Kolka ay sugsi sare isugu yimadeen baa sheeko-doceed u furantay, taas oo waa darmbe gaarsiisay in ay inta isku bogaan ay xilliyo gaar ah ballamaan, oo ay wakhti isla qaataan. Aad baa la isaga sii helay, waxa ayna gaareen in jacayl u kala tilaabbay uu isku xidho qalbiyadooda, oo ayba saacad ismoogaan waayaan, haddii ay kala maqnaadaanna uu u soo khabro haatufjacayl, oo qof walba meeshiisa ku siiya xogta qof kale.
Maadaama aysan labadoodii kala maarmi karin, waxa ay is weydiiyaan in ay mustaqbal wada yeeshaan, oo ka fekeraan in ay isguursadaan, markaas bay mar dambe axdi ku galeen, in marka jaamacadda dhamaystaan ay isguursadaan.
Dugsi sare isla dhammayste, hal jaamacadna, kulliyadda ganacsiga ayey ka bilaabeen, jacaylkoodiina marba marka dambeysa waa sii labalixaadsanayey. Saddex sano ka dib waa soo afmeereen jaamacaddii.
Dugsi sare isla dhammayste, hal jaamacadna, kulliyadda ganacsiga ayey ka bilaabeen, jacaylkoodiina marba marka dambeysa waa sii labalixaadsanayey. Saddex sano ka dib waa soo afmeereen jaamacaddii.
Sidii uu ballanku ahaa, waxaa la gaaray xilligii la isku guursan lahaa, waxa ayna wiilkii iyo gabadhii isla garteen in ay is aroosaan. Wiilkii waxa uu u tagay ciddiisii, waxa uuna la socodsiiyey gabadha uu jecel yahay iyo in uu doonayo in uu guursado, arrintaasina laga gacansiiyo. Ciddii waa ka aqbaleen, laakiin waxaa la weydiiyey cidda ay gabadhu tahay, kolkaas buu u sheegey in uusan garanayn. Aabbihi oo aan wax kala ba ka fekerin, baa yiri, “Iska daa marka aan la kulanno odaayasha gabadha ayaan ogaanaynaaye”. Gabadhii ayaa sidaas oo kale ciddeedii ku wargelisay guurka, iyagiina waa soo dhaweeyeen.
Markii ay is diyaariyeen cidda wiilka, ayaa wiilkii waxa uu gabadhii ku wargeliyey xilliga ballanta, isaga oo u sheegay in gurigooda ay imaanayaan odayaal dhankiisa ka socda iyo wadaadkii meherin lahaa, iyana ay sii diyaarsato dadkeeda.
Subixii ayuu wiilkii soo kaxeeyey odayaashii, waxa uuna keenay gurigii gabadha, halkaas oo si wanaagsan oo gobeed ogaayashii loogu soo dhaweeyey. Markii la is baranayey, ayaa odaayaashii wiilku waxa ay ku baraarugeen in cidda gabadha laga doonayo ay yihiin qolo ay yasaan oo aysan isguursan. Odayaashii wiilka ayaa ayaab iyo afkalataag ku dhacay oo, afkii baa juuqda gabay. Aabbaha wiilka ayaa inta istaagay, kolkaas yiri, “Adeerrayaalow naga raalli ahaada, qolo kale ayaan idiin haysannay, guurkiina waan ka laabannay, oo isma gayno!” jeerkaasina odayaashii ku yiri, “War inaga soo bixiya guriga gunta.”
Wiilkii, markii uu arkay odaayaasha oo kala dareeraya iyo hawshiisii oo laga naqday, ayuu inta si kale noqday, buu aabbihi ku yiri, “Aabbe saas ha yeelin, Naciima waa qalbigeyga kama na maarmo, aabbow waa jeex iga mid ah oo kama tegi karo, aabbow cid kasta ha ahaatee ii doon Naciima.” Inta uu istaagay wiilkii oo aabbihi hoos fariistay, buu odaygii oo dhaqaaqi raba ku lahaa, “Abboow waan ku baryayaa, abboow garka iyo gomadda baan ku haystaaye, jacaylkayga halkaas ha oga tegin, oo ha i laabjebin.” Odaygii ma maqlin codka xanuunka leh ee wiilkiisa e, inta ul makoorad ah oo uu watay la dhacay ayaa gurigii inta xoog looga kaxeeyey, gaari lagu soo tuuray.
Gabadhii, markii ay ogaatay guurka laga laabtay, istaagga bay ka dhacday. Waa miyir daboolantay, waxaana loo la orday isbitaal.
Wiilkii, markii gurigii la geeyey, ayaa isaga oo si kale ah waxa ay odayaashii ku bilaabeen in ay ka dhaadhiciyaan, in cidda ay gabadhu ka soo jeeddo ay yihiin qolo gun ah oo bakhtiga cunta, oo aan la guursan. Waxa ay u sheegeen, in haddii uu guursado, carruurtiisu ay faddaro noqonayso oo aanan la guursanayn. Waxa ay u wariyeen oraah ahayd, in wiilkaagu uu hiil kaaga baahan yahay marka aad hooyadiis guursanayso, oo haddii aad ka dhasho naag midgaan ah, loo bixin doono Barbarxaaraan, wiilasha faciisa ahna waa liidi doonaan, gabdhaha gobeedna ma guursan karo, hadhawtana adiga ayuu ku habaari doonaa…
Wiilkii, hadalka odayaasha kuma socon oo, maqanejooge ayuu ahaa. Markii odayaashii ka kala tegeen ayuu sariirtii isku tuuray, isaga oo aan dharkiisii iska bixin. Habeenkii oo dhan hurdo ma ladin. Marna fashilkii saaka oo dhabbanahays ku noqotay ayaa ku soo dhaca, marna Naciima ayaa la soo hormariyaa, kolkaas buu inta madaxa gacanta saarto, waxa uu samaayo garan waayaa.
Markii subixii la gaaray, buu inta dadkii ka hor kacay, isaga jarmaaday gurigii Naciima, kolkaas baa loo sheegay in ay gabdhii isbitaal ku jirto. Isbitaalkii ayuu ugu tagay, markaas baa markii ay aragtay, faleebbooyinkii ku socday oo dhan inta iska jartay ayey ku boodday, oo ilmo mooyee wax kale laga waayey. Cabbaar haddii ay ku dhegganayd, waxaa ka soo baxay, “Abboowe Jaamac, ma aana garanayn qabiilka aan ahaa, haddii aan aqoon lahaa kula ma xiriireen, kumana jeclaadeen, walaalow haddii aan ku waayey nolol waa iiga dhammaatay, waana ka quustay adduun dambe, adigu farxad iigu noolow.” Jaamac wadnaha ayaa rigleeyey. Hadal waa ka soo bixiyey, ilma aan joogsi lahaynna, laabtiisa ayey taraaraxaysay.
Xoogaa haddii uu af kala qaadi waayey, hadal gabadhii u laabqaboojiyey ayaa aakhirkii ka soo baxay, waxa uuna ku yiri, “Naciima, aniga ayaa ku jecel. Abbaayo aniga ayaa kugu jecel cid kasta oo aad tahay.” Isaga oo shaatigiisa ilmada Naciima uga tirtiraya, ayuu waxa uu ku lahaa, “Macaanto ii aamus, hawshayadu qabiil ma joojin kara e, aniga ayaana taas xallinayee.” Naciima, hadalka Jaamac waa ka qaaday xanuunkii isbitaalka keenay. ‘Fay’ inta tiri, ayey Jaamac oo ay garabka haysato u raacday gurigeedii, oo ciddeedii ku laabatay iyada oo faraxsan. Saddex beri ka dib, Jaamac inta lacag raadsaday, ayuu Naciima la goostay, oo inta deegaankii ka guuray, meel kale la degay.
Hadda Jaamac iyo Naciima waxa ay isku hayaan afar carruur ah, waxa ayna ku nool yihiin nolol jacayl iyo farxad leh, oo isaga oo kula fadhiya ayaad arkaysaa isaga oo daqiiqad daqiiqad u wacaya, indhiisana waa ka jecel yahay. Dadka deriska ah oo dhan inta jacaylka Namiica iyo Jaamac la yaabaan, ayey kaga sheekeystaan xaafaddaas, waxa ayna haatan deggan yihiin xaafadda Waaberi ee Muqdisho.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus,
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus