Tuesday, May 29, 2018

Urur qarsoon oo la yiraahdo ‘URURKA DUMINTA QOYSKA IYO KA HORTAGGA GUURKA’ oo Soomaaliya ka askumay: Xog iyo xuuraan muhiim ah

 Waayadan tan, waxaa Soomaaliya ku soo batay furriinka oo xadkii ugu sarreeyey ku socda. Waxaa kale oo soo badanaya gabdho guurkii iska dhaafay oo hawlo kale galay. Arrintan, dad badan oo baarbaaray wax yaalo kale ayey u saariyaan, laakiin ma oga in ay tahay, arrin laga shaqeeyo oo urur u taagan yahay ba. 
                        
           Waxaa Soomaaliya ka curtay urur aad u qarsoon oo la yiraahdo Ururka Duminta Qoyska Iyo Ka Hortagga Guurka. Ururkan, waxa madax u ah islaan Maraykanka joogta, oo faqsuusad madhalays ah, oo shabakaddeedu halkaas qoysas badan ku kala dirtay. Madaxda urukani, waxa ay u badan yihiin dumarka nolosha ka dhacay, garoobbo ku fashilmay dhaqashada qoysaskooda iyo kuwa anshaxa daran. Kulligood balwad ayey leeyihiin, waana geerasheeyaan. In ka mid ah balwadda waa qarsadaan oo lagu ma oga. Ma la han xaafiis la yaqaan, laakiin saldhigga ugu weyn waa Muqdisho, waxa uuna laamo ku leeyahay caasimadaha maamulgobaleedyada. Waa shabakad isku xiran, oo xaafadaha ku daadsan, waxa ayna ka shaqeeyaan abuurista khilaafka iyo duminta qoysaska, iyaga oo qoyska ay helaan si degdeg ah ku kala dira, waxa ayna markaas ka maraan dhanka islaanta. Waxa ay aad u jecel yihiin kala diridda qoysaska dhallinyrada ah.
            Qoys dumin kuma eka e, waxa ay laamo ku yeesheen goobaha cawayska, bukuyeerrada (beauty salons), iskoollada iyo jaamacadaha, waxa ayna gabdhihii ku bilaabeen wacyi gelin hoose, oo ah, in ay iska dhaafaan guurka ragga Soomaalida ee aan aqoon jacayl iyo ixtiraam, oo hadhaw marka aad uur yeelato kugu furaya ama marka laba carruur ah aad dhasho kaa taga oo inta ku fura mid kale aadaya, isla markaasina carruurta kugu deyrinaya. Waxa ay dhahaan, shaqeysta marka hore, oo lacag yeesha, markaas ka dib ninkaad rabto guurso oo gumayso, haddii aad rabto. Inta ka horreysa, haddii aad nin u baahato iska baashaal. Si tartiibtartiib ah ayey arrintaas u wadaan, iyaga oo adeegsada gabdho ay soo dumeen oo ay suuqa soo geliyeen.
            Marka hore gabdha waa la wadwadayaa, maqaayadaha iyo hoteellada shiishaddaa la geegeynayaa, tartiibtartiib ayaa loo barayaa, marka ay la qabsato oo ay jeclaato ayaa misena guryo rag shiishad ku cabbayaan la geynayaa, ka dib na guryo shiishad iyo qaad lagu cunayo, ka dib na waxa ay baranaysaa jaadka, shabakadda ayaana markaas si saxa loogu soo biiriyaa, suuqa balwadda iyo tumashada ayey soo gelaysaa, waxa ayna soo dabaysaa gabadho badan, sidaas oo kalana guryo badan ayey soo duminaysaa oo xaafadda ay deggan tahay ah. Gabadhii gurigeeda laga dumiyo, qorshaha labaadna, waxa lagu soo darayaa shabakadda.
            Gabadhii guri soo dumisa am gabar kale soo dunta oo shabakadda ku soo biirisa, sanduuqa ururka ayaa jaa’iso laga siiyaa.
             Shisheeye iyo Shayddaan baa maaligeliye e, ujeedku, waa la dagaallanka taranka, dhuminta akhlaaqda iyo faafinta cudurrada.

            Waxaa ururkaan halkudheg u ah:
Raaxayso intii aad rafaadi lahayd iyo silic ku nool soddon guursataa dhaanta.

Xuuraankii iyo u dhabbagalkii iyo qoristii: Suldaan Nayruus

1 comment:

  1. Wixii faallo ah ama halkaan ku reeb ama meeshii kale ee aad ka soo raacday linkskaan.

    ReplyDelete