Waagii Kacaankii
barakaysnaa waddanka uu xukumi jiray, ayey ninkani muufadiisu maraqa ugu
jirtay. Shaqo fiican oo dhaqaale miiran ayuu haystay. Ninku, naag uu jecel
yahay ayuu qabay, oo xayn ubad ah u haysay. Raggu, la-dhaqanka dumarkooda waa
ku kula duwan yihiine, ninkani xaaskiisa si gobanimo leh buu kula dhaqmi jiray.
Guri weyn oo qasri ah, oo
laba dabaq ah ayuu uga taagay xaafadda Kaasabalballaare. Wax alle iyo wixii soo
gala oo dhaqaale ah, iyada ayuu farta ka saari jiray. Kolkaas baa xaaskiisii ka
sara martay marwooyinka kale oo dhan. Dhaqaalahaas aan xisaabta lahayn, ayey
qaar dahab iyo xiriir ku gadataa, waxna dharkii soo baxa ku iibsataa, qayb
hadba guriga ku beddelataa, inna, wixii quud ah ee dalka iyo dibedda laga keeno,
guriga kaga soo buuxisaa.
Xilliga cuntada, guriga
maqaayad baad mooddaa, waxa raashin kala jaad ah ee la diyaarinayo. Guriga, waa
la is ka dhooban yahay, inta ehel iyo asxaab imaanaysa ee marwadaas u soo
shaxaad tagaysa, inta dumar ah ee xaaskaas tabalcaaro u soo raadsanaysa. Guriga
saddex shaqaale ayaa joogta oo ku hawllan shaqada gurigaas. Islaanta, iyada
ayaa ka magacdheer ninka qaba, waxa ayna ku heshay ku-tamashlaynta lacagta
ninkeedu siiyo.
Xilligii dagaallada
sokeeye dalka ay ka qarxeen ayaa qoyskani qaxeen. Dhibka ay mareen lagama
sheekeyn kara e, sidii ay u cararayeen ayey tageen xerada Dhadhaab. Waxa ay
muddo rafaad ku jireen, waagii dambe ayaa Alle reerkii ur u bixiyey. Ninkii
mooyee, islaantii iyo carruurtii baa dhooftay, oo dalka Kanada ka degay.
Ninkiina, xeradii waa ka ka daldoorsaday oo, Nayroobi ayuu iska tagay.
Islaantii iyo ilmaheedii
ba shaqo fiican ayey horay ka heleen. Naagtii, isla markii ba waxa ay bilawday
in ay biisho ninkeeda, laakiin, waxa ay u soo dirtaa masruuf ku xaddidan kirada
hudheelka iyo cuntada iyo mar mar kis yar oo ay ku tiraahdo “Ku arrad tiro”
xilliyada ciidaha.
Ninkii, sidii uu filayey
wax uma noqon oo, noloshii qaxootiga mid aan wax badan ka duwanayn ayuu galay.
Tolka iyo asxaabtu waa tuhmaan oo, wax uu siiyana ma leh. Waa jaadaa oo, wax uu
ku qayilo uma soo harto. Kama muuqato nolol qurxoon oo, shaati iyo surwaal ayaa
la arkaa ku dul caddaada. Marka uu waco xaaskiisa, uma garaabta e, waxa ay isku
xisaabisaa lacagta ay u soo dirto iyo noloshiisa, kolkaasina ku tiraahdaa,
“Walaal, lacag lagu dhakhleeyo ma hayo.” Carruurtiisa ayuu la hadlaa, markaas
bay ku dhahaan, “Abbe, hooyo la hadal, wixii aan helno iyada ayaan u
dhiibnaaye.”
Mar haddii la tuhmayo oo
uusan shaah bixin karin, haddana dhogor qurxoon uusan lahayn, oo uu masaakiinta u
muuqaal eg yahay, waxa ay dantu ku kalliftay in uu dadka kala dhuunto
araggiisa.
Odaygii, maantii dambe
ayuu - busaaradda haysa darteed - aad u fekeray. Waxa uu soo xasuustay, markii
uu shaqayn jiray, sidii quruxda badnayd ee uu islaantiisa ula dhaqmi jiray iyo
habkii uu boqoradda uga dhigi jiray ee uu qayrkeed uga sara mariyey iyo qaabka
marka ay fursadda heshay ula macaamilayso, sharaftii uga qaadday, qayrkiisna
ugu dullaynayso. Inta is heyn waayey ayuu habeen taleefoon ku garaacay, kolkaas
buu isaga oo xanaaqsan soo xasuusiyey sidii uu u geli jiray iyo habka ay ula
dhaqmayso. Isaga oo furka tuuraya ayuu sidii uu daldalmayey, hadal oo dhan
markii dambe ugu soo gebagabeeyey “Naa amma sidii aan kuu qabi jirnay noo qab
amma na soo fur.” Taleefoonkiina waa isa saaray.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus