Waxaa jiray laba nin oo muddo
dheer saaxiibbo ahaa. Waxa ay ahaayeen labaduba laba nin oo wadaaddada
akhwaanka ahaa. Waa isla socon jireen, wax ayna ahaayeen laba saaxiib oo la
isku yaqaannay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa
mid labadooda ka mid ah, waxa uu xiriir la yeeshay qolooyin sirdoon ah, oo
waddamada deriska ah ka mid ah. Kolkaas buu isku beddelay jaajuus mushaar ku
qaata tiftifka wadaaddadaas uu ka mid ahaa. Ninkani, waxa ay shaqadiisu noqotay
in uu wadaadda dabagalo, oo warkooda keeno, si kuwa madaxda ah ee danaha laga
leeyahay, loo laayo.Shaqadaas ayuu in muddo ah ka shaqeynayey, saaxiibkiisna ma
oga hawsha uu ku jiro.
Sidii uu hadba wadaad war uga geynayey, ayuu markii dambe, inta iimaankii ka tagay, waxa uu ka mid noqday kuwa wadaadda khaarijiya, halka markii hore uu ka ahaa oo keliya farmuuqe.
Sidii uu hadba wadaad war uga geynayey, ayuu markii dambe, inta iimaankii ka tagay, waxa uu ka mid noqday kuwa wadaadda khaarijiya, halka markii hore uu ka ahaa oo keliya farmuuqe.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa
shaqadiisii waxa ay soo gashay wadaadkii saaxiibkiis ahaa, oo aad loogu
yaqaannay gaalo neceybka, iyo wacdiyo kulkul oo uu marar qaar ka jeediyo
masaajidda. Ninkaan oo ay hawlihiisu ka mid ahaayeen khaarijinta wadaaddada
noocaas ah, ayuu maalin maalaha ka mid ah la ballamay wadaadkii saaxiibkiis
ahaa. Gurigigiisii ayuu inta ugu yimid oo la qadeeyey, galabtiina la
casaryeeyey, ayaa maqribkii markii la gaaray, gurigiisa hortiisa bistoolad
madaxa kala dhacay, halkaasina uu ku geeriyooday.
Waxa uu dilay ninkii saaxiibkiisa ahaa, waxa uuna ku dilay gurigiisii hortiisa, oo carruurtiisii iyo reerkiisa uusan ka fogeyn, isaga oo weliba ilaa maanta oo dhan uu u martiqaadnaa, oo uu cuntadiisii cunayey.
Waxa uu dilay ninkii saaxiibkiisa ahaa, waxa uuna ku dilay gurigiisii hortiisa, oo carruurtiisii iyo reerkiisa uusan ka fogeyn, isaga oo weliba ilaa maanta oo dhan uu u martiqaadnaa, oo uu cuntadiisii cunayey.
Maalintaas wixii ka dambeeyey,
waxaa ku dhacay ninkii cudur ilaa iyo hadda waxba laga qaban waayey. Ninkii
waxa uusan ceshan karin kaadida, menida iyo saxarada, isaga oo soconaya ayeyna
ka daadanayaan!
Ninkii, markii arrintan uu
caalwaayey ay ku dhacday, ayuu reerkii iyo carruurtii inta u yimid, u sheegay
in uu abbahood dilay ee ay cafiyaan, isaga oo xaalo badan farta ka saaray, isla
markaasina noloshooda iyo masruufkooda dusha saartay. Laakiin, si kasta oo ay u
cafiyeen, xag Alle ayaan weli laga cafin, oo sidii ayey ummuurtii u haysataa!
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
No comments:
Post a Comment