Aabbihi
iyo hooyadi keligi bay dhaleen. Hooyadu waa gurijoog, aabbihuna reerka ayuu
subixii u kallahaa. Wiilku, dugsigii Qur’aanka waa dhammeeyey, haddana iskoolka
dhexe ayuu dhigtaa. Aad buu waxbarashada u jecel yahay uguna fiican yahay.
nasiibdarro, isaga oo fasalka sagaalaad dhigta ayuu aabbihi, isaga oo suuqa
Bakaaraha ka xammaalanaya xabbad wiifto ah madaxa ka gashay, halkaasina
adduunkii uu uga tagay.
Wiilkii
iyo hooyadi, aabbe la’aan iyo nin la’aan ayaa ku dhacday. Waxa taas uga darnaa,
noloshii baa cariiri isla markiiba ku noqotay. Hooyadi orod bay bilawday,
laakiin bariiskii bay ka badin weydey. Waxa ay noqotay in ay ka guuraan daartii
ay ku jireen, oo ay degaan aqal jiingad ah.
Wiilkii,
bishii koowaad ba, geeridi aabbihi ka dib, waxaa la weydiiyey lacagta iskoolka.
Ma uusan bixin. Tii xigtay baa la weydiiyey. Ma uusan keenin. Tii saddexaad baa
fasalka laga soo bixiyey, oo lagu yiri, “Haddii aadan bixin, iskoolka ma imaan
kartid.” Meel uu lacag ka keeno ma garanayo. Aabbihi dhimay, hooyadina,
quutuldaruurigii ayey la lagdamaysaa. Tol kale iyo meel uu aadana garan maayo.
Inta bannaanka iskoolka fariistay ayuu oohin la dhacay.
Markii,
duhurkii ardaydii la kala fasaxay, oo ay kala dareereen, macallimiintina, mid
kasta ag marayey, ayaa macallin oday ahaa, inta wiilkii yarka haa ku leexday,
ag fariistay, isla markaasina inta si naxariis leh madaxa ugu salaaxay, si
wanaagsan u wareystay. Wiilkii, si fiican buu ugu sharraxay dhibka haysta, iyo
sida uu waxbarashada ugu baahan yahay. Macallinkii odayga ahaa laabtaa
dillaacday, illin baana ku soo joogsatay, kolkaas buu ku yiri, “Adeer, ha
welwelin, aniga ayaa booska aabbe kuu galaya e.” Odaygii, wiilkii buu misena ku
yiri “Gurigiinnii i gee.” Markii uu ogaaday xaalka qoyska iyo xoolo yaridooda,
macallinkii mushaarkiisa ayuu reerka wax uga goyn jiray, wiilkana, isaga ayaa
xambaartay lacagta iskoolka iyo wax kasta oo uu u baahdaba.
Wiilkii,
murugadii heysay waa deysay, waxa uuna helay aabbe kale oo xannaaneeya,
koolkooliya, la taliya, dhiirrigeliya isla markaasina waxa uu raba siiya.
Iskoolkii, markii uu si wanaagsan u dhammaystay, ayaa macallinkii misena,
jaamacad ku daray.
Markii
uu idleeyey jaamacaddii, ayaa wiilkii shaqo fiican waxa uu ka helay haayad.
Hawshii koowaad waxa uu ka bilaabay, in uu macallinkii wax taro. Macallinku
oday buu ahaaye, oo shaqada uu ku jiray dan baa u geynaysay mooyee ma ba kari
karin, kolkaas buu shaqadii ka joojiyey, isaga oo biilkiisa dhabarka saartay.
Macallinku, sidaa oo kale, awlaad ma dhalin e, isaga iyo xaaskiisiiba, waxa uu
soo dejiyey guri weyn oo uu isaga oo hooyadi degganaayeen, oo uu kireeyey
markii uu shaqada helay.
Wiilkii,
macallinkii waxa uu u samayn jiray, wax kasta oo maankiisa ku soo dhaca. Gaari
uu wato, ayuu marka uu shaqada ka yimaado, inta uu macallinka u kaxeeyo, ayuu
meelaha ku soo wareejiyaa, oo mar maqaayad geeyaa, mar hoteel, mar carwo, marna
meelaha mijabaxsiga loo tago. Waxa uu helo oo dhan, marka masruufka laga reebo,
macallinka ayuu ku kharash gareeyaa. Waxa aan ‘Aabbe’ ahaynna ma dhaho. Waxa uu
u noqday wiil uu dhalay oo baarri ah.
Wiilka,
tolkiisii ayaa la yaabay, oo dhawr jeer weydiiyey sababta ninkan uu aabbe u
dhaho, iyo waxa uu dhaqaalihiisa oo dhan ugu baatulinayo. Aad bay uga
xumaadaan, kolkaas baa maalin falkan oo meel jamac ah lagu weeyey, uu ku jawaabay,
“Kolkii aan abbahay waayey ayuu aabbe ii noqday anna hadda ayaan wiil u ahay.”
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
E-mail: nayruus@gmail.com
Wixii Farriin ah ama halkaan iigu reeb ama facebook iigu reeb
ReplyDeleteWaa sheeko cajiib eh ....nin walba wuxuu galuu bari loogu abaal gudi
DeleteCajiib!!
DeleteWanaaggu wanaag buu dhalaa.
Ilaahay ayaa isugu dhiibay dadka badhba badhka kale.
Mahadi eebbe haka gaadho u ababiyey inankaas oo waafajiyey abaal gudka wanaagsan.