I
|
saga oo maalin ku jira Faysbuuggiisa, ayaa
Faysbuug waxa uu soo hordhigay dad farabadan oo uu leeyahay ‘ku darso’. Dhuux,
horay kaga ma darsane, aad buu u fiirfiiriyey dadkii, isaga oo is lahaa ku
darso qofka aad u aragto macquul. Inta uu dadkii eeg eegayey, ayaa waxa ka soo
horbaxay qof uu u saaran yahay sawir aad iyo aad u qurxoon. Waxa uu qofkaasi
ahaa gabar dhallinyaro ah oo ula muuqatay tii Soomaali ugu qurxoonayd, magaca
ugu qoranna uu ahaa Dhool. Xoogaa ayuu profile keedii sii raacraacay, kolkaas
buu hadba arkaa sawir bilicsan oo maankiisa ruxa. Xoogaa yar ka dib, waa uu ku
darsaday, iyana, shaw markaasi waa isticmaalaysaye, isla markiiba waa ay
aqbashay.
Dhuux,
quruxdaas baa dardartee, jeerkiiba wuu salaamay. Waa laga qaaday. Kolkaas buu
cabbaar la sii sheekeystay. Markii hore, iska tijaabi buu lahaa qoftan bal in
ay kula hadli karto, oo si fiican uma aaminsanayn in ay la sheekeysan karto, oo
waxa uu is lahaa qoftaan quruxdan leh rag oo dhan baa dabayaacayee, adiga
fursad kuuma heli karto, laakiin runtii soo dhaweyn uusan filanayn baa la soo
darbay.
Dhuux,
markii uu arkay sida uusan filayn ee ay u qaabishay Dhool, waxa uu bilaabay in
uu la sameeyo xiriir joogta ah, oo maalin walba Faysbuug kala haasaawo. Sidii
uu qoraal uga la sheekeysaneyey, markii dambe, waxa uu bilaabay in uu Messenger
ka dhex waco, oo uu toos u la hadlo. Ayaan ka dib, waxa uu ka qaatay
taleefoonka, oo ka wacaa haddii uu Faysbuug ka waayo iyada oo ku jirta.
Wiilkii
Dhuux ahaa, aad buu ugu daba dhacay Dhool. Quruxdeeda waxaaba ka daran,
hadalkeeda macaan ee jacaylka ku dheehan yahay ee qajilka aanan lahayn ee
xaadda kicinaya.
Dhawr
jeer buu Dhuux ka codsaday in ay kulmaan, kolkaas bay inta ka yeesho, lagu
kulmaa; mar Beerta Nabadda, mar Liido, kolna makhaayadaha magaca leh iyo
hudheellda bilicda san.
Marka ay isku yimaadaan, Dhool ma jecla in ay
meel fog ka fariisata e, iyada oo aad isku soo qurxisay, bay inta agtiisa soo
fariisato, oo isku dhejiso ayey hadallo macaan oo maankiisa lula ku tiraahdaa.
Haddii ay aragto firaaqo yar iyo dadka indhihooda oo ka jeestay, mac ayey ku
dhejisaa. Kolkaas baa Dhuux inta dareenkiisa meesha ugu sarreeyo tago, aad iyo
aad u qasmaa. Markii uu isna fursad yar helo, waxa uu isku dayaa in uu meelo
gaar ah ka taataabto, markaas buu arkaa iyada oo isku kala bixinaysa oo ‘yac’
aan iska dhahaynba!
Dhuux,
maalin maalmaha ka mid ah ayaa Sheydaan u sheekeeyey. Waxa uu isku la warramay
in uu Dhool guri inta ku ballansado, uu la baashaalo, maadaama uu arkay in ay tahay
oggol hayin ah. Wiil ay saaxiibbo yihiin oo ay isku jaamacad ahaayeen oo qol
kiro ah keligiis degganaa, ayuu maalin inta u tagay, ka codsaday in uu furaha
siiyo. Wiilkiina waa ka yeelay.
Maalin Khamiis ah ayuu Dhool gurigii ku
ballansaday. Xilli casar ah ayey ugu timid iyada oo sidii si ka sii daran isku
sii qurxisay, oo misena udugga iyo carafta ka baxaysa aan la qiyaasi karin.
Markii ay u soo gashayba, xabadka yey Dhuux gelisay, kolkaas baa wiilkii inta,
intiisa wax dareenta hawada gashay, uu jawgii ka qasmay.
Makii ay inta isku hal joodari fariisteen,
cabbitaan qabow oo uu Dhuux keenay la isku qaboojiyey, ayey Dhool inta isku
dhejisay, sideedii ‘mac’ heer sare ah siisay. Dhuux inta is qaban waayey ayuu
taataabasho ugu dhaqaaqay. Waa sidii ay rabtaye, inta indhaha dallacday, oo
reen bilawday ayey is kala dhigtay. Waa nin la hayee, inta qaarka dambe u
deylay ayuu horay galmo kaga bilaabay. Qof macallimad ah ayey ahayde, wiilkii
tab iyo raaxo uusan weligi arag ayey u samaysay, kolkaas baa Dhuux oo shaw aad
u hamuun qabay, shan jeer galabtaas ka waraaabay. Marka ay hawshii dhammaysteen
buu sii sagoontiyey.
Dhuux,
galabtaas waxa uusan weli dhaayo ka qaadin buu arkay. Gabar qurxoon oo reero
jacayl ah, dhego nugul, dareen xoogle leh, isla markaasina raaxo qanja kuu
geynaysa, ayaa uu helay! Wiilkii jacayl hor leh buuba u sii qaaday Dhool. Sidii
ayuu xiriirkii iyo mid ka sii fiican u la sii yeeshay. Dhawr jeer oo kalena,
isla gurigii ayuu inta ugu yeertay, sidii loo marqaami jiray iyo si ka wacanna
Sheydaanka la isaga naaray.
Bilo ka dib, wiilkii Dhuux ahaa war uusan ku
farxin ayaa u yimid. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo sidiisii u la
sheekeysanaya Dhool, waxa ay mar u sheegtay war gebigiisiiba beddelay. Waxa ay
ku tiri hadal kan, “Macaane, qalbi, Dhuuxow, arrin yar oo aan kaa qarin jiray
ayaan doonayaa in aan kula wadaago.” Suuye, “Macaanto soo daah.” “Macaane, wax
kale ma ahane, waxa aan ahay gabar la nool cudurka AIDS-ka. Marka waxa aan
doonayey in aan arrintaasi ku sheego.” Wiilkii inta naxay ayuu ku yiri,
“Walaalay ha igu ciyaarin, maxaad sheegaysaa?” Sayte, “Xabiibi, Walaahi
Billaahi, cudurkaas baan qabaa.”
Dhuux, isla markiiba khadkii ayuu jaray. Si uu arrintaasi
u soo caddeeyana, waxa uu tagay isbitaal, kolkaas baa loo sheegay in uu qabo
cudurkaasi. Inta uu naxay oo caddaaday oo madoobaaday, ayuu waalli ku
dhawaaday. In uu gabadhaasi dilo ayuu go’aan ku gaaray, laakiin dhibka ugu weyn
ayaa ahaa in uusan aqoonba gurigeeda iyo halka ay deggan tahay. Wax kale ma
samayn kara e, inta uu wacay gabadhii ayuu haaraan, habaar, cay iyo qeylo isugu
daray. Markii uu hadalkii dhammaystay, ayaa inta si deggan loogu qoslay waxaa
war oo dhan loogu soo koobay, “Saaxiib, ku soo dhawoow nolosha cusub.”
Sheekadani waxa ay ka mid tahay 53da sheeko ee ku jirta buugga CIBRO oo haatan laga heli karo Dukaammada Buugta: MUQDISHO, HARGEYSA, BURCO, GAROWE, BOOSAASO, GALKACYO, BALADWEYNE, BAYDHABO IYO KISMAAYO.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
No comments:
Post a Comment