Gabyaa Cabdullaahi Muuse ayaa yiri:
1. Laba awoowgay baa soo gaaray – Qarnigii 18aad
2. Laba aabbahay ayaa soo gaaray – Qarnigii 19aad
3. laba aniga ayaa soo gaaray (waa Gabyaa
Cabdullaahiye) – Qarnigii 20aad
Laba awoowgay baa soo gaaray: Xoolaha oo fardaha loogu
jecel yahay iyo guurka gabadha reerkoodu xoogga leeyahay loogu jecel yahay.
Laba abbahay ayaa soo gaaray: Xoolahoo geela loogu
jeceyahay iyo guurka gabadha quruxda badan loogu jecel yahay.
labana aniga soo gaaray: Xoolaha oo idaha loogu jecel
yahay iyo guurka gabadha reerha hodan ka dhalata oo loogu jecel yahay.
Anna waxaan ku daray (Waa Suldaan Nayruus e)
Midna aniga ayaa soo gaaray (Qarniga 21aad): Xoolaha
oo lacagta Doollarka loogu jecel yahay iyo guurka gabadha lacagta haysta oo
loogu jecel yahay.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus, xikmadda afaraadna iska
leh
No comments:
Post a Comment