Dhawr
subax oo isku xiga ayuu arkayey saaxiibkiis oo uu ka muuqdo isbeddel uusan u
bogin. Dhaashnaantii iyo istaaggii lagu arki jiray ma leh, oo isaga oo aan isa
soo tirtirin, oo aan isa soo hagajin ayuu yimaadaa iskoolka. Ma leh
firfircoonaantii uu ku yaqaannay. Lagu ma arko kaftankii iyo foorjayntii uu caanka
ku ahaa. Su’aalihii badnaa ee uu macallimiinta weydiin jiray ma jiraan. Ma ahan
sidii lagu garan jiray ee intuu farta taagto uu jawaabaha u la degdegi jiray,
kolka uu macallinku ardayda wax weydiinayo. Waayadan waa ka soo daahaa
casharka, oo qaabkii hore uma yimaado fasalka.
Marka uu soo aadayo ischoolka,
ardayda xaafaddiisa ayuu soo raaci jiray, laakiin maalmahan, keligi baa yimaada
isaga oo niyadjabsan, oo lugta jiidaya. Xilliga biririfta, waa kii isaga iyo
saaxiibbadi inta israacaan ay afka wax soo wada gelin jireene, hadda fasalka
ayuu iska sii fadhiyaa, inta ay ardayda oo dhan soo laabanayaan. Kolka uu
baxayo, ardayda ay isku xaafadda yihiin ayuu horay baska u la qabsan jiray e,
sida marka uu imaanayo oo kale, ayuu keligi iska tagaa. Habkii caadada u ahayd
maalmaha fasaxa toddobaadka ee la kulanka saaxiibbadiis iyo ciyaartii kubadda,
waa joojiyey.
Samatar
oo ahaa saxiibkiisii ugu dhawaa, ayaa markii uu arkay isbeddelka yaabka leh ee
ku yimid Geelle, dhawr jeer si guud wax uga wey weydiiyey, laakiin Geelle uusan
jawaab saxa ka bixin, kana meermeeray in uu si cad uu ugu warramo.
Samatar
oo ay arritani saamayn ku yeelatay maadaama saaxiibkiis Geelle si wax ka
yihiin, ayaa maalintii dambe go’aan ku gaaray in uu inta saaxiibki kaxeeyo, uu
geeyo meel makhaayad ah, oo inta wada qadeeyaan, uu si dhab ah u weydiiyo
meesha saaxiibkiis laga asiibay. Inta hooyadi lacag uu warsaday ka soo qaatay,
ayuu maalin, markii fasalkii laga baxay duhurkii, ka codsaday, kuna adkeeyey in
uu raaco, taas oo uu markii dambe aqbalay Geelle. Sidii uu u sii waday, ayuu
geeyey makhaayad heer sare ah.
Markii
ay wada qadeeyeen, ayaa Samatar waxa uu ku yiri saaxiibkiisa Geelle, “Saxiib
Geelle, waad i taqaan oo waxa aan ahay saaxiibka kuugu dhaw ummaad oo dhan.
Waad og tahay, laga soo bilaabo dugsi dhexe ilaa hadda oo aan ku jirno fasalka
ugu dambeeya ee dugsigan sare ee Banaadir, waxa aan ahayn saaxiibbo dhib iyo
dheefba wadaaga. Saaxiib, muddooyinkaan dambe sidaadii hore ma tihid, waxaa kaa
muuqata murugo aad qarinayso oo saameyn kugu yeelatay, anna si’ ii taabatay,
maadaama aan kaa waayey wixii aan kugu aqoon jiray. Saaxiib Geelle, dhawr jeer
baan arrintan wax kaa weydiiyey, laakiin wax sax ah aad ii sheegi weyday, taasi
wallaahi kurbo kale ayey igu abuurtay. Waxa aan mar kasta is weydiiyaa dhibka
kugu soo kordhay iyo sababta aad iiga qarinayso. Miyaannaan Geelle saaxiibkaa
ahayn? Miyaadan aaminsanayn waxa kugu dhaca in aan kula dareemayo? Geelle, waxa
aan maanta halkaan kuu keenay, in aad si dhab ah iigu warranto.”
Wiilkii
Geelle ahaa isbeddel ayaa uu ku keenay hadallada saaxiibtinimo ee ka imaanaya
laab u xaaran. Ma uusan jeclayn in arrinta dhibaysa uu cidna la wadaago,
laakiin hadallada saaxiibki oo maankiisa ruxay darteed, waxa uu go’aansaday in
uu saaxiibkiis la wadaago arrinta ku soo korartay, markaas buu ku yiri,
“Walaal, waan ogahay, waana aaminsanahay in aad tahay saaxiib qaaliya oo aan
jeclahay. Saaxiib ma doonayn in aan kula wadaago waxa igu soo kordhay, sababta
oo ah waxa aan ka baqayey, in dhibka aan dareemayo aadna aad dareentid, oo aan
labadeennaba culays ina fuulo. Waxa aan rabay in ay keligay igu ahaato, adna
farxaddaada ku noollootid saaxiib. Haddii aad igu qasbayso in aan ku sheego,
waan kaaga warramayaa. Saaxiib aabbahay Faarax ayaa waa dhaweyd dawladda inta
qabatay ay xiratay. Maannaan aqoon sababta loo xiray, laakiin maalin na loo
oggolaaday in aan soo booqanno ayaa aniga, hooyo iyo gabadha iga weyn ee
walaashay ah, ugu tagnay xabsiga, kolkaas buu noo jeediyey dardaaran uu muuqday
in aannan mar dambe arki doonin, waxna waa inoo sheegi waayey. Annaga oo
murugeysan baan ka soo tagnay. Arrinta loo xiray baannu meelo kale ka
raadinnay, kolkaas baan soo ogaannay, in aabbe uu ka shaqeysan jiray hawlo
uusan Kacaanku oggolayn, taasina keeni karto in la daldalo. Saaxiib, arrintaa
baan waayadan la murugeysnaa, taas oo na haysata, ayaa misena noloshii guriga
hoos u dhac weyn ku yimid. Isaga ayaa il inoo ahaa, isagiina waad aragtaa.”
Intii
uu hadalka ku jiray, ayaa Samatar aad uga calool xumaaday dhibka gaaray aabbaha
wiilkaasi iyo saamaynta murugeed iyo midda nololeed ee uu reerka ku yeeshay.
Markii uu warkii ka baxay, ayaa Samatar ku yiri Geelle, “Saaxiib, aad iyo aad
baan uga xumahay arrinta naxdinta leh ee aad ii warisay. Nin rag ah baan ahay,
oo waan isku dayin in aan wax kaala qabto dhan walbaba. Saaxiib, aabbahay ayaa
dawladda ka tirsan, nin adeerkay ahna madax sare ayuu ka yahay, waxa aan
awoodda saarayaa sidii aabbe xabsiga uu uga soo bixi lahaa, inta hawhaasi
socotana, reerka masruufkiisa aan meel saaro, adna ii soo ducee.” Geelle oo
niyaddu u qabawday misena la yaabay hadalka Samatar, ayaa ku yiri, “Saaxiib,
aad baad u mahadsan tahay. Aad baan ugu faraxsanahay garab istaaggaagaas, in
kasta oo aanan aqoon sida ay arrintaasi ku suuroobi karto.” “Saaxiib waan
dadaalayaa, ii soo ducee adigu, haddana waan ku fasaxayaa.” Sidaas baa lagu
kala tagay.
Samatar,
sidii uu u socdayba, gurigoodii ayuu tagay, isaga oo aad uga tiiraanyeysan
sheekadii saaxiibkiis Geelle. Ilaa markhribkii, intii uu aabbihi ka imaanayey,
waxa uu ka fekerayey sidii uu aabbihi uga dhaadhicin lahaa arrinta aabbaha
Geelle, oo uu ku geli lahaa. Sidii uu u fekerayey baa aabbihi yimid makhribkii.
Sida
caadada u ahayd, cishihii ayey isaga iyo abbihi miiskii ay tageen ku wada
casheyn jireen. Markii ay cashadii bogteen, ayaa sidoodii misena xaalka iska
wareysteen maadaama ay ahaayeen wiil iyo aabbihi saaxiib ahaa oo is xog
wareysta. Samatar ayaa aabbihi Jaamac ku yiri, “Aabbe, caawa sidii hore ma ihi,
aad baan u murugeysanahay, u welwelsanahay!” “Aabbe, maxaa dhacay, ii sheeg
waxa jira, aniga ayaa ku jecel, wax walbana kula qabanayee?” Ayuu odayg ku
yiri. Samatar baa markaas afka furtay, “Aabbe, wiilkii saaxiibkay ahaa ee aad
taqaannay ee ahaa Geelle ayaa aabbihi Kacaanku xiray. Geelle waa saaxiibkay
qaali ah oo aan aad u jeclahay. Xabsi iyo dil buu ku xukuman yahay baa la yiri.
Saaxiibkay iyo reerkoodii welwel iyo dhib adag bay xaaladdoodii gashay. Reerkii
xitaa masruuf ma haystaan, oo adaygii siin jiray waa tan la xiray. Aabbe
arrintaasi ayaan doonayaa in aad na la furdaamiso. Haddii aad yeesho, aabbe
inta odaygaasi xaalkiisu meel u dhacayo, reerka waa biil la’yahee, fadlan
arrintaasina na la maaree.”
Odaygii,
inta uu hadalka wiilka dhagaysanayey baa inta shucuurtiisii isbeddeshay, buu waxa
wiilkiisii ku yiri, “Aabbe, caqliga iyo garaadka ayaan kugu jeclahay. Aabbe,
codsi dhankaaga iiga yimaada waan ku khasbanahay in aan sida uu yahay u fuliyo.
Aabbe, arrintaas waan galayaa, saaxiibkaana waan gacan qabanayaa. Waan aqaan
Geelle, waa saaxiibkaa, anna waa jeclahay cid kasta oo aad jeceshahay. Aabbe,
berriba lacag fiican baan kuugu dhiibayaa saaxiibkaa, si ay reerka masruuf uga
dhigtaan bishan. Odaygana waan soo ogaan xaalkiis.” “Aabbe odayga magaciisa ii
sheeg.” Ayuu weydiiyey Samatar. “Abbe waxaa la yiraahdaa Faarax Salaad Cabdi.”
Ayuu wiilkii ugu jawaabay. “Aabbe igu hallee arrintaasi, aniga ayaa war kaa soo
siine.” Ayaa odaygii war ku soo gebagebeyeey. Samatar oo farxay ayaa inta
abbihi dhabannada ka shumiyey, ku yiri, “Aabbe, aad baad u mahadsan tahay, waan
kugu ogaa garashada iyo gacanqabadka.”
Subixiiba,
Samatar oo lacag badan wada ayaa iskoolkii kula kulmay Geelle, oo is la
markiiba lacagtii ku wareejiyey, lana socodsiiyey warbixintii isaga iyo aabbihi
dhex maray. Geelle markii uu arkay lacagta farabanideeda iyo warbixinta qalbi
qaboojinta ah ee uu siiyey saaxiibkiis Samatar, buu inta laabta geliyey, ku
yiri, “Saaxiib, ma garanayo waxa aan kuugu abaalgudo." Inta cabbaar laabta
ku hayey oo ilmeeyey, ayuu ku yiri, "Aad baad u mahadsan tahay, saaxiib
qaali ah.”
Jaamac,
subixii waxa uu raadiyey macluumaad ku saabsan Faarax Salaad, kolkaas buu soo
ogaaday in uu ku eedaysan tahay fal ka dhan ah Kacaanka oo halis ah. Waa nin ay
riixayso murugada wiilkiisa iyo saaxiibkiye, waxa uu feker dheer ka dib
go’aansaday in uu suudaaliyo. Rag madax ahaa inta la kaashaday ayaa Eebbe 35
cisho ka dib, u fududeeyey in ninkaasi la cafiyo, oo la siidaayo. Maalmaha
hawsha siideyntiisa lagu jiray, Faarax, aad buu uga yaabbanaa cidda uusan
garanayn ee u shaqeynaysa! Markii la siidaayey, ayaa waxa gaarigiisa ku soo
kaxeeyey Jaamac, kolkaas buu ku yiri, “Walaal, ninka ku siidaayey waa aniga,
aqoon kuuma lahayn, laakiin wiilkaaga iyo wiilkayga ayaa ah saaxiibbo dhab ah,
wiilkayga oo murugaysan ayaana arrintaada i soo gaarsiiyey. Sidaas baan
hawshaada ku soo galay. Reerkiina, masruufkiisii aniga ayaa meel sii saaray.”
Faarax, inta dubaaxiyey oo jiriricooday oo qalbigiisa naxriisi rushaysay, baa
inta indhahiisii ilmo buux dhaafisay, uu ku yiri, “Jaamac, arrintani waa arrin
aanan weligey arag. Walaalo, wax aan dhaho ma aqaan, aad baad u mahadsan tihiin
adiga iyo wiilkaagaba.” Inta dareenkiisii uu xakamayn waayey, ayaa hadal kale
ka soo bixi waayey. Gurigiisii inta geeyey, buu ka soo laabtay Jaamac. Faarax,
markii uu gurigii gaaray, ayuu u tagay reerkii oo noloshoodii u dhammaystiran
tahay. Maxaa raashin iyo faakihaysi kala duwan yaalla!
Geelle,
markii uu arkay sida gobanimada leh ee uu ula shaqeeyey Samatar, waxa uu in
muddo ah ka fekerayey, waxa uu ugu abaalgudo, kolkaas buu waxa ku soo dhacday
in uu Samatar siiyo gabadha ka yare ee aadka u quruxda badayd ee Filsan. Inta
iyada soo qalqaaliyey, ayuu saaxiibkiisna siiyey. Kolkaas baa labada qoys ba,
inta aad ugu farxeen si siman uga qeyb qaateen arooska. Maadaama Samatar uu wax
baranayey, masruufka reerka, labada odayba waa bixin jireen.
Saaxiibtinimadii,
labada wiil kuma ekaane, waxaa sidaas oo kale saaxiibay oo aad isku jeclaaday
labadii oday, waxaa sidaas oo kale saaxiibay labadii xaas iyo carruurihii oo
dhan, kolkaas bay noqdeen laba qoys oo wada dhashay oo kale.
Sidii
ay saas u ahaayeen, ayaa dagaalkii sokeeye dhacay. Alle amarki, qoyska Geellana
waxa ay isku abtir noqdeen qolada Xamar soo galaysay, kuwa Samatarna waxa ay
noqdeen qolada Xamar ka baxaysay. Geelle iyo aabbihi Faarax, waxa ay dusha
saarteen, in qoyska Samatar iyo qosaska kale ee qaraabada la ah aysan wax dhib
ah gaarin. Inta 15 qoys oo kii Samatar iyo kuwii qaraabo la ahaa ba, hal xaafad
isugu geeyeen ayey waardi ka ahaayeen, kolkaas baa cid u soo dhawaata la
waayey, iyaga ay ku jireen weliba madax muhiim ahayd. Waardiye keliya kama
ahayne, xitaa noloshooda ayey dhabarka saarteen. Xaafadda oo dhan waxaa looga
yaqaan reerihii Geelle iyo Faarax, oo cid soo fiirasaba la waayey. Mar baa
gabar cidahaas ka tirsanayd, oo suuqa adeeg u doonatay wiil soo faduuliyey,
kolkaas bay Geelle u sheegtay, waaba la ogaa dhibkii qabsaday wiilkaasi.
Qeybo
ka mid ah reerahaasi, oo horay u dhoofay baa codsaday in ay yimaadaan Nayroobi,
si ay uga wadaan, kolkaas baa Geelle iyo Faarax inta gaariyaal u kireeyeen bay geeyeen
ilaa xadka Kenya, iyaga oo aan cid kale ku aaminin.
Reerkii
Samatar waa dhoofay, kolkaas bay ayaan ka dib, u soo dacawoodeen reerkii
Geelle, oo ay Mareykanka isla tageen. Markii ay Mareykanka isugu tageen, ayaa
Samatar oo ka naxay doobnimada uu ku weynaaday saaxiibki Geelle, waxa uu siiyey
gabadha uu ugu jeclaa walaalihiis ee Hodan.
Ilaa
hadda, Samatar iyo Geelle la is kama ag waayo, ma kala haraan oo, indhahooda
waa iska jecelyihiin. Labadii reer, ilaa waagaas waa walaalo saaxiib ah oo aad
isku jecel.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Aad Iyo aad sxbky runtii waa sheeko qiiro leh waan ilmeeyey runtii qaabka quruxda badan ee ay dhibta isula qeybsadeen in sh allah sidaa iyo si ka wanaagsanba weynu u qeybsadonaa in sha allah
ReplyDeleteSxbky Nayruus aad baad u mahadsantahay
Wlhi waa sheeko iyo qiso sidhaba iitahabatay intaan akhriyayena dareenkayga oodhan baa is bedelay Mahadsanid wll
ReplyDeletemasha allah saxiibtinima waa shey qaali ah walow aynan inta badan aynan kasoo bixin waajibaadka saaxiibtinimada
ReplyDeleteMasha allah inta aan sheekada aqrinaayay dareenkeyga wuu isbadalay......
ReplyDeleteMahadsanid : Qoraa suldaan neyriuus
Wallaahi waa axlaa sheeko ee abid aan aqriyey ama maqlay! Mahadsanid Qoraa Sare Suldaan Neyruus Xaaji Aadam.
ReplyDeleteSamatar oo kale adaa ii soo noqday, inkastoo anigu aan noqon kari waayey Geelle oo kale!
Masha allah Asdban ula dhacay Sheekadan / Qisadan, Mahadsanid Suldaan Neyrus
ReplyDeleteWaa sheeko aan ladhacay waa mahadsantahay walaal
ReplyDelete