Axmed, isaga oo ay ilmo labadii dhaban ka da’ayso buu is ka
cambaraaqsaday, ka dib markii gabadhii uu adduunka ugu jeclaa ee Xamda, iyada
oo yasaysa ay markii ugu dambeysey quus gaarsiisey, iyada oo hadalkeedii ugu
dambeeyey uu ahaa, “Waryaa, aniga ma i taqaan? Adiga noocaaga oo kale i ma
haweysto. Mar dambe ha ii la imaan waxa aad sheegeyso. Magaalada qeyrkaa waa
joogaaye iyaga la haasaaw”. Is la markaasina inta haruuftay, oo candhuuf
taririq ka siiyey, ayey uga dhaqaajiyey bakad cidla ah oo ka dambaysa hoteelka
Shaamo.
Axmed, markii uu saacad fadhiyey halkii, oo uu ku soo baraarugay
dad badan oo ku xoonsan, inta istaagay ayuu damcay bas inta qabsado in uu aado
gurigiisii, markaas buu bas u socda kii Xamda raacay. Gurigii buu garaacay,
kolkaas baa Xamda ka furtay. Markii ay aragtay in uu isagii yahay ayey inta
candhuuf ku tuftay bay albaabkii xoog u xirtay. Wiilkii, inta naxay ayuu gartay
meesha uu joogo. Inta laabtay ayuu gurigiisii aaday. Sidii hore oo kale, dhawr
habeen ma seexan, waxa uuna ku qarwaa Xamda. Waa is ka dhaafay waxbrasho, xitaa
waa ka tagay iskoolkii ay is ku barteen ee ay Ingiirka ka wada baran jireen ee
Al-imra ee isna uu uga imaan jiray Baarubax iyana ay ka soo aadi jirtay
Madiina.
Axmed, sidii uu jacaylkaas u la jiifay, oo uu uga fekerayey sidii
uu ku heli lahaa Xamda, ayuu maalin maskaxdiisii aad uga shaqiisiiyey. Waxa uu
ogaaday, in sababta ay Xamda ku nacayso ay tahay fakhriga iyo dhaqaale darrada haysata,
maaddaama ay iyadu tahay qof ladan oo ka soo jeedda qoys hodan ah. Isaga oo ka
fekeraya sida uu ku hanan karo, ayuu waxa uu soo xasuustay in ay aad u jeceshay
dibedda. Kolkaas buu go’aansaday – si uu u hanto – in uu u sheego in uu baxayo,
oo eeddadiis oo Sweden joogta ay u yeertay. Inta uu sidaas talo ku gaaray, buu
maalin farriin waxa uu ugu diray moobeelka, in uu baxayo laba asbuuc ka dib, oo
uu aadayo Nayrobi, ugana sii dhoofayo Sweden. Awal uma soo jawaabi jirine, inta
farriin kooban u soo qortay ayey ku tiri, “Allaha ku nabad geeyo”.
Faysbuuggiisii hore inta xiray ayuu faysbuug cusub sameystay, oo dad cusub ku
darsaday oo aan aqoon, is la markaasina ku darsaday faysbuuggeedii oo uu hayey.
Laba asbuuc ka dib, laftii moobeelkiisii waa beddelay, waxa uuna bilaabay in uu
faysbuug ugu soo diro farriin in uu tagay Nayroobi. Waa u soo jawaabtaa iyana,
mar walbana waxa ay tiraahdaa, “Allaha kuu sahlo dhoofka”. Muddo ayuu hadba
farriin u soo diraa una sheegaa meesha wax u marayaan.
Afar bil ka dib, ayuu faysbuug ugu sheegey in la aqblay oo uu
Sweden aadayo maalmo ka dib. Aad bay arrintas ugu faraxday. Waxa ayna bilawday
maantaas ka dib, in ay faysbuugga si joogta ah qoraallo ugu soo dirto. Markii
dambe online ayaa lagu wada sheekeysan jiray. Xitaa faysbuugga ayaa la is ka
dhex wacaa, oo si fiican loogu wada haasaawaa. Axmed aad buu u nafisay, haddii
uu helay Xamdadii taleefoonka ka qaban weydey oo saacado la sheekeysanaysa, oo
welba jacayl kala hadlaysa. Xoogaa markii oo joogaba hal sawir oo photoshop
lagu habeeyey oo aad loo qurxiyey, oo uu dhex taagan yahay meel qurux badan oo
Sweden ah ayuu soo geliyaa, markaas baa Xamda waxa ay noqotaa qofka ugu
horreeya ee like saara, commentina ka bixiya. Marka uu la hadlayo, waxa uu uga
sheekeeyaa Yurub; quruxdeeda, qabawgeeda iyo mustaqbal fiicnideeda, kolkaas bay
inta aad uga hesho tiraahdaa, “Abbaawe, goorma ayaan isugu imaanaynaa Sweden?”.
Waxa uu u sheegaa in uu iyada u maqan yahay, oo kolka uu soo helo sharciga uu u
imaanayo. Gabadhii, aad bay u jeclaatay Axmed, mar kastana faysbuugga ayey ka
wacdaa, haddii ay weydana farriin u reebtaa. Intii uu maqnaa Axmed oo marna uu
Nayroobi joogay marna uu Sweden joogay, laba nin ayaa soo doontay Xamda oo ay
diidday, iyada oo ka rajo qabtay Axmed.
Axmed oo waayadaas ku jiray lacag uruursi xooggan, ayaa maalin
maalmaha ka mid ah, isaga oo oday adeerkiis ah u soo shaxaad tagay, baa Xamda
oo ka qeyb galaysay xaflad aroos hoteelka City Palace ee Muqdisho, casar liiqii
waxa ay hoteelka bannaankiisa ku aragtay qof kursi ku fadhiya oo ku mashquulsan
taleefoon, oo ula ekaaday Axmed. Waa u soo dhawaatay, markaas bay inta aad iyo
aad u fiirisay waxa u soo baxday in uu isagii yahay. Gadaal bay inta kala
wareegtay bay fiirisay moobeelka uu ku mashquulsan yahay, mise sawir cusub oo
uu koorweyn qabo oo la soo farsameeyey ayuu faysbuuggiisii gelinayaa. Intaas
waa eegeysaa, markii uu geliyey, ayaa waxa uu ku qoray, “Qabawga Swden haddii
jaakad weyn loo xirto illeen waa loo adkaysan karaa”. Inta ay faysbuugeedii
gashay ayuu online buu ahaaye, ka waraysatay xaalka iyo Sweden. Kolkaas buu
yiri, “Qaali xaalku waa fiican yahay, Sweden qabaw waxa aan ahayn waa looga
fiican yahay. Insha Allahu, sharcigii toddobaadkan baan helayaa, bil ka dib
Xamar waan kula joogaa, reerka baan kaa soo doonin, marka aan is mehersanno, oo
aan ayaan baashaalno oo aad uur yeelatidna waan baxayaa, Nayroobi baana ku
geyn, ka dib na Sweden baan kuu wadayaa”.
Intaas markii uu qoray oo ay eegeyso, ayey ku tiri, “Ha dirin,
waa i kane waan kula joogaaye”. Inta fiiriyey ayuu naxdin la suuxi gaaray. Inta
nacalladday ayey ka dhaqaaqday, kolkaas buu inta ka daba orday oo hoteelkii
dhexdiisii inta jilbojoogsaday, oo tafaha qasbaday, buu ku lahaa, “Xamdaay,
walaalay waxa waxaas oo dhan iga keenayey waa jacaylkaaga, walaalay haddii aan
fashilmay, ha iga tegin, waan ku baryaaye, abbaayoow eeg jacaylkayga oo ii nax
oo ii naxariiso”. Xamdi oo aan qalbigeeda dhibic jixinjixin ah lagu ridin, ayaa
inta kab iyo haraati is kaga furjisay bay wiilkii arooska keenay inta wacatay, ayey
Axmed oo ooyaya halkii uga dhaqaajisay.
Waxaa soo wariyey oo qoray: Suldaan Nayruus
kala xiriir: nayruus@gmail.com ama facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment