Beri
baa koox Reer Mudug ah oo xigaalo ahayd oo inkaar ku qabtay dumarka, ayaa iyaga
oo ka sheekaysanaya waxa ay dumar islaameed maro ka feydeen oo ay gaabsi uga
alaxsadeen, baa raggii mid ka mid ahaa markii dambe su`aalay intii kale, “War
horta ilma-adeerrayaalow, sida aan gabdhaha islaameed u galno kuwa yaga ma loo
galaa?” Nin raggii ka mid ahaa ayaa ugu jawaabay, “Oo maxa dhacay? Inta loo
galo oo looga asalawaadiyo ayaa weliba laga alaadsiiyaa.” Suu kii haddana
su`aalay, “Oo maxaa falay oo leeddoraaca baray?” Saa kii kale misena ugu
jawaabay, “Soo rag annaga oo kale ah carrada ma dhoobna. Soo inta aan habeenkii
u guuraynaynno guryo islaameed, kuwa yagii baylah ma ahan oo lagu soo guurayn
maayo?” Kii inta yaabay oo madaxa gacanta saartay ayaa, isaga oo afka
maroojinaya waxaa uu yiri, “Ba`aa, oo ina-adeerow markaas la go`ye.”
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment