Sunday, March 22, 2015

ADEER MUSUQMAASUQ WAA LA ISLA YAQAANNEE ILLEYN ERAYADA LOO YAQAAN BAA KALA DUWAN

Odey raggii hore ah ayaa waxa uu ka warhelay wiil dhallinyaro ah oo ay qaraabo ahaayeen, oo dawladdan jago ka helay. Markaas buu wiilkii raadiyey, waxa ayna ku wada ballameen Huteel ka mid ha kuwa Muqdisho ku yaalla. Waxa ay soo fariisteen meel aan ka fogeyn miis aan fadhiyey, waxa ayna u hadlayeen si kore oo qof kasta oo ka agdhaw - haddii uu doono - uu maqli karayey. Is-nabdaadin, isu-hambalyeyn iyo iswareysi ehelino kaddib, waxa uu odeygii gudagalay in uu wiilkii booska uu heley wax ka weydiiyo, waxaana dhexmarey hadalladan:

Odeygii: Adeer jagada aad heshey waa noocee?
Wiilkii: Adeer agaasime guud.
Odeygii: Cajiib, Wallaahi waa heer sare, waa meel jifada u qalanta
Wiilkii: Haah
Odeygii: Adeer jagooyinka agaasinka guud waa kala duwan yihiine, tani ma tahay meel gowsaysi fiican leh?
Wiilkii: Adeer gowsaysi maxaad ka waddaa?
Odeygii:  Adeer, waxaan ka wadaa booska laguu magacaabey xoogaa gacmagacmeysi iyo luf-luf ma leeyahay?
Wiilkii: Adeer ma fahmin runtii waxa aad ka hadleyso
Odeygii: War wuxu illeen waa ARIYULLAAHI BARAAR, war hedhee meesha aad heshay wax ma laga dhiitin karaa oo wax malaga xashxasheysan karaa?
Wiilkii: Adeer macaane warka ii fududee, sidaas waxba ku fahmayee, mana garan karo waxaad ka hadleysee.
Odeygii: CAKU! Adeer, dee adigu nin dhallinyaro ah oo mustaqbal u baahan baad tahay, oo tol lehe, meeshu ma tahay meel wax laga qabsan karo oo aad reerkaaga wax uga qabsan kartid, tolkuna shaxaad ka heli karo, ALYACI MUSUQMAASUQ?
Wiilkii: Haaaah, adeer haddan ku fahmey, maxaad intaas oo dhan u soo mareysaa, maad tiraahdid, meeshu ma tahay meel qoyan oo wax laga farsameysan karo, ama wax laga basarsan karo, ama wax laga habeysan karo, ama wax laga shaqshaqan karo. Haaaah, adeer waa meel heer sare ah oo anigu wax aan ka basareysan karo, beeshuna shaxaadka ka heli karto, warka yaanan kugu daaline, meeshu waa ISKU-DHUUQ. Marka adeer waa in aan ku dadaalnaa sidii aan u difaacan lahayn jagadaan.
Odeygii: Haaah. FARIID. Masha Allah, haddaad i fahantay. War illeyn hawsha waan isla naqaaneye erayada aan u naqaan ayaa kala duwan. War waannu kula dadaaline, adna wax ka qabso mar bay fursaddu ku soo martaaye, annaga albaabada noo wada fur,  wallaahaan la soo hungiriyeyn karin intaan joognee.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus

No comments:

Post a Comment