Monday, July 29, 2019

ILMAHA LA KALA KIRQAYSTO EE LAGU TUUGSADO iyo dhacdadii ugu yaabka badnayd ee Muqdisho ka dhacday!


Tuugsigu waa wax caalami ah ee adduunka meel walba ka jira. Dawarsigu kuma koobna oo keliya shakhsi ama bulsho sabool ahe, xataa waxaa baryootama dawladaha. Ama ha ahaado waxwarsaduhu qof, bulsho ama dawlade, waxa jira tabo iyo xeelado ay la yimaadaan tuugsadeyaasha qaarkood. Waxaa ka mid ah xeeladaas: Isdalloocin, cudur-isku-rid, naafo-ska-yeel, sheegasho qariibnimo, dhibo iyo musiibooyin aan jirin IWM. Sida wax kasta ay hormar u sameeyaan, ayuu tuugsiguna u hormaraa oo hadba fekerado cusub oo dadka wax haysta lagu laabtaaban karo ugu soo kordhaan.

Waa saase, waxaa waayadan ku soo kordhay Soomaaliya fekrado tuugsi oo laga soo minguuriyey Hindiya oo dalalka deriska ah noo soo maray. Maadaama la arkay in dadku u beerdulcaan carruurta, waxaa la hindisay fekrad ah in lagu tuugsado carruur tabaalo iyo dacdarro ka muuqato. Maadaama qof kasta oo tuugsada uusan carruur haysan, haddana waxaa soo baxay in tuugsadaha aan carruur haysan uu soo kiraysto carruur uu ku tuugsado. Waxaa sidaas oo kale halkaa ka dhashay dallaaliin u dhexeeya dadka carruurta dhalay iyo kuwa kireysta oo iyagu qaada masuuliyadda carruurtaas. Cunug kasta la ma kireysto e, dhallaanka la kireysanayo, haddii uusan socod gaarin iyo haddii uu socon karaba, waa in uu yahay xayeysi ay ildarro iyo macaluul ka muuqato. Waxaa ugu qaalisan carruurta jirran iyo kuwa lixaadka la`. Dadka carruurta kireysta, qofkii haysta xeyn carruur ah oo kiro ugu jiraan, gaddac-gaddac buu u seexdaa.     

DHACDADII UGU YAABKA BADNAYD EE MUQDISHO KA DHACDA

Waxa aan shalay subax ku soo baxay toddoba nin oo aad u doodaysa. Wajahaddayda ayey taagnaayeene, intii aan ku soo socday ayaa dooddoodii inta sii kululaatay, waxa ay qaarkood ku dhawaaqayeen, “Kaalaya maxkamadda aan isla aadnee, iyada ayaan ku kala baxaynaaye.” Waa dhaqankayga qaabka daran oo aan marmarna dhib kala kulmee, nimankii inta afka la galay ayaan weydiiyey waxa ka dhex jira, aniga oo u sheegay in ay macquul tahay in aan wax uun xal ah ku kordhin karee. Nimanki inta wada aamuseen wax yar ayaa, iyaga oo aan ku qanacsanayn xog bixintaas, nin ka mid ah warkii ii galay. Waxa uu yiri, “Gabar tuugsata ayaa waxa ay u timid islaan haysata cunug yar oo ay kireyso. Waxa ay ku heshiiyeen in ay cunugga qaadato oo ay ku soo tuugsato siddeed saacadood, soona celiso cunugga iyo lacag lagu heshiiyey. Cunuggu hal sano jir buu ahaa. Markii gabadha loo dhiibayey cunugga, waa uu hurday. Isaga oo hurda ayaa loo xambaaray oo ay tuugsi ku aadday. Gabadhii, siddeed saacadood ayey ilmihii sidatay. Intaas cunuggu ma tooso, ma dhaqdhaaqo, waxa ayna u qaadatay in uu yahay ILMO ISLAAMEED oo uu dabeecaddaas leeyahay, iyana faro lama gelin. Kolka uu wakhtigii u dhammaaday ayey celisay cunuggii. Hooyadii markii lagu wareejiyey ayey dhallaankii ka weydey wax neef ah. Inta rogrogtay oo meel walbana ka taabatay, ayey wax neef iyo dhaqdhaaq ah ka weyday. Xoogaa ka dib, waxaa hooyadii u xaqiiqowday in uu ilmuhu meyd yahay. Hooyadii waxa ay qabsatay gabadhii oo ku sheegatay in ay dishay ilmaheedii. Gabadhiina, waxa ay soo istaagtay in ilmahan isaga oo sidaan ah loo dhiibay, ilaa maanta oo dhanna sidan uu ahaa, hooyaduna ku ogayd oo ay doonaysay in ay igu nabto. Walaal, wataas xaajada aan isku haynno.”

Markii aan fahmay, ayaan cabbaar inta aammusay oo fekeray, oo fekeray, oo talo rogrogay, ayaan inta aan xal u helay, u soo jeediyey in aan gartaas naqo. Raggii badankiis waa diideen in aan gartaas galo, waxa ayna guddoonsadeen in ay maxkamadda gobalka isla aadaan. Inta taleefoonka ka qaatay ninkii warka ii sheegayey, ayaan ka tagay.

FG: Qof kasta oo carruur dacdarraysan wata oo dadka wax weydiista, ma ahan qof sidaas ku soo shaqo tagay. Ummaddu waa isku jir. Midda kale, qof kasta oo wax siiya qof wax warsaday (Ha ka ahaato dhab ama dhaqaale doone) waa u sadaqo aakhri uu helayo.

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruu  
Kala xiriir: nayruus@gmail.com 
FP: www.facebook.com/snayruus




No comments:

Post a Comment