Ma aqaan anigu dunida kala e,
marka Soomaaliya la joogo, waxaa adag in la arko wiil ama gabar, nin ama naag
Eebbe hanti u dhiibay oo ku mashquulsan waxqoris. Waxaa kale oo aadan dhaayo
saarayn, inan ama gashaanti ama nin ama islaan lacagley ah oo inta suuqa buugta
aada kutub ka soo adeeganaya, oo akhris diyaar u ah. Ilaahay amarki, waxaannu
aragnay, wiil ama gabar noloshoodii asaasiga ahayd ba u tabar la’, oo misena
buugqoris u kasho beelay. Xitaa inta waayaan
Kambiyuutar ay wax ku qoraan, bay buug iyo qalin inta isa saaraan oo ku qoraan
(amma waayadan dambe moobeel ay ku qoraan) ayey markaasi muddo raadiyaan qof
Kambiyuutar leh oo u garaaca. Marka ay dhammeeyaanna, muddo dheer goobaan wixii
ay ku daabici lahaayeen.
Waxaa ka sii yaab badan, dadka
wax akhriya ama akhriska daneeya, iyaguna waxa ay u badan yihiin, kuwa aan
waxba haysan. Ma iibsan karaan buug, waana rabaane, amaah ayey ku doonaan ama
miskiinka wax qoray bay ka codsadaan.
Labadan miskin, Wallaahi dhib
ayaa haysta.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment