Sunday, July 28, 2019

FATWO DEGDEG AH OO AY QALINLAYDA SOOMAALIYEED KA SOO SAARTAY DADKA CODSADA PDFka


Fatwadii Ugu Horreysay Ee Ay Qalinlay Soosaarto

Waa baa qoraa Maraykan ah oo buug daahfurayey, dhawr qof oo u badnaa dadka Madow ka codsadeen in uu buugga siiyo. Waa siiyey. Dhaw mar oo kale ayuu la kulmay dad buug bilaash ah warsanayey. Sidaas oo kale ayaa laba qoraa oo Kanadiyaan ah, iyaguna u la kulmeen dad ka codsanayey buugtooda in ay lacag la`aan ku siiyaan. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa qoreyaashaasi waxa ay ku kulmeen bandhig-buugeed weyn oo ka dhacayey Mareykanka. Iyaga oo isla shaahaynaya oo arrimaha qoraalka iska wareysanaya ayey dhacdadaan ka sheekeeyeen. Isla markiiba, waxa ay isku waafaqeen, inta uusan BAADHILKAAS fidin in ay ka soosaaraan Fatwo. Waa ka soosaareen oo, waxa ay soo hindiseen oraahda caanka ah ee hadda maahmaahda noqotay oo af kasta laga helo. Waxa ay dheheeh: Adduunka qofka ugu doqonsan, waa kan bilaash ku weydiista qoraa buuggiisa. Waa ku caanamaaleen oo, inta faaftay baa la waayey qof ku dhaca in uu qoraa buuggiisa bilaash ku weydiisto. Arrin taas ka wacan baaba ka dhalatay oo, marka qoraaga buugga laga iibsanayo oo uu saxiixayo, waaba ka qaalisanaatay marka buuggaas dukaanka laga gadanayo!

Fatwadii Labaad Ee Ay Qalinlay Soosaarto

Bartamihii qarnigii tagay ayaa koox qoraayaal Reer Masar ah, waxa ay dareemeen sicirbarar xooggan oo soo wajahay suuqii buugta. Buugta la soosaaraba ma leh wax iibsanaya! Waa fekereen oo fekereen, kolkaas bay waxa ay soosaareen Fatwo. Waxa ay Fatwadoodu ku wejahnayd dawladda. Waxa ay markii hore ka warrameen dhibaatada akhris la`aanta iyo maktabado la`aanta dalka ka jirta iyo shacabka oo halkii ay lacagtooda ku bixin lahaayeen buug iyo maktabado, ku bixiya Canshuur. Kolkaas bay waxa ay ku gunaanadeen: Canshuurta ay dawladdu qaaddo waa XAARAAN MAQDHAC ah, haddii anaan shacabka looga haqabtireyn baahida akhriska, oo aanan maktabado meel kasta looga samaynaynin, sababta oo ah, akhriska ayaa dadka iyo dalkaba hormarinaya. Fatwadaas waa lagu liibaanay oo, dawladda Masar isla markiiba hanti aan faroyaren bay gelisay hormarinta buugta, maktabadaha iyo akhriskaba.

Fatwadii Saddexaad Ee Ay Qalinlay Soosaarto

Arrinta buug-codshada, waxaa ilaa iyo hadda Soomaaliya laga isticmaalaa Fatwadii Maraykanka ay ka soosaareen qoraayaasha Reer Galbeedku. Haddi arrintii buug-codsashada la isla soo dhaaf. Waxa soo baxay dad jaamacado dhigta ama ka soo baxay oo aqoonyahanno ah oo qoraha weydiisanaya in uu buuggiisa PDF ku siiyo. Waxaaba soo baxay dad iyaga oo Soomaaliya jooga ama qorahaba isku magaalo la jooga, inta qoraha Faysbuug kala soo hadla, u sheegaya in ay joogaan adduunka dabadiisa iyo meel cirkaa dher dhul kaa dheer ah, kuna beerdulucda in uu buugga PDF ugu soo diro, maadaama si kale uusan ku heli karin. Waxaaba ayaan dhaweyto dhacday, qoraa sidaas inta lagu dagay, isla markiiba buuggiisii oo PDF ah meel walba lagu faafiyey! Arrintani Fatwo degdeg ah bay u baahatay.

Koox Qalinlayda Soomaaliyeed ah oo aan buurnayn oo anigu, waa Suldaane, aan ku jiro ayaa arrintaas degdeg uga fariisatay toddobaadkan, waxa ayna soosaareen Fatwadan degdegga ah: Qofkii qoraa ka codsada in uu buuggiisa PDF ugu diro, waa DOOFAAR. Eraygan waxaa loogu doortay, Doofaarku waa xawayaan isku darsaday Doqonnimo, Damiir la`aan iyo Danqasho la`aan, qofkaasina intaas ayuu kala mid yahay oo, waa DOOFAAR aan biyo ismarin!

WABILLAAHI TOWFIIQ

Mahadsanidin,

Suldaan Nayruus         
Guddoomiyaha Qalinlayda Fatwadan Soosaartay



No comments:

Post a Comment