Thursday, February 15, 2018

ALLOW GUN WAX HA INOOGU DHIIBIN

Gaari cusub oo nooca raaxada ah, ayaa waxa la is taajiyey carwo horteed. Waxaa ka soo degay laba nin oo garmdaw ah, oo caloolo weyn. Sida uu gaarigu u wirwirqayey, ayey iyaguna u dhalaalayeen – dhogorta qurxoon oo ka muuqatay iyo shacniga dharka ay xirnaayeen. Inta gaarigii xirteen ayey carwadii galeen. Cabbaar ka dib, waxa ay kala soo baxeen baco waaweyn oo buuxa. Gaarigii bay inta gadaal fureen, oo alaabtii ku gureen, kuna soo xirteen.

Cawrada waxaa ku dheggan meel maqaayad ah oo cabbitaannada iyo cuntada fudud laga helo. Kolkaas bay jaclaysteen in ay is qaboojiyaan. Inta soo dhaqaaqeen bay fariisteen meel aan iga fogayn. Kolkii dalabkoodii loo soo dhigay, ayaa waxaa soo dul istaagay wiil miskiin ah. Gacanta ayuu u taagtay. Midna indhaha ayuu ka fiiriyey, kii kalana ‘Allaha kuu sahlo’ ayuu ku yiri. Wiilku miskiin indha-adag buu ahaaye, inta hadlay buu ku yiri, “War niman yahow, wax la’aan ma tihidine, nimaankaas sidaas u eg baad tihiine, gaarigaasina waad wadataane, xalay baa wax iigu dambaysaye, wax yar baa igu filane, wax i siiya”. Inta labadii nin hal mar soo jeesteen, ayaa midna yiri, “Waryaa na dhaaf”, kii kalaba inta kor u hinqaday, gacantana u baaciyey, ku yiri, “Naga tag wasakh yahow”, cuntageeyihiina u yeeray, si uu wiilka uga cayriyo. Markii uu wiilkii arkay meesha xaal marayo, ayuu inta si fiican eegey, tartiib uga ag dhaqaaqay.
Inta uusan laba saan qaadin ba, waxa u yeeray nin kale oo meesha fadhiyey, oo sida nimankaas oo kale, aysan dhaqaale ka muuqan. Inta agtiisa fariisiyey, oo madaxa u salaaxay, ayuu ku yiri “Adeer maxaad u baahan tahay?”. “Adeer, wallaahi xalay baa iigu dambaysay wax aan afka saaro” ayuu wiilkii ugu jawaabay. Ninkii inta u wacay cuntageeyihii, ayuu ku yiri “Waxa aad heyso wiilkaan u keen”. Wiilkii markii uu dhargay, ayuu misena siiyey lacag Sh. So. aan qiyaasayey in ay u dhigmaysay 3 Doollar. Wiilkii, inta istaagay, ayuu ninkii foolka ka dhunkaday. Illeyn, mar baa farxaddu illin kaa keentaa, isaga oo ilmaynaya, ayuu inta uu misena gacan qaaday, ayuu si kal-iyo-laab ugu yiri, “Aad baad u mahadsan tahay adeer, Alle, sida aad iga farxisay, ha kaaga farxiyo”. Inta wax yar ka dhaqaaqay, ayuu wax uu eegey nimankii xumeeyey, kolkaas buu arkay miiskoodii oo buuxa, iyo iyaga oo lugaha inta isa saartay, ay u baxayso, markaas buu inta kor ugu dhawaaqay, ku celceliyey erayadan; “Allow gun wax ha inoogu dhiibin, Allow haddii aad adigu sidaas inoo garatay, Allow gobta nagu agow”. 

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com 


No comments:

Post a Comment