Tuesday, March 17, 2015

SAAMI-QEYBSIGA 4.5 WAXA UU U DAADAGAY HOOS ILAA UU GAARAY MASAAJIDDII

Saami-qeybsigan 4.5, waxa uu soo ifbaxay xilligii Soomaalidu ku heshiineysay tuulada Carta ee dalkaas Jabuuti, dawladdii halkaas lagu dhiseyna nidaamkaas ayaa wax loogu qeybsaday. Wixii intaas ka dambeeyey, waxay noqotey halbeeg la isla og yahay, oo ilaa maanta maamulka dawladeed lagu qeybsado. 

Hadda, ka sokow awood-qeybsiga dawladda, waxa uu u daadegey hoos, oo wax kasta oo koox Soomaali ah soo dhex mara, 4.5 ayaa lagu qeybsadaa; haddii macaawino la qeybinayo, haddii maamul degmo loo sameynayo, haddii fasal dugsi ka mid ah maamul yar loo samaynayo. Waxaa se taas ka daran in uu masaajiddiina galay.

Waxaa dhacay ayaan dhaw, masaajid ka mid ah masaajidda Soomaaliya ugu caansan, in culimo isku qabsatay maamulkiisii, waxa uuna gaaray in masjidkii loo xiro murankaas dartiis. Waa la soo dhexgalay culimadii, waxaana gartii galay culimo kale iyo odayaal kala duwan. Markii la dhageystay dooddii labad dhinac, waxaa la ogaaday in dadka isku haysta masjidka ay yihiin labo qabiil oo keliya, taas oo dood kale dhalisay, maaddaama ay khalad dadkii ula muuqatay in masjid Soomaali ka dhexeeya ay labo qolo isku qabsato. Waxaa gartii lagu naqay, in maamulka masjidka ummaddu ay wadaagto oo lagu qeybsado 4.5. 

Qolo waxa ay qaadatay Imaamkii, qolana mu’addinkii, qolo kale waxaa la siiyey khadiibka Jimcada, kuwana waxay qaateen sheekha masjidka kitaabka ka raaca, kuwana waxay saami u heleen aruurinta sadaqada masaajidka loogu yabooho.

Balo waxay ka dhacday, markii qoladii uu ku soo aaday sheekhii masjidka kitaabka ka akhrin lahaa, ay ka weydey magaalada sheekhwax akhrin kara, waxa ayna ku andocootay in sheekh weyn uusan magaaladaan u joogin oo uu gobol ka jiro, sidaas darteed, inta sheekhaasi ka imaanayo, aanan masjidka qole kale kitaab ka akhrin karin! 

Muddo 5 bilood ah, masjidkii kitaab laga ma raacin, oo qabiilkii helay saamigaas ayaanan si degdeg ah ku helin sheekhii. Laakiin shan bil ka dib ayey heleen oo magaalo kale ka soo kaxeeyeen sheekh kaalintaas buuxiya.

Hadda masaajidkii waa shaqeeyaa, qolo kastana shaqadeeda ayey qabsataa. Haddii nin booskiisa uu ka baxo, qabiilkiisii ayaa lagu wargeliyaa, iyagana ayaana laga sugaa ciddii beddeli lahayd.


Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus





5 comments:

  1. Wixii farriin ah hoos ku reeb ama facebook ga: www.facebook.com/snayruus

    Mahadsanid

    ReplyDelete
    Replies
    1. Suldaan neyruus waxaa sheka mala awaashaba ma masjidka iyo culimafa ayaad ku keentay waxaan ku dhihi lahaa fadlan waxa jira waxyaala loo baahan yahay in laga gaabsado..... waa iga waano

      Delete
  2. Haye xaga nadaafada masjidka yaa la sii yey

    ReplyDelete
  3. Ader funy gu yusan dunta iyo culimada naga gelin wa iga tali

    ReplyDelete
  4. Waa iga waaano guriga allah sheeko magalo

    ReplyDelete