Thursday, March 12, 2015

Sheeko yaabkeeda leh!

Nin baa nagu yiri “Mar dambe in aan Soomaalinimo wax ka sokeeya sheegan baan go’aan ku gaarey!”.


Meel biibato ah ayaan isugu nimid, waxaana meesha lagu hayey fadhi-ku-dirir iyo qabiillo sheeg-sheegid. Ninkaan ayaa soo boodey markaas buu qiso yar nooga sheekeeyey. Wuxuu yiri aniga oo Liibiya jooga ayaa meel maqaaxi ah aniga oo kasii baxayey, waxaan gadaashey ka maqlay “Waryaa.. Waryaa..” markaas ayaan soo jeestey mise waa nin aan kala garan waayey in uu Itoobiyaan yahay ama Eriteriyaan yahay ama Canfar yahay. Wuxuu igula hadlay Af-carabi, wuxuuna I yiri, waxaad tahay Soomaali, laakiin qoladeed ka tahay, wuxuu ahaa nin furfurane, waxaan u sheegey qabiilka aan ahay, markaasuu isii weydiiyey, jifadaan ahay, waan u sheegey. Markaas buu xoogaa iiga sheekeeyey siyaasiyiinta qabiilkayga kuwa fiican iyo kuwa aan la jaan-qaadi karin siyaasadaha casriga ah. Markuu hadalkii dhameeyaan weydiiyey, cidda uu yahay, markaas buu igu war-celiyey “Waxaan ahay Itoobiyaan”. Saanne “Yaad ka tahay, qoomiyaddee?” Suuye “Walaal, waxaan ahay Itoobiyaan, Itoobiyana waa isku mid, mana kalanihin cidna”. Saan mar kale, inta xanaaqey iri “Waryaa, anba xitaa jifadeyda waan kuu sheegey, ee ii sheeg cidda aad Itoobiyaanka ka tahay?” Suuye “Itoobiya waa Itoobiya” igana dhaqaaqey, markuu arkey in aan xanaaqey. “Najis Najis dhalay” inta hoos ka iri ayaan dhaqaaqey. Maalintaas ayaan go’aan ka gaarey waxa macaga Soomaali ka hooseeya in aan sheegto!

No comments:

Post a Comment