Tuesday, February 13, 2018

JACAYL DARTI JACAYL KALE LOOGU QARAABAYO: Bal eeg waxa ay gabadhani fashay iyo waxa ku dhacay!


Xilli dheer oo ay is jeclaayeen, baa gabadhii iyo wiilkii waxa ay is tuseen in ay is guursadaan, laakiin, dhibka ugu weyn waxa uu yimidaa, kolka laga wada hadlo xoolaha guurkaas ku baxaya, taas oo keenta in uu warkoodu jid u bixi waayo. Sababtu waxa ay ahayd, waxa ay ahaayeen laba qof oo beerka ku socda, cidahooduna digsiyada xagtaan.

Maalin maalmaha ka mid ah, baa gabadhii talo loo riyaaqay soo jeedisay. Waxa ay wiilkii u sheegtay, in uu jiro oday badarnoole ah oo marar badan la kaftamay. Iyada oo hadalkii u waddda, ayey weydiisay wiilkii, “Walaal, ka warran haddii aan odaygaas xiriir jacayl la sameeyo oo aan guursado oo, wixii uu meher ii siiyo iyo wixii kale oo aan ka farsamayn karo kuu dhiibo, adna aad noo keydiso ama meel inoogu furto, markii ay isku kaaya gaartana aan iska furo, dabadeed aan is guursanno?” Wiilkii, taladaas inta la dhacay, baa saas la is gartay. Gabadhii, waxa ay horay ka bilawday fulinta taladii. Sidii ay hadba odaygii u qooranaysay, la samaysay xiriir, la is jeclaa, la is lana gaar jacayl guur ku soo ururay.

Markii la aqal galay, baa gabadhii bilawday heshiiskii ay jacaylkeedii hore la gashay. Lacagtii meherka ahayd oo badnayd bay inta odaygii ka qaadday wiilkii u geysay. Isla markiiba, isna dukaan buu ku furay. Maalin kasta waxa ay biilka ka reebto ayey u tuurtaa, si uu macdaarka ugu ballaariyo. 

Markii ay sidaas ku wadday muddo sannad ah, baa waxa uu dukaankii gaaray meeshii ugu sarreysay. Kolkii ay aragtay in ay isku filnaan karaan, baa iyada oo fulinaysa heshiiskii hore - iyada oo aan la tashan saaxiibkeed - bilawday in ay odaygii rabash ku kiciso, taas oo muddo ka dib keentay in uu iska furo, Malaa’igtii isu beddeshay Shaydaanka.
  
Subixii ay warqaddeedii gacanta ku dhigtay, baa iyada oo farxad hawadaas la mareysa, waxa ay u tagtay saaxiibkeed oo dukaankii dhex fadhiya, oo lacag kala rogaya. Arrintii bay u sheegtay, laakiin wiilkii baa inta qarracmay, si la yaab leh ugu yiri, “Maxaad iigu sheegi weyday inta aadan ku dhaqaaqin hawshan. Ma aysan ahayn in aad ninka iska furto!” Inta is gashay, bay ku tiri, “Maxaa dhacay xabiibi, soo taas iskuma aannaan ogayn?!” “Walaalay odaygaagii ku laabo, anigu hadda hawshaasi kuma jiro e,” ayuu ugu jawaabay. “Walaalaw qaaliyaw, sidaas ha dhihin… Ilaah baan kugu dhaarshaye saas ha yeelin… Jacaylkaaga awgi ayaan saas u sameeyey e…” iyo wixii cabaad iyo oohin maantaas ka baxday, waxa ay soo afjaray hadalladan uu ku lahaa, “Naa hooy, buuqa iyo calaacalka ila dhaaf, dantaada raac oo, dukaanka iiga hor dhaqaaq!” 

Gabdhii, markii ay aragtay, arrintii wiilka darti ay u samaysay iyo waxa uu hadda ku kacay, baa iyada oo dukaanka hortaagan, xiddigaha ay tirisay.

Hadda, iyada oo madax xiiran, calalo ustag ah oo daclo leh qabta, ayaa maalin dhaw wiil igu tusay, iyada oo laamiga Sheekh Cali-Suufi dhex maraysa, oo baabuurtu ka is taagayso.  

Fg: Sheekadani kuma jirto sheekooyinka MUCJISADA leh ee ku jira Buuggii NABSI.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus 
E-mail: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus

1 comment:

  1. wixii talo iyo faallo ah hoos ku reeb ama bogga facebook gayga. Mahadsanid.

    ReplyDelete