Monday, July 29, 2019

HOOYO GABADHEEDA LA DARDAARMAYSA


Waagii hore hooyooyinku waa tababbari jireen gabdhooda. Waa ku carbin jireen akhlaaqda, xishoodka, isqurxinta, nadaafadda, cuntokarinta, aqalsameynta, iyo aqaldhisidda. Waxa ay beri jireen dhaqanka laga rabo marka la guursado iyo sida ay ninkeeda ula macaamili lahayd. Waxa ay si fiican uga dharjin jireen dhaqammada ragga ee kala nooca ah, si ay ugu sii feejignaato; waana sabab ka mid ah sababihii uu furriinku u yaraa.

Waa saas e, habeen baa hooyo gabadheeda baraysay dhaqanka ragga kala duwan, ayaa mar waxa ay kala hadashay da`aha ragga iyo dhaqamadooda, si ay ogaato uguna xisaabtanto. Waxa ay ku tiri, gabadhaydaay:

1. Haddii uu ninku 20 jir yahay, oo uu soo daaho, weligaa ha ku oran, halkeed ku soo daahday, sababta oo ah, waa haasaawe badan yahay. 

2. Haddii uu ninku 30 jir yahay, weligaa ha fogeyn, sababta oo ah, hamuuntiisa iyo rabitaankiisa ayaa badan.       

3. Haddii uu ninku 40 jir yahay, weligaa gaajada ka ilaali, sababta oo ah, waa cunto jecel yahay oo, raashin badan buu rabaa.  
      
4. Haddii uu ninku 50 jir yahay, weligaa ha kor dilin carruurta, sababta oo ah, waa ilmo jecel yahay. 

5. Haddii uu ninku 60 jir yahay, xoolihiisa hortiisa ha ku bixin, sababta oo ah, waa lixjeclo badan yahaye.      

6. Haddii uu ninku 70 jir yahay, waxa aad rabto ka samayso, sababta oo ah, waa jilicsan yahaye.

Waxaa qorey: Suldaan Nayruus  
Kala xiriir: nayruus@gmail.com 
FP: Facebook.com/snayruus




ILMAHA LA KALA KIRQAYSTO EE LAGU TUUGSADO iyo dhacdadii ugu yaabka badnayd ee Muqdisho ka dhacday!


Tuugsigu waa wax caalami ah ee adduunka meel walba ka jira. Dawarsigu kuma koobna oo keliya shakhsi ama bulsho sabool ahe, xataa waxaa baryootama dawladaha. Ama ha ahaado waxwarsaduhu qof, bulsho ama dawlade, waxa jira tabo iyo xeelado ay la yimaadaan tuugsadeyaasha qaarkood. Waxaa ka mid ah xeeladaas: Isdalloocin, cudur-isku-rid, naafo-ska-yeel, sheegasho qariibnimo, dhibo iyo musiibooyin aan jirin IWM. Sida wax kasta ay hormar u sameeyaan, ayuu tuugsiguna u hormaraa oo hadba fekerado cusub oo dadka wax haysta lagu laabtaaban karo ugu soo kordhaan.

Waa saase, waxaa waayadan ku soo kordhay Soomaaliya fekrado tuugsi oo laga soo minguuriyey Hindiya oo dalalka deriska ah noo soo maray. Maadaama la arkay in dadku u beerdulcaan carruurta, waxaa la hindisay fekrad ah in lagu tuugsado carruur tabaalo iyo dacdarro ka muuqato. Maadaama qof kasta oo tuugsada uusan carruur haysan, haddana waxaa soo baxay in tuugsadaha aan carruur haysan uu soo kiraysto carruur uu ku tuugsado. Waxaa sidaas oo kale halkaa ka dhashay dallaaliin u dhexeeya dadka carruurta dhalay iyo kuwa kireysta oo iyagu qaada masuuliyadda carruurtaas. Cunug kasta la ma kireysto e, dhallaanka la kireysanayo, haddii uusan socod gaarin iyo haddii uu socon karaba, waa in uu yahay xayeysi ay ildarro iyo macaluul ka muuqato. Waxaa ugu qaalisan carruurta jirran iyo kuwa lixaadka la`. Dadka carruurta kireysta, qofkii haysta xeyn carruur ah oo kiro ugu jiraan, gaddac-gaddac buu u seexdaa.     

DHACDADII UGU YAABKA BADNAYD EE MUQDISHO KA DHACDA

Waxa aan shalay subax ku soo baxay toddoba nin oo aad u doodaysa. Wajahaddayda ayey taagnaayeene, intii aan ku soo socday ayaa dooddoodii inta sii kululaatay, waxa ay qaarkood ku dhawaaqayeen, “Kaalaya maxkamadda aan isla aadnee, iyada ayaan ku kala baxaynaaye.” Waa dhaqankayga qaabka daran oo aan marmarna dhib kala kulmee, nimankii inta afka la galay ayaan weydiiyey waxa ka dhex jira, aniga oo u sheegay in ay macquul tahay in aan wax uun xal ah ku kordhin karee. Nimanki inta wada aamuseen wax yar ayaa, iyaga oo aan ku qanacsanayn xog bixintaas, nin ka mid ah warkii ii galay. Waxa uu yiri, “Gabar tuugsata ayaa waxa ay u timid islaan haysata cunug yar oo ay kireyso. Waxa ay ku heshiiyeen in ay cunugga qaadato oo ay ku soo tuugsato siddeed saacadood, soona celiso cunugga iyo lacag lagu heshiiyey. Cunuggu hal sano jir buu ahaa. Markii gabadha loo dhiibayey cunugga, waa uu hurday. Isaga oo hurda ayaa loo xambaaray oo ay tuugsi ku aadday. Gabadhii, siddeed saacadood ayey ilmihii sidatay. Intaas cunuggu ma tooso, ma dhaqdhaaqo, waxa ayna u qaadatay in uu yahay ILMO ISLAAMEED oo uu dabeecaddaas leeyahay, iyana faro lama gelin. Kolka uu wakhtigii u dhammaaday ayey celisay cunuggii. Hooyadii markii lagu wareejiyey ayey dhallaankii ka weydey wax neef ah. Inta rogrogtay oo meel walbana ka taabatay, ayey wax neef iyo dhaqdhaaq ah ka weyday. Xoogaa ka dib, waxaa hooyadii u xaqiiqowday in uu ilmuhu meyd yahay. Hooyadii waxa ay qabsatay gabadhii oo ku sheegatay in ay dishay ilmaheedii. Gabadhiina, waxa ay soo istaagtay in ilmahan isaga oo sidaan ah loo dhiibay, ilaa maanta oo dhanna sidan uu ahaa, hooyaduna ku ogayd oo ay doonaysay in ay igu nabto. Walaal, wataas xaajada aan isku haynno.”

Markii aan fahmay, ayaan cabbaar inta aammusay oo fekeray, oo fekeray, oo talo rogrogay, ayaan inta aan xal u helay, u soo jeediyey in aan gartaas naqo. Raggii badankiis waa diideen in aan gartaas galo, waxa ayna guddoonsadeen in ay maxkamadda gobalka isla aadaan. Inta taleefoonka ka qaatay ninkii warka ii sheegayey, ayaan ka tagay.

FG: Qof kasta oo carruur dacdarraysan wata oo dadka wax weydiista, ma ahan qof sidaas ku soo shaqo tagay. Ummaddu waa isku jir. Midda kale, qof kasta oo wax siiya qof wax warsaday (Ha ka ahaato dhab ama dhaqaale doone) waa u sadaqo aakhri uu helayo.

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruu  
Kala xiriir: nayruus@gmail.com 
FP: www.facebook.com/snayruus




Sunday, July 28, 2019

FATWO DEGDEG AH OO AY QALINLAYDA SOOMAALIYEED KA SOO SAARTAY DADKA CODSADA PDFka


Fatwadii Ugu Horreysay Ee Ay Qalinlay Soosaarto

Waa baa qoraa Maraykan ah oo buug daahfurayey, dhawr qof oo u badnaa dadka Madow ka codsadeen in uu buugga siiyo. Waa siiyey. Dhaw mar oo kale ayuu la kulmay dad buug bilaash ah warsanayey. Sidaas oo kale ayaa laba qoraa oo Kanadiyaan ah, iyaguna u la kulmeen dad ka codsanayey buugtooda in ay lacag la`aan ku siiyaan. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa qoreyaashaasi waxa ay ku kulmeen bandhig-buugeed weyn oo ka dhacayey Mareykanka. Iyaga oo isla shaahaynaya oo arrimaha qoraalka iska wareysanaya ayey dhacdadaan ka sheekeeyeen. Isla markiiba, waxa ay isku waafaqeen, inta uusan BAADHILKAAS fidin in ay ka soosaaraan Fatwo. Waa ka soosaareen oo, waxa ay soo hindiseen oraahda caanka ah ee hadda maahmaahda noqotay oo af kasta laga helo. Waxa ay dheheeh: Adduunka qofka ugu doqonsan, waa kan bilaash ku weydiista qoraa buuggiisa. Waa ku caanamaaleen oo, inta faaftay baa la waayey qof ku dhaca in uu qoraa buuggiisa bilaash ku weydiisto. Arrin taas ka wacan baaba ka dhalatay oo, marka qoraaga buugga laga iibsanayo oo uu saxiixayo, waaba ka qaalisanaatay marka buuggaas dukaanka laga gadanayo!

Fatwadii Labaad Ee Ay Qalinlay Soosaarto

Bartamihii qarnigii tagay ayaa koox qoraayaal Reer Masar ah, waxa ay dareemeen sicirbarar xooggan oo soo wajahay suuqii buugta. Buugta la soosaaraba ma leh wax iibsanaya! Waa fekereen oo fekereen, kolkaas bay waxa ay soosaareen Fatwo. Waxa ay Fatwadoodu ku wejahnayd dawladda. Waxa ay markii hore ka warrameen dhibaatada akhris la`aanta iyo maktabado la`aanta dalka ka jirta iyo shacabka oo halkii ay lacagtooda ku bixin lahaayeen buug iyo maktabado, ku bixiya Canshuur. Kolkaas bay waxa ay ku gunaanadeen: Canshuurta ay dawladdu qaaddo waa XAARAAN MAQDHAC ah, haddii anaan shacabka looga haqabtireyn baahida akhriska, oo aanan maktabado meel kasta looga samaynaynin, sababta oo ah, akhriska ayaa dadka iyo dalkaba hormarinaya. Fatwadaas waa lagu liibaanay oo, dawladda Masar isla markiiba hanti aan faroyaren bay gelisay hormarinta buugta, maktabadaha iyo akhriskaba.

Fatwadii Saddexaad Ee Ay Qalinlay Soosaarto

Arrinta buug-codshada, waxaa ilaa iyo hadda Soomaaliya laga isticmaalaa Fatwadii Maraykanka ay ka soosaareen qoraayaasha Reer Galbeedku. Haddi arrintii buug-codsashada la isla soo dhaaf. Waxa soo baxay dad jaamacado dhigta ama ka soo baxay oo aqoonyahanno ah oo qoraha weydiisanaya in uu buuggiisa PDF ku siiyo. Waxaaba soo baxay dad iyaga oo Soomaaliya jooga ama qorahaba isku magaalo la jooga, inta qoraha Faysbuug kala soo hadla, u sheegaya in ay joogaan adduunka dabadiisa iyo meel cirkaa dher dhul kaa dheer ah, kuna beerdulucda in uu buugga PDF ugu soo diro, maadaama si kale uusan ku heli karin. Waxaaba ayaan dhaweyto dhacday, qoraa sidaas inta lagu dagay, isla markiiba buuggiisii oo PDF ah meel walba lagu faafiyey! Arrintani Fatwo degdeg ah bay u baahatay.

Koox Qalinlayda Soomaaliyeed ah oo aan buurnayn oo anigu, waa Suldaane, aan ku jiro ayaa arrintaas degdeg uga fariisatay toddobaadkan, waxa ayna soosaareen Fatwadan degdegga ah: Qofkii qoraa ka codsada in uu buuggiisa PDF ugu diro, waa DOOFAAR. Eraygan waxaa loogu doortay, Doofaarku waa xawayaan isku darsaday Doqonnimo, Damiir la`aan iyo Danqasho la`aan, qofkaasina intaas ayuu kala mid yahay oo, waa DOOFAAR aan biyo ismarin!

WABILLAAHI TOWFIIQ

Mahadsanidin,

Suldaan Nayruus         
Guddoomiyaha Qalinlayda Fatwadan Soosaartay



Thursday, July 18, 2019

ADNA JEEBKA ADNA JIIFKA


Maxaad kala socotaa siraha gabdhaha guursada odayaasha cutushka ah? (Xog muhiim ah)

Hadda ka hor baa oday siddeetan jir ah, waxa uu guursaday gabar markaas qaangaartay. Waa oday raabuqay oo wada dabcay e, kolka la is barakaysanayo ayuu gadaal ka neefsadaa. Waayadaas aad bay ceeb u ahayd gadaal-ka-neefsiguye, gabadhii inta la yaabtay caadadaas ayey wax ka weydiisay seygeedii? Waxa uu ugu soo koobay, “Waa caado rag.” Haddii ay sharraxaad dheer u baahatayna, waxa uu ugu warramay in gadaal-ka-neefsigani caado u yahay mar kasta oo nin uu tagayo naag. Ayaan ka dib, odaygii tii Alle ayaa u timid oo, waa uu dhintay. Wiil dhallinyaro ah ayaa gabadhii guursaday. Caadadii ragga ayey ka weydey wiilkii, kolkaas bay weydiisay! Haddii cabbaar arrintaas laga wada sheekeystay, inantii wax baa u baxay. 


Waxaa sidaas oo kale jirtay sheeko caan ah oo yaab lahayd oo waa hore oo hore ka dhacday Wallaweyn. Waa wiilkii iyo gabadhii markaas qaangaaray ee waalidiintoodu isku dartay oo, inta waxba kala garan waayeen muddo dheer is ag jiifi jiray, markii dambe oo la ogaaday oo wax loo sheegayna, khalad kale oo aan meeshaan lagu sheegi karin galay!

Aan ku weydiiya e, gabdhaha sannadkan jooga, ma la mid yihiin gabadha uu odaygu “Xaajo rag” ugu sheekeeyey iyo lammaanaha waxba kala garan waayey?
Sida in badani ay la socoto, waxaa jira gabdho hadda madaxa soo qaaday, oo qaarna lagu daro, qaarna iskood u guursada odayaal dhaqaalaysan oo laclac ah oo aan barkood dhareerka iska duwi karin. Dad badan baa u qaba gabdhahaasi in ay odayaashaas WADA imaansadaan! Laakiin lama oga e, odayaashana waa u duugduugaan habeenkooda, saaxiibbo ka soo farxiyana meelaha ayey ugu jiraan. Waa taa sababta aysan inta badan u dhicin, in ay gabari ay ka cararto oday qabay. Soo ma aadan arag gabar oday xoodmay inta guursaday carruur isku nuug ah durbadiiba fatahaysa? Soo tani shaqo uma baahna, oo soo tii Soomaalidu lahayd, “Wahsi wiil lagu ma dhalo”?

Gabdhuhu waa qarsadaan intooda badan hawshan, laakiin gabar Reer Mudug ah ayaa arrintaan waa hore daboolka ka qaadday. Iyada oo 19 jir ah ayaa waxa ay guursatay oday da` ah oo lacag lahaa. Odaygaasna weysadiisa ayey u diyaarisaa, wadaayo dejiya oo lacagta la biishana magaalada ayey u kala joogeen. Gabdho siraheeda fahmay ayaa maalin hawlaheeda wax ka weydiiyey, kolkaas bay ugu jawaabtay orahdan caanka Mudug ka ah, “Adna Jeebka Adna Jiifka,” oo ay ula jeedday, odaygana jeebka ayaan kula socdaa, asxaabtana kalana jiifka.

Arrin noocaan kale u eg ayaa Nayroobi laga yaqaannaa oo, qaar ka mid ah dumarka nimankoodu dibedda jiraan oo qabowga iyo qarashka isku hela, ayaa yeesha saaxiibbo ay ku sugaan nimankooda. Laakiin oraahdaan laga ma isticmaala e, waxaa laga yaqaannaa mid u dhaw oo ah, “Adna Biilka Adna Bustaha.” Soo maadan arag ama maqal carruuro aabbayaashood u soo dacawoodaeen, oo markii dhiiggii la isku baaray, qaarkood isyeelan waayey?

Hadda ma kastay dhakada meesha ku jirta?

XASUUSIN: Odayaasha laga hadlayo ma ahan raggii hore ee haruurka, hilibka iyo caanaha geela ku noolaa iyo dumarkoodii gabta ka ahaa hawlaha gogosha, ee waa odayaasha samankan ee ku nool bariiska iyo baastada iyo caanabooraha iyo dumarka Internetka isticmaala ee wax walba yaqaanna. 

FG: Sawirku waa shisheeye oo ima garanayaan, kuwa Soomaalida se waan ka cabsaday.

Waxaa qorey: Suldaan Nayruus
kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb Page: www.facebook.com/snayruus


Wednesday, July 17, 2019

TALOOYINKAAN MA ANFICI KARAAN QORAAGA?

 (Qeybta koowaad ee talooyinka)

Intii aan ka qeybgalayey bandhig buug iyo intii aan kor ka eeg-eegayey buug kala duwan, si guud, mar mar waxaa iiga soo baxayey arrimo anigu si` aan u arko oo aan is lahaa, haddii aad qoraaga la wadaagto, armay galaan oo aragtidiisa beddelaan. Arrimahaasi waa kuwaane, bal ila arka:




  1. Saddex maalmood oo kala duwan ayaa waxa aan ka qeygalay bandhigyo ay qoreyaal ku daahfurayeen buug. Mid ka mid ah, qudbaddiisii waxa uu ku sheegay in uu hal bil buugga ku qoray. Mid kale, ayaa isna qudbaddiisa ku sheegay in buugga, laba meelood meel, uu hal habeen ku qoray. Mid kalana, waxa uu isna qudbaddiisa ku sheegay, in uu buuggiisa oo 200 bog ku dhaw, uu ku qoray 7 maalmood oo kaliya. Saddexdaas qoraa, si dadban iyo si toos ahba, waxa ay ku faanayeen in ay arrintaasi tahay karti iyo dadaal dheeri ah oo ay la yimaadeen. Waa macquul in ka-soo-geybgaleyaashu barkood ay la dhacaan hadalkaas, una arkaan qoraa sare. Laakiin, dadka aqoonta u leh qoraalka, iyo dadka wax isweydiiyaba, degdeg ayey u arkaan, waxa ayna ka citiqaadaan in wax aan wakhti dheer la gelin aysan ka soo baxayn wax faa`iido badan leh. Sidaas darteed, waxa aan soo jeedin lahaa, si kasta oo Alle kuugu fududeeyo qoraalka, oo hibo gaar ah uu kuugu siiyo in aad muddo yar buug ku soo saarto, sidaas ha u sheegine, waxa aad carrabowdaa in aad buugga muddo dheer ka soo shaqeynaysey, oo aad sannado badan dulfadhiyey. Adigu toddobaad ku qor ama bil ku qore, dadka u sheeg in aad sannado ku soo dhafraysay oo aad ku soo tiro iyo tacab beeshay.
  2. Maalin kale, waxa aan ka qeybgalay bandhig uu qoraa ku daahfurayey buug. Waxa uu qoraagaas sheegayey, in uu qoray saddex buug oo uusan weligi cidna uga baahan tafatir, oo uu keligi isku filnaaday. Waa maangal taasi, oo waa jiri karaa qoraa Alle wax badan isugu daray, laakiin, waxaa jira dad badan oo aaminsan in uusan qofi keligi isku filaan karin, oo uu qofku hawl kasta ugu baahan yahay garab. Dadkaasi, haddii ay kaa dhageystaan in qoraalkaaga aysan cid kale kula eegin, waxaa laga yabaa in ay ka qash dhacaan buuggaaga. Marka, halkaanna waxa aan ka soo jeedinayaa, haddii aad keligaa isku filnaato, dadka ha u sheegin taase, waxa aad u sheegtaa in buuggan khubaro farabadan oo dalka iyo Yurub iyo Maraykan kala jooga ay soo eegeen, soo na sixiixeen oo ay weliba qireen in uu yahay buugga sannadka.
  3. Maalin kale oo aan ka qeygalay bandhig buug, ayaa qorihii waxa uu ku qudbeeyey in buuggiisa (oo buug cilmi ahaa) uu maskaxdiisa ka qoray oo aysan ku jirin wax yar oo uu meel ka soo xigtay. Aad buu taas ugu tookhayey, isaga oo si dadban u durayey dadka buugta kale inta akhriya wax ka soo xigta. Waa suuroobi kartaa in Alle maskaxdaas ku siiyey, dhageysteyaashaada qeyb ka mid ahna waa la dhici karaan, laakiin, dadka hawlahaas ku faradheer kama dhaadhici karo buug cilmi ah oo aan tijaabo cad ama tixraac salka ku haynin. Sidaas darteed, waxa aan halkaasna ka soo jeedin lahaa, maskaxdaada ka wada keen oo, laakiin dadka ha u sheegin taas; waxaana habboon in aad u sheegto in aad u cuskatay buug farabadan oo aad soo akhrisay iyo intaas majalladood iyo maqaal oo aad ku soo indho beeshay. Midda kale, maskaxdaada ka keen oo, tixraac isaga samee, oo tixraaca isaga qor buugta ay isku wax ka hadlayaan, weliba Soomaalida kuwooda iska daayoo, isticmaal magacyada buugta Carabiga iyo Ingiriiska ku qoran oo aysan Soomaalidu aqoon.
  4. Intii aan buugta ku dhex jiray, waxa aan arkay labo buug oo ay qoreyaal kale lahaayeen oo inta jaladiga keliya laga beddelay, qoreyaal inta ku qorteen magacyadooda, soo bandhigeen. Waxaa kale oo aan arkay, buug intiisa badan hal meel laga soo qaaday oo isna la soo bandhigey. Waxa aan halkaasna ka soo jeedinayaa, in qoruhu uu si xeeladaysan u shaqeeyo, haddii uusan deynayn minguurinta. Boqollaal meelood, meelba xoogaa ha ka soo qaato. Ha isku soo duwo oo, magac ku habboonna ha u la baxo. Tan lafteedu hal-abuur iyo kaarto kama marna.
  5. Sideedaba, xikmaddu kuma xirna da`. Waxaa laga yaabaa, qof aad u da` yar in uu ka ximad badan yahay qof daqoobay. Taas waxa aad ka fahmi kartaaba taladii wiilka yarka ahaa (Waa Raage Ugaas e) uu odayaasha dadaqoobay ku lahaa hadalkii u ekaa: War cirrooleyaal ha u yeerinine, cuqaal u yeera. Laakiin dhaqanka yagu taas aad uma aqoonsana. “Wiil yar inta uu geed ka buudo ayuu talo ka boodaa,” ayaa maanka dadka waaweyn ku qufulan. Waa saas e, waxaa jira buug ay qoreen qoreyaal aad u da` yar oo Alle xikmad ku mannaystay. Waxaa laga yaabaa in ay qaarkood 15 sano jir yihiin. Aqoonta ku duugan, marka aad qoraalkooda akhrinayso, waxa aad u malaynaysaa in dadka qoray ay yihiin dad waaweyn ama dad hore, laakiin, kolka aad eegto jaladiga dambe ee buugga, ayaa waxa aad ku arkaysaa sawirka qoraha iyo taariikhdiisaba. Dhallinyarada cuslaatay iyo dadka waaweyn, kolka ay dhugtaanba, buugga waa tuurayaan, waxa ayna lee yihiin, maxaa uu ilmahan nagu soo kordhinayaa. Xitaa dhallinta ay isku da`da yihiin, ma daneeyan oo, waxa ay jecel yihiin buugta ay qoraan dadka ka waaweyn. Sidaas darteed, waxa halkaana ka soo jeedin lahaa, qoreyaasha da`da yar in aysan buugga ku dhejin sawirkooda iyo taariikhdoodaba, si aysan u niyadjabin, suuq ballaaranna u helaan.
  6. Qoreyaasha qaarkood, haddii ay rabaan ha waaweynaadeene, waxa ay taariikhdooda ku muujiyaan halkii ay ku soo barbaareen, taas oo Soomaalida cusub ay dhadhansan karto qabiilkiisa; waana laga yaabaa in dad ku kacsan qabiilka deegaankaas ay saamayn ku yeelato gadashada buugga. Inta aan anigu goobjoogga u ahaa, laba qoraa ayey arrintaasi saameyn ku yeelatay gadashada buugtooda. Labadaas qoraa, mid ka mid ah ayaa daabacaddii labaad ee buugga ka daayey deegaankii ku qornaa, kolkaas buu buuggii si fiican u galay magaaladii uu ku gadmi waayey. Maadaama qabiilkii hadda maamullo loo samaystay, waxa aan soo jeedin lahaa, in qoraagu uu iska dhaafo in uu buugga ku caddeeyo meesha uu ku dhashay.
  7. Waxaa jira qoreyaal buugta ay qoreen wareejiya oo iyagu dadka inta u geegeeya, u sharraxa macnaha buuggu uu xambaarsan yahay, u sheega kalyantiga in uu isagu qoray, jeerkaasina ka codsada in ay ka iibsadaan. Macaamiishu aad iyo aad bay uga yaabaan arrintaas. Soomaalidu, qoraaga waxa ay ka aaminsan tahay qof sare, qof wax wareejiyana waxa ay u arkaan qof hoose. Sidaas awgeed, amakaag bay la noqotaa in qoraa misena uu wareejiyo buuggiisa. Markaasey inta wax kale u soo baxaan oo yasaan qoraagaas - baa inta wax haysata gun baa u badane - waxba ka iibsan waayaan. Qaar baaba inta liida ku jeejeesa. Halkaana, waxa aan soo jeedin lahaa, qoruhu ha wareejiyo buuggiisa, laakiin marka uu dadka ka gadayo, ha u sheego in uu buugga qoray qoraa sare, oo weliba Soomaalidu qurbejoogta ayey ka dambeeyaane, ha dhadho, nin Waashintoon jooga oo bare ka ah jaamacadda Harvard ayaa qoray. Waan hubaa oo, si degdeg ah baa loo iibsanayaaye, lacagta ha ka dhurto. Tan cid kale la weydiin maayo, aniga ayaa ku soo caanamaalay waagii aan garab-ku-dukaanle ahaa.
Maanta qeybtan intaas ha noogu joogto. Qeybta xigta maalin kale ayaan soo sii deyn doonaa Alle idinki.

FG: Fadlan, la wadaag haddii aad taqaanno qoraa ama qof jecel hadda in uu ku biiro qoraalka, in ay talooyinkan wax uun ka anfacaan baa laga yaabaaye.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com  Fb Page: Facebook.com/snayruus 


Sawirka Suldaan Nayruus oo wax u sheegayey dhallinyaro qoreyaal ah: 2017



Thursday, July 11, 2019

QODOBKA UGU DARAN EE FURRIINKA FUDUDEEYA


Marar kala duwan ayaan boggaan ku faafiyey waxyaalaha furriinka keena. Ayaanba dhawr qodob baan idiin sheegi jiray. Maanta waxa aan soo deynayaa qodob muhiim ah oo  isna furriinka sababa. Qodobkaasi waxaa weeye, waa dadka isfura oo horay guur kale ka helaya.

Aan sii caddeeya e, gabadha la furo, dhulka dhici mayso, oo waxaa tuban rag horay ka guursanaya. Waxaaba jira rag ka hela gabdhaha garoobka ah oo toosha ku raadiya, maadaama guurkoodu ka yara ladhifan yahay midka gabdhaha sajalka ah. Ninka wax furay isna dhulka dhici maayo, oo isla markiiba gabar kale ayuu horay ka helayaa. Xitaa ninka naag soo maray aad bay gabdhuhu uga jecel yihiin midka aan weligi naag arag. Sababta oo ah, waxa ay aaminsan yihiin in uu yahay nin waayo-arag ah. Waaba la og yahay oo, haddii ay gabar ku soo tartamaan laba nin oo midi naag soo maray, kan naagta soo maray ayey doorataa.

Marba haddii labada isqabta, bannaanka lagu sugayo, dhib kuma hayso in ay is furaan, oo maalinta la isku xaqaano, gabadhu waxa ay laeedahay, “Saaxiib, rag keligaa ma ahan, kuwa kaa sitaan helayaaye, dalqadahayga i maqashii.” Isna waxa uu lee yahay, “Qaado dalqadahaaga oo aan sarrifnayn, xuuralciin kaa sarreysa ayaa meel walba ii tubane.”

Weli ma is weydiisay, sababta Soomaalidii hore furriinku ugu yaraa? Wax kale ma ahayne, gabadha la soo furo lama guursan jirin, haddii la guursadana, doqon iyo oday cayga daadinaya bas baa ku weysadhawran jiray. Tii xitaa labadaas weydana, deegaanka oo dhan bay ka haajiri jirtay oo, HEERAN bay noqon jirtay. Ninka gabar furana, aad iyo aad bay u adkayd in ay gabar kale yeesho, waxa ayna gabdhaha waagaas aaminsanaayeen, nin gabar furay in uu iyana soo furayo oo hadhawto nin la`aani ku dhici doonto. Kolkaas baa marka uu gabar reerihiisa ka waayo, deegaanno kale oo aan laga aqoon gabar ka raadsan jiray.

FG: Haddii aad doonayso in aad hesho qoraalladii kale ee furriinka ka hadlayey, ka baar Balooggan ama Boggayga Faysbuug.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb Page: Facebook.com/snayruus