Wiil Soomaaliyeed oo ku
dhashay qurbaha oo u shaqeeya mid ka mid ah haayadaha dalka ka hawlgala, ayaa
in muddo ahba odayaasha qabiilkiisu ka qaadi jireen lacag qaaraan ah. Wiilkani
sidii uu qaaraan u bixinayey, ayaa maalin uu shil gaari galay u baahday lacag
degdeg ah oo uu isbitaal ku galo. Odayaashii qaaraanka ka qaadi jiray ayuu
wacay. Waxaa uu u sheegay in maanta lacag uu uga baahan yahay. Sidii loo warwareejinayey,
wiilkii waxba waa ka waayey. Markii uu arkay in aysan dadkii waxba ka soo socon
ayuu koontadiisii furtay oo uu isku baxnaaniyey. Wiilku, maba fahansanayne,
waxaa uu u qabay qaaraanka laga qaado in koonto lagu shubo oo hadhaw qofkii
dhib gaaro lagu cayminayo. Laakiin maalmahaas ayuu fahmay danta qaaraanka iyo
qaraabka odayaasha. Maalintaas ka dib odayaashii taleefoon dambe kama qaban.
Wiilkii, waxaa uu markaas
la xiriiray mid ka mid ah shirkadaha caymiska Muqdisho. Iyadii ayuu iska
diiwaangeliyey oo uu bilaabay in uu qaaraan ku bixiyo. Qarixii maalin dhaweyto
ka dhacayey Weheliye agtiisa ayuu ku dhaawacmay. Isbitaalka Madiina ayaa la
geeyey, markaas buu waxa uu la xiriiray shirkaddii caymis ee uu ka
diiwaangashanaa. Inta gaari u keeneen ayey ku dheheen: sheego isbitaalka aad
rabto. Isbitaalka Shaafi ayuu farta ugu fiiqay, kolkaas baa inta la qaaday oo
la geeyey, ayaa waxaa la dejiyey qol ka mid ah qolalka dadka sare, wax walbana
iyaga ayaa korka saartay.
Shalay galab oo aan
wiilkaasi wada shaahaynaynay ayuu nagu waaniyey in aan iska joojinno qaaraanka
qabiilka wax ka soo noqonka la hayn oo aan ku beddelanno midka caymiska.
War wiilka taladiisa bal
ka warrama? Ma la qaadan karaa? Awalba danta qabiilka uu u jiray waa
qaraankaase, haddii aan ku beddelano midka caymiska, soo qabiilkii naga burburi
maayo oo waxaan ku faanno waayi maynno?
Adduun waa isku day e,
bal aan anigu ka wardoono.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment