Beri baa waxaa jiray laba nin oo
saaxiibbo ahayd, oo isku meel ka xammaalan jiray. Dhawr dukaan oo isku dhaw
ayaa macmiil u ahayd, oo raashinkana u rogi jireen, adeegyada kale ee
xammaaliga ahna u qaban jireen.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa labada nin mid ka mid
ah, waxaa u soo shaxaad tegay nin ay qaraabo ahaayeen, oo shaqo la’aan ahaa.
Waxa uu xammaaligaasi maalintaas shaqeynayey ayuu ninkii qaarna qado uga dharjiyey, inna, inta kala barteen, qeyb jeebka
u geliyey. Maadaama uu ninku shaqo la’aan ahaa, muddo ayuu inta mar ba maalin u
yimaado, shaxaad nafta uga qaadayey.
Isla waayadaasi mar aan ka
fogayn, ayaa xammaaligii kale waxaa u soo shaxaad tagay nin ay qaraabo ahaayeen
oo isna camal la’aan ahaa. Xammaaligan, sidii uu kii hore sameeyey oo kale ma
yeeline, waxa uu ninkii ku yiri, “Ina adeer, anigu halkaan ayaan ka xammaashaa,
maadaama aad shaqo la’aan tahay, waxa aan kugu la talin lahaa in aad
shaqeysato, oo aad xammaaligan dhinacaaga ka soo gasho. Inta aad hawshan la
qabsanaysana, waxa aan helo ayaan kala baranaynaa.” Ninkii waa yeelay
taladaasi, waxa uuna maalintii ku xigtayba bilaabay in uu xammaali u soo shaqo
tago.
Saddex beri ka dib ba, shaqadii
waa la qabsaday, raggiisii ayuuna dhinac ka raacay, muruqiisii inta maalay,
ayuu shiidkii iyo busaaraddii ka baxay, naagna inta guursaday, reer fiican
yeeshay.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
E-mail: nayruus@gmail.com
No comments:
Post a Comment