Saaka ayaan waxa aan ku
kulannay hudheel wiil dhallinyaro ah oo aan isbargaraynay. Wiilku waa jaamici
shahaadooyin sare wata. Aad buu u niyadjabsanaa, waxa uuna iiga sheekaynayey in
Soomaaliya aysan fiicnayn oo in laga haajiro ay mudan maadaama ay tahay gole
musuqmaasuq. “Sabab”, ayaan iri. Waxaa uu ii sheegay in uu 31 jeer codsiyo u
dirsaday haayado caalami ah, kuwo maxalli ah iyo shirkado soo baahiyey
in ay shaqo ka bannaan tahay. 31kaas jeer, 9 ka mid ah kaalinta koowaad baan
galay iyada oo weliba la iga musuqmaasuqay marar badan kaalinta koowaad.
Kolkaas baan halkii aan ka sugayey in aan shaqo tago, la geliyaa qof dibedda
laga keeno ama mid iga hooseeyey.
Markii aan dhageystay
baan waxa aan ku iri, “Ma aaminsan tahay qaddarta Eebbe”. Suuye, “Haah.”
Saanne, “Meel uusan Eebbe risiq kaaga qorin oo aadan calaf ku lahayn, ma heli
kartaa?” Suuye, “Maya.” Saan haddana weydiiyey, “Ka warran meel aad calaf ku
leedahay, cidi ma kaa celin kartaa?” Suuye, “Maya.” Kolkaas baan ku iri,
“Intaas aad meel codsanaysay, Eebbe waxba kaaga ma qorin. Dadkaas ku
musuqmaasuqay ayaa sabab looga dhigay mooyee, adiga Eebbe kuugu ma talagalin.
Haddii Eebbe kuu qoray adiga oo kaalinta lixaad galay baad heli lahayd. Waxaa
daliil u ah, meelaha aad sheegtay in dad imtixaanka kaaga hooseeyey la siiyey,
kuwaas baa calaf ku lahaa.”
Waxaa kale oo aan uga
warramay qiso dhab ah. Wiil aan abti u ahaa ayaa waxaa uu imtixaan u galay
Haayadda Caafimaadka Adduunka (WHO), kolkaas baa waxa uu galay kaalinta
saddexaad. Kuwii imtixaanka qaadayey ayaa inta xogtii imtixaanku ka hallowday,
isaga kiisii heleen, shaqaduna degdeg bay ahayd oo waa ka gaari waayeen sii
xulidda dadkii kale, kolkaas bay isagii iska qaateen. Markii uu heshiiskii
saxiixay oo uu 23 beri shaqaynayo ayaa la helay xogtii. Maxaa la sameeyaa?
Isagii baa loo daayey. Illaah baa isaga u qoray shaqadaas, ilaa iyo haddana waa
ka shaqeeyaa. Inta si wanaagsan oo weji furnaan ah u eegay, oo aan garabkiisa
gacanta saaray, baan ku iri, “Adeer, taadii waa dhimman tehee iska sug. Tan
kale, Alle baa wax baxshee, isaga kaasho, dadaalkana sii badi.” Inta i
gacanqaaday ayuu xabadka i geliyey. Waxaa uuna yiri, “Runtii waan murugaysnaa.
Waan laabjabsanaa. Quus baana taagnaa. Hadda se, Alxamdullilaah, waxaan ogaaday
in aysan Aadane wax i diidine, dhanka sare weli waxba la iiga xukumin. Wallaahi
wax weyn baa iska kay beddalay. Walaal Suldaan waad mahadsan tahay 1000 jeer.
Waan dadaalayaa inta aan helayo mid Eebbe ii qoray.” Isaga oo faraxsan buu iga
tagay.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus