Marar kala duwan
ayaan boggaan ku faafiyey waxyaalaha furriinka keena. Ayaanba dhawr qodob baan
idiin sheegi jiray. Maanta waxa aan soo deynayaa qodob muhiim ah oo isna furriinka
sababa. Qodobkaasi waxaa weeye, waa dadka isfura oo horay guur kale ka helaya.
Aan
sii caddeeya e, gabadha la furo, dhulka dhici mayso, oo waxaa tuban rag horay
ka guursanaya. Waxaaba jira rag ka hela gabdhaha garoobka ah oo toosha ku
raadiya, maadaama guurkoodu ka yara ladhifan yahay
midka gabdhaha sajalka ah. Ninka wax furay isna dhulka dhici maayo, oo isla
markiiba gabar kale ayuu horay ka helayaa. Xitaa ninka naag soo maray aad bay
gabdhuhu uga jecel yihiin midka aan weligi naag arag. Sababta oo ah, waxa ay aaminsan
yihiin in uu yahay nin waayo-arag ah. Waaba la og yahay oo, haddii ay gabar ku
soo tartamaan laba nin oo midi naag soo maray, kan naagta soo maray ayey
doorataa.
Marba haddii
labada isqabta, bannaanka lagu sugayo, dhib kuma hayso in ay is furaan, oo
maalinta la isku xaqaano, gabadhu waxa ay laeedahay, “Saaxiib, rag keligaa ma
ahan, kuwa kaa sitaan helayaaye, dalqadahayga i maqashii.” Isna waxa uu lee
yahay, “Qaado dalqadahaaga oo aan sarrifnayn, xuuralciin kaa sarreysa ayaa meel
walba ii tubane.”
Weli ma is
weydiisay, sababta Soomaalidii hore furriinku ugu yaraa? Wax kale ma ahayne,
gabadha la soo furo lama guursan jirin, haddii la guursadana, doqon iyo oday
cayga daadinaya bas baa ku weysadhawran jiray. Tii xitaa labadaas weydana,
deegaanka oo dhan bay ka haajiri jirtay oo, HEERAN bay noqon jirtay. Ninka
gabar furana, aad iyo aad bay u adkayd in ay gabar kale yeesho, waxa ayna
gabdhaha waagaas aaminsanaayeen, nin gabar furay in uu iyana soo furayo oo
hadhawto nin la`aani ku dhici doonto. Kolkaas baa marka uu gabar reerihiisa ka
waayo, deegaanno kale oo aan laga aqoon gabar ka raadsan jiray.
FG: Haddii aad
doonayso in aad hesho qoraalladii kale ee furriinka ka hadlayey, ka baar Balooggan
ama Boggayga Faysbuug.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb Page: Facebook.com/snayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb Page: Facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment