“Haddii la hadlana
waa-af-sallax-kudheg, haddii kalana ariga jaqiiqda laga deyn maayo.” Oraah
Soomaaliyeed.
Haddii aad la socoto, dadka hadda waddanka haysta, min agaasine, guddoomiye degmo, mid gobol, la-taliye, wasiir iyo wasiir-ku-xigeen, baarlamaannada 75%, raʻisulwasaare ilaa madaxweyne waa wada qurbejoog. Maxaad kuwaan ka sheegeysaa, madaxda ciidamada: dhul, cir, booliis iyo nabadsugidba waa wada qurbejoog. Ku darsa o, mucaaradka doonaya in ay xukunka qolada haysa kala wareegaan waa wada qurbejoog. Dhammaan dadkaasi hal qofna carruurtiisa dalka ma joogto.
In
kasta oo u-orodka kursiga Soomaaliya uu marxalado kala duwan soo maray oo hadba
qolo isku soo qabsanaysay, waayadan waxa uu dhexyaallaa Qurbejoog iyo
Alshabaab.
Haddii aad la socoto, dadka hadda waddanka haysta, min agaasine, guddoomiye degmo, mid gobol, la-taliye, wasiir iyo wasiir-ku-xigeen, baarlamaannada 75%, raʻisulwasaare ilaa madaxweyne waa wada qurbejoog. Maxaad kuwaan ka sheegeysaa, madaxda ciidamada: dhul, cir, booliis iyo nabadsugidba waa wada qurbejoog. Ku darsa o, mucaaradka doonaya in ay xukunka qolada haysa kala wareegaan waa wada qurbejoog. Dhammaan dadkaasi hal qofna carruurtiisa dalka ma joogto.
MA
DOONAYAAN IN AY U DHINTAAN DALKA AY XUKUMAYAAN?
Sayid
Maxammed, nin aan xaaskiisa iyo carruurtiisa xera Daraawiisha keenin, kuma
aamin qabi jirin, waxna uma dirsan jirin. Itoobiya, nin aan carruurtiisa iyo
xaaskiisa dalka joogin ma aaminto dhulxaaqna uma dhiibato.
Waa
saase, nin aan carruurba ka joogin, yuu u dhimanayaa? Maya, ha sheegin. In ay
magac iyo lacag ka uruursadaan mooyee, wax kale ma leh. Weligaa maqli maysid
nin ama naag qurbejoog ah oo dagaallamaya ayaa dhintay! Ma rabaan in ay ka
dhintaan qabawga, dalxiiska iyo lacagta ay kala rogayaan. Taas beddelkeed, waxa
ay degaan guryo dhagxaan lagu wareejiyey, hoteello shub ku meegaarsan yihiin,
waxa ayna ilaalo ka dhigtaan dhallinyaro gaajaysan. Waxa uu joogaba waa inta uu
shaqadaasi ku jiro, kolka ay u dhammaato horay buu ka laabanayaa. Si kale, waa
dal aysan shaqo ku lahayn oo ay u soo shaqo tageen.
ALSHABAAB
Waa
mitid xukundoon ah, waxa ayna u halgamayaan in ay waddanka u taliyaan.
Nimankani, xukunkooda daacad bay u yihiin. Waa u dagaallamayaan, waa u
dhimanayaan, naftoodana waa u hurayaan. Dibed ma aadaan, carruurahooda iyo
reerahooda waddanka ayey ugu nool yihiin.
MADAXWEYNAHA
IYO AMIIRKA OO QORRAXJOOG U TAGAY
Koox
qorraxjoog ah ayaa mar u tagay Farmaajo, waxa ayna ka codsadeen in qorraxjoogta
uu wax ka siiyo shaqada muushka ah, dhaqaalaha miiran iyo jagooyinka tuban. War
laga waa. Haddana waxa ay u tageen Ubuu Cubayda. Isaga duurka buu ku jiraa oo
shaqo iyo dhaqaale la weydiisto ma hayee, waxa ay ka codsadeen in uu qaraxyada
lagu go`ayo ka daayo. Isna ju` lagama maqal.
MAXAA
TALO U AH REER QORROXJOOG?
Waddanka
waxaa ku hardamaya dawlado qaarkood ku hadla af Ingiriis, qaarkoodna ku warrama
af Carabi. Wixii Ingiriiska ku hadlayey qurbejoog baa khadkooda soo xiratay,
wixii af Carabi ku warramayeyna Shabaab baa khadkooda soo xiratay, sidaas
awgeed, qorraxjoog oo awalba labadaasi af ku dhib qabtay, haddana adduun ay la
xirato uma furna, taas darteed, waxaa u soo jeedinayaa, si ay u badbaadaan in
ay heshiisiiyaan labadaasi qolo. Haddii aysan taasi dhacayn, maa la isaga
dhexbaxo, oo kuwii awood roonaada, addoomo loo noqdo.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment