Friday, March 13, 2015

Maxaa ku jaban, haddii aan ereyga qalaad ee “Federalism” ku baddelano ereyga yaga “Qabiileysi”?



Ereygaan “Federalism” horey uma aqoon, laakiin markii aan arkey sida ay Soomaalidu u calmatey ayaan dib-u-eegey. Waxbaa iiga baxay. Waxaan ogaadey  - garashadeyda – in sida aan u wadno iyo siduu yahay, yihiin KAAF IYO KALA DHEERI. Puntland waxay tiri, meegaarka yagu waa inta heybta yadu degto. Qolada Galmudug ee Gaalkacyo wax ka degta, waxaa looga caalwaayey in ay Puntland raacaan, oo waxay qeyb ka mid ah Gaalkacyo la soo aadeen Dhuusamareeb. Qolada degta Guriceel, waxay leeyihiin Degmada Matabaan qabiilkeedey raaceysaa. Qabiillo Muqdisho jooga ayaa ku doodaya in degmooyinka Shabeellada Hoose qaar la raacsiiyo Shabeellada dhexe, maadaama ay isku heyb yihiin. Madaxweynaha koofur-galbeed, wuxuu ugu qudbeeyey inta uu maamulo in qabiilaadka ka dega Gedo iyo Jubada dhexe ay soo raac doonaan Maamulkiis. Maxaa hadda kuu baxay? Soo Qabiileysi ma ahan?

Marka waa in aan iska baddelno magacaas. Haddii la isla garto, waan baddeleynaa magaca Feederaal waxaana ka dhigeynaa Qabiil. Magaca waddanku sidaan ayuu noqonayaa markaan: Dawladda Qabiillada Soomaaliya

No comments:

Post a Comment