Maxaadba warkan
sheeko-xariir ugu qaadan, maan daliil cadba kuugu daro oo aan kaaga soo qaado
maahmaah Soomaaliyeed oo caan ah:
DADKU
WAA AFAR:
1.
Mas Mas Dhalay
2. Mas Abur dhalay
3. Abur Mas dhalay
4. Abur Abur Dhalay
2. Mas Abur dhalay
3. Abur Mas dhalay
4. Abur Abur Dhalay
MAS
MAS DHALAY: waxaa loola jeedaa waalid garaad sare leh oo ilmo garaad sare leh
dhalay. Laakiin tani AAD IYO AAD IYO AAD bay u yar tahay in la helo. Waa dhif
iyo naadir in la arko laba waalid oo horay ah oo wiil ama gabar horay ah
dhalay. Adduunkuba qabkaan uma shaqeeyo. Oo haddii sidani ay mar kasta dhici
lahayd, adduunkuba isma beddeleen oo waxaa dhici lahayd in ay jirto qolo
caqliga iyo garaadka sare iska dhaxasha oo adduunyadan meeqaam sare iyo maamuus
gaar ah ku leh. Uun kalaba adiga oo aan aadin, dib u raac oo meeye tarankii ay
ka tageen nimankii caqliga iyo kartida Eebbe isugu daray ee Soomaalida ahaa ee
inta goobta, guursan jiray gabdhaha Soomaali ugu caqliga iyo aragtida dheeraa?
Wixii ummadda la dheereysiiyey, carruurta in laga jaray u badan tahay!
MAS
ABUR DHALAY: waxaa loo la jeedaa waalid heer sare ah oo dhalay ilmo aan la mid
ahayn. Tani aad iyo aad bay u badan tahay. Haddii aad lammaanihiinuba tihiin
dad isla sarreeya, waa adag tahay in la idin ka beero ilmo sidiinna oo kale ah.
Haddii iinaan dhalin axmaq cayga daadinaya waad caymataan.
ABUR
MAS DHALAY: waxa loola jeedaa waalid wax dhimmaan oo dhalay ilmo heer sare ah.
Tanina aad iyo aad bay u badan tahay. Waana tan maanta casharkeennu yahay.
Haddii labada waalid wada dhimmaan yihiin ama midkood dhimman yahay, waxaa laga
beeraa cunug leh caqli iyo karti sare. Eebbe labadooda wixii ka dhimmanaa ama
midkood ka dhimman ayaa cunuggooda lagu sii kabaa. Sidaas awgeed, cunuggu waxa
uu wataa caqligiisii iyo midka waalidkiis ka dhimmanaa oo loogu buuxiyey.
Ogow, wixii kaa dhimman, wax kasta oo ay yihiin, allow lixaadkaba ha ahaadeene, ʻbeerdaro` ma ahan oo meel kalaa laguugu darin.ABUR ABUR DHALAY: Waxaa loo la jeeda waalid dhaadhaan ah oo dhalay carruur Allaw sahal ah. Tani ma dhacdaba, oo doqommo ma dhalaan nacas, haddii ay dhacdana, wax la sheegi karo ma ahan yaraanteeda awgeed. Sideedaba, caaqu waxa uu ka beermaa laba caaqiliin ah ama caaqil iyo qof kale oo caadi ah.
Sida
aad maahmaahda koowaad ku aragtayba, qaabkaanna adduunkan uma shaqeeyo, oo
haddii sidaani ay dhici lahayd, waxaa la arki lahaa adduunyo qaar wada seegseeg
tahay.
FG: Labada qaaciido ee
kala ah: Mas Abur Dhalay iyo Abur Mas dhalay, waaye sida ay adduunyadan u
shaqeyso.
NUXURKA WARKAN
1. Haddii aad rabto in aad dhasho cunugga adduunka ugu caqliga badan guurso gabar sawir ah ama nin sawaab ah.
2. Haddii aad isku hubto garaad sare iska ilaali gabar ama nin garaad sare leh si uusan idin kaga beermin dabbaal.
3. Haddii aad doonayso cunug caadi ah, adiga oo caadi ah guurso gabar ama nin caadi ah. Ogow, caadi baa caadi dhala.
YAA U FIIRSASHADAN
SAMEEYEY?
Isl qoraha
Isl qoraha
YAA U DIRSADAY?
Cidna.
Cidna.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment