Dad baa u qaba Jinni
kasta oo ka dhex qayliya gabdhaha ama wiilasha in uu sax yahay. Waxaa jirta
farsamooyin kale oo waayo dhaw soo baxay oo ay gabadhaha iyo wiilashu u
isticmaalaan Jin-isku-ridkaasi.
Tusaale,
gabar baa aad uga heshay wiil oo markaasina isku dayday in ay xiriir la samayso
laakiin uu ka santaagay. Si kasta inta samaysay ayay soo loodin weyday wiilkii.
Kaaga darane, waxa ay arkaysaa isaga oo la socda gabdho kale oo iyada aan waxba
dhaamin. Gabadhii xanaaq bay la dhacaysaa, kolkaas baa waxa ay samaynayaa arrin
wiilkaas yasay ay suuqa uga saarto. Wax kale samayn maysa e, Jinni iyo Rooxaan
aan jirin bay isku ridaysaa. Wadaaddo baa loogu yeerin. Kolka Qur`aanka la
saaro ayaa wiilkii ka dhex qeylinayaa. Waxa uu ku eedaamayaa, “Allaha aniga
ayaa gabadha galay. Quruxdeeda baan ka helay. Waa i diidday, . . . Alla
Qur`aanka iga daaya waan baxayaaye” Sheekadii ayaa xaafadda oo dhan la is
dhexqaadsiin. “Alla hebel baa heblaayo ka dhexqeyliyey”, ayaa noqonaya warka
ugu xiisaha badan. Wiilkii kolka uu maqlo, waxa ay u badan tahay in uu inta
yaryaraado uu dariiqyada xaafadda mari waayo, oo marka dambe uu gaaro in uuba
deegaanka oo dhan ka cararo. Gabdhaha keliya ma ahane, wiilasha qudhooda qaar
baa sidaas oo kale yeela, oo gabdho ku daadiyey oo ay suuqa ka saarayaan
dartood Jin isugu rida.
Ilaa
iyo hadda waxa aannu xogtooda helnay ilaa 4 ruux oo sidaas lagu sameeyey. Waxaa
se ugu darnaa wiil ka cararay Xamar oo Nayroobi aaday. Gabarna waaba
tahriibtay, in kasta oo ay ka faa`iidday oo ay cararkii Ingiriiska ku gashay.
WAA
LAGU GUURSADAY
Gabar waxaa jirtay waaridkeed ku cadaadin jiray waxbarasho. Laakiin, marki ay
dhammaysay dugsi sare ayey gabadhii nacday sii wadista waxbarashadii kale. Waxa
ay jeclaatay in ay iska guursato, laakiin waalidkeed uma oggolayn guur iyo
waxaas ilaa ay heer sare ka gaarto waxbarashada. Waagii dambe sidii ay u
fekeraysay ayay u soo baxday in ay Jin isku riddo. Subixii dambe ayey
xadraysay. Culimo ayaa loogu yeeray. Jin baa ka dhexqeyliyey. Waa lala
sheekaysatay. Jinkii waxa uu aakhir warkii ku soo gebagebeeyey, “Annagu idinkan
waxba nagama qaadi kartaan. Waxaan ka cabsannaa wiilka Axmednuur la yiraahdo.
Wiilkaasi haddii gabadhan la siiyo, wallaahi waa na loo yaabaa.” Waa wiil ay
gabadhu jeclayd oo ay ilma harbeer ahaayeen. Arrintii markii waaridkeed
culimadii u sheegeen, si uu jinka uga cararo, horaa gabadhii laga siiyey
wiilkii oo weliba loo dhisay.
UUR
LAGU KHALDAMAY BAA LAGU XALLIYEY
Gabar uur aysan ku talagelin uu u dhuuntay, ayaa sidii ay uga fekeraysay ay u
soo baxday in ay Jin isku riddo. Maalintii dambe ayaa Jinni soo riday. Culimo
ayaa loogu yeeray. Jinkii baa ka qeyliyey. Waxa uu Jinku leeyahay, “Gabadhan
uur bay noo qaadday, kana bixi maynno ilaa ilmahaasi nalooga soo rido.”
Culimadii iyo ciddii yaab. Gabadhii waa la baaray mise ilmo 4 bil ah bay
siddaa. “Naa yaa uurka kuu yeelay?” baa la weydiiyey. Seyte,”Qof Bini-aadam ah
maannaan kulmin, laakiin dhawr habeen baa waxa aanan garanayn oo aan ka sasay,
sariirta ka dareemay!” Kolkaas bay sii buubuubtay. Culimadii baa mar kale loogu
wacay. Jinkii wuxuu yiri: In cunugga yaga nalooga soo tuuro mooyee, bixi
maynno. Maxaa la sameeyaa? Waalidkii waxa uu u qaatay in Jinnigaas ka qeylinaya
uu la jiifsaday gabadha iyada oo aan ogayn. Aakhirkii wuxuu waaridkii gaaray,
in Jinka ilmihiisa gabadha looga soo tuuro. Waa la soo tuuray cunuggii.
Maalintaas baa gabadhii caafimaad ugu horreysay. Sidaas bayna gabadhii
waaridkeed ku martay.
WAA
LAGU DHOOFAY
Sida aan maalin dhaweyd war ku helay, wiil baa xitaa jin-isku-ridkaasi ku
dhoofay. Jin baa muddo ka dhexqeyliyey. Waxaa afkiisa laga waayey waxa aan ka
ahayn ʻCanada`.
Sidii Qur`aan loogu waday, markii dambe Jinkii laga saari waayey ayaa sheegay
in daawadiisu tahay in dalka laga kaxeeyo oo la geeyo Canada. Dee si caafimaad
wiilka loogu helo waa la dhoofiyey.
JAAMACADO
DIBEDDA AH BAA LAGU AADAY
Dhallinyaro badan oo waridkood ka diiday in ay dibedda waxbarasho u aadaan, oo
taas beddelkeed, dalka ay wax ku bartaan baa farsamooyinkaan jin-isku-ridka ah
inta adeegsaday, danahoodii ku gaaray.
Waayadatan,
Jin-isku-ridkau waxaa uu noqday gar iyo daawo lagu xalliyo arrimo iyo hawlo
badan oo loo caalwaayey.
NUXURKA
WARKAN:
Haddii aad waarid tahayna, arrintaas u took hayn, haddii aad dhallinyaro
tahayna, waa qish.
FG:
qoraal aan hadda ka hor ka qoray, ka akhriso Links hoose:
https://suldan-nayrus.blogspot.com/2018/08/gabar-jinni-been-ah-isku-ridday.html
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment