadalkii u ekaa: War cirrooleyaal ha u yeerinine, cuqaal u yeera. Laakiin dhaqanka yagu taas aad uma aqoonsana. “Wiil yar inta uu geed ka buudo ayuu talo ka boodaa,” ayaa maanka dadka waaweyn ku qufulan. Waa saas e, waxaa jira buug ay qoreen qoreyaal aad u da` yar oo Alle xikmad ku mannaystay. Waxaa laga yaabaa in ay qaarkood 15 sano jir yihiin. Aqoonta ku duugan, marka aad qoraalkooda akhrinayso, waxa aad u malaynaysaa in dadka qoray ay yihiin dad waaweyn ama dad hore, laakiin, kolka aad eegto jaladiga dambe ee buugga, ayaa waxa aad ku arkaysaa sawirka qoraha iyo taariikhdiisaba. Dhallinyarada cuslaatay iyo dadka waaweyn, kolka ay dhugtaanba, buugga waa tuurayaan, waxa ayna lee yihiin, maxaa uu ilmahan nagu soo kordhinayaa. Xitaa dhallinta ay isku da`da yihiin, ma daneeyan oo, waxa ay jecel yihiin buugta ay qoraan dadka ka waaweyn. Sidaas darteed, waxa halkaana ka soo jeedin lahaa, qoreyaasha da`da yar in aysan buugga ku dhejin sawirkooda iyo taariikhdoodaba, si aysan u niyadjabin, suuq ballaaranna u helaan.
  6. Qoreyaasha qaarkood, haddii ay rabaan ha waaweynaadeene, waxa ay taariikhdooda ku muujiyaan halkii ay ku soo barbaareen, taas oo Soomaalida cusub ay dhadhansan karto qabiilkiisa; waana laga yaabaa in dad ku kacsan qabiilka deegaankaas ay saamayn ku yeelato gadashada buugga. Inta aan anigu goobjoogga u ahaa, laba qoraa ayey arrintaasi saameyn ku yeelatay gadashada buugtooda. Labadaas qoraa, mid ka mid ah ayaa daabacaddii labaad ee buugga ka daayey deegaankii ku qornaa, kolkaas buu buuggii si fiican u galay magaaladii uu ku gadmi waayey. Maadaama qabiilkii hadda maamullo loo samaystay, waxa aan soo jeedin lahaa, in qoraagu uu iska dhaafo in uu buugga ku caddeeyo meesha uu ku dhashay.
  7. Waxaa jira qoreyaal buugta ay qoreen wareejiya oo iyagu dadka inta u geegeeya, u sharraxa macnaha buuggu uu xambaarsan yahay, u sheega kalyantiga in uu isagu qoray, jeerkaasina ka codsada in ay ka iibsadaan. Macaamiishu aad iyo aad bay uga yaabaan arrintaas. Soomaalidu, qoraaga waxa ay ka aaminsan tahay qof sare, qof wax wareejiyana waxa ay u arkaan qof hoose. Sidaas awgeed, amakaag bay la noqotaa in qoraa misena uu wareejiyo buuggiisa. Markaasey inta wax kale u soo baxaan oo yasaan qoraagaas - baa inta wax haysata gun baa u badane - waxba ka iibsan waayaan. Qaar baaba inta liida ku jeejeesa. Halkaana, waxa aan soo jeedin lahaa, qoruhu ha wareejiyo buuggiisa, laakiin marka uu dadka ka gadayo, ha u sheego in uu buugga qoray qoraa sare, oo weliba Soomaalidu qurbejoogta ayey ka dambeeyaane, ha dhadho, nin Waashintoon jooga oo bare ka ah jaamacadda Harvard ayaa qoray. Waan hubaa oo, si degdeg ah baa loo iibsanayaaye, lacagta ha ka dhurto. Tan cid kale la weydiin maayo, aniga ayaa ku soo caanamaalay waagii aan garab-ku-dukaanle ahaa.
Maanta qeybtan intaas ha noogu joogto. Qeybta xigta maalin kale ayaan soo sii deyn doonaa Alle idinki.

FG: Fadlan, la wadaag haddii aad taqaanno qoraa ama qof jecel hadda in uu ku biiro qoraalka, in ay talooyinkan wax uun ka anfacaan baa laga yaabaaye.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com  Fb Page: Facebook.com/snayruus 


Sawirka Suldaan Nayruus oo wax u sheegayey dhallinyaro qoreyaal ah: 2017



3 comments:

  1. Runtii aadbaan ugu helay taladan iyo tusaalooyinkan tolmoon walal

    Aniga ahaan waa jecelahay inaan wax qoro mise iskuma dayo xataa magaca buuga aan jecelahay inaan ku bilaabo waan hayaa iyo waxa aan ka qori lahaa wan kula soo xidhiidhi doonaa si aad iigu caawiso halkaan talaabo ka bilaabi lahaa mahadsanid suldaan

    ReplyDelete