Wednesday, April 10, 2019

WAX HUBSO


Naado, waxa ay soo gashay socdaal dheer oo ay kaga soo kicintintay waddanka Sweden kuna soo gaaraysay magaalada Muqdisho. Dhawr magaalo oo ay diyaaradaha ku kala beddelatay, waxaa hakadkeedu ugu wakhti dheeraa gegida diyaaradaha magaalada Nayroobi ee waddanka Kiiniya. Hiiro ayey soo gashay garoonka e, waxaa lagu wargeliyey in diyaaradda Xamar aadaysa ay kicitimayso 11: AM. Waxaana loo sheegay in ay garoonka ku sii jirayso oo ay ku sugayso diyaaraddaas ilaa shan saacadood.

Naado, markii ay saacado joogtay bay inta caajis dareentay, u kacday dhanka makhaayadda shaaha oo ay ka soo iibsatay kalax shaah ah oo kafee ku barxan yahay. Waxaa ay sidaas oo kale aadday dukaan, kolkaas bay isna ka soo iibsatay baradhada shiilan ee bacaysan, si inta ay garoonka fadhido u raamsato uguna madaddaalato. Maadaama marka ay iibsanaysay baradhada ay gacmaha u kala beddelaysay shaaha kulul ee ku jiray koobka kafiifka ah ee Maristicmaalka ah, ma aysan awoodi karin in ay koobkana gacan ku qaadato, bacdana gacanta kale ku qabsato, kolkaas bay waxa ay bacdii ku ridatay boorsada garabka oo ay markaas kolkosha ku wadatay. Wey soo baxday oo, waxa ay salka dhigatay kursi ku aaddan looxa laga eegto waqtiyada diyaaradaha, si ay uga fiirsato xilliga diyaaraddeedu ay diyaarka noqonayso. Kursiga ay fariisanaysay, waxaa kan midigta ka xigay ku fadhiyey nin duub caddaa oo isna socoto ahaa oo meeshana ku nasanayey, dhawranayeyna xilliga diyaaraddiisa.

Marka ay Naado soo fariisatay, waxa ay horay ka bilawday kabkabashada shaahii. Waa hayey e, sidii ay u fiiqsanaysay, wax yar ka dibba heensatay. Dindinkii ugu dambeeyey markii ay ka leeftay, ayey damacday in ay inta gees iska dhigto gorofka ay markaasi u jeensato cunista baradhadii. Ay koobka sii dhigaysay dhankeeda midigba, waxa ay qooraansigeedii, qacdii horeba tusay baradhadeedii oo ninkii geesta ka fadhiyey inta iska furtay uu xabbaddii koowaad la baxayo. Gabadhii Naado ahayd yaab iyo amakaag baa ka soo haray. Waxaa af-kala-taag ku riday, horarka iyo halacnimada ninka. Ju` uma dhihin oo, waa ka xishootay in ay dhegaha ka raacdo ama ugu yaraan ninka weydiiso sababta uu fasax la`aan isaga furtay oo uu cunayo xoolaheeda. Laakiin saas oo ay tahay, xanaaqa ay ka qaadday falkaasi cunaha ayaa la go`an, oo waxa ayba u aragtay nin ka santaagaya in uu wax weydiisto. Se taas beddelkeed, inta gobanimada dadkeeda lagu yaqaanno muujisay, ayey inta iska aamustay, ay iyana dhankeeda ka bilawday in ay inta gacanta la laacdo ay hadba xabbad la baxdo, iyada oo aan eegayn ninka jirriga ah dhankiisa. La is la ma hadlo, oo qofba kan kale ayuu war ka dhawraaye, sidii midba mar xabbad ula baxayey, ayaa mirkii ugu dambeeyey inta ninkii soo bixiyey oo kala jebiyey, buu qeyb u soo taagay Naado. Inta fiirisay, ayey foolqaawin aan labta jirin inta ilkaha u caddaysay, bay u ishaartay in uu jabkaanna ku darsado, laakiin ninkii ayaa ku baryey in ay qaadato. Haddii uu ku celceliyey, waa yara sheexday oo, wey ka qaadatay iyada oo la irkigsan sida uu dhuunigani waxeedii ugu maamulayo.


Marka ay dhammeeyeen baradhadii, ayaa xoogaa yar ka dibba, waxaa la gaaray ambabixii Naado, kolkaas bay isku diyaarisay safarkeedii. Markii ay sii istaagaysay ayaa ninkii la fadhiyey inta sarajoogsaday, si kal-iyo-laab ah ku macasalaameeyey Naado, una rajeeyey safar badbaado. Inta markaan Naado qalbigeedii wax ku tibqay, oo u qaadatay nin si dadban xoolaheedii ugu mahadcelinaya, ayey dhoollacaddayn uga qaadday.

Markii Naado diyaaraddii inta fuushay ay xoogaa socotay, ayaa waxaa ku soo dhacday in ay is haghagaajiso, si wejigeeda jacdad aysan uga dareemin ehelka ku soo dhaweynaya garoonka Muqdisho. Boorsadeedii garabka inta furatay ayey damacday in ay la soo baxdo muraayad iyo alaabaha la isku qurxiyo. Ay kala bixisayba, waxaa ay ku aragtay baradhadii ay soo iibsatay! Yaab iyo naxdin iyo u-qaadanwa baa isku helay. Wax walba oo uu qalbigeedu ku lahaa ninkii, in ay iyadu ahayd bay is ogaatay. Waxaa yaqiinsatay in uu ninkaasi ahaa gob sharaf badan. Waxa inta maankeeda ku soo dhacay uu la dhambalmay sida uu ninka ugu naxariisanayey oo uu xitaa xalleefkii baradhadii ugu dambaysay inta u kala jabiyey uu qeybta u siinayey. Haddii xitaa ay u mahadcelin lahayd, waa isku hiiftay oo wax xiriir ah kama haynin. Tu` gees fadhiday oo ay mar hore isku soo wardarsadeen ayaa aragtay Naado oo isbeddeshay, madaxwarwareejis, aamus iyo xasuus gashay. Kolkaas baa inta dareen galay, waxa ay weydiisay Naado waxa ku soo kordhay. Halkii ay warcelin kale ka sugaysay, waxa ay Naado la soo boodda, "Weligaa wax hubso."

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                          
Kala xiriir: nayruus@gmail.com                          
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus

No comments:

Post a Comment