Saturday, December 29, 2018

QUDBASIRADII UGU XEESHA BADNAYD (Akhriso sirtaan in aad talo ka heshaa laga yaabaaye)

Beri baa waxa uu jacayl xad dhaafa dhex maray wiil iyo gabar. Wiilka iyo gabadha oo aad u jantay in ay nolosha wadaagaan baa waxa ay muddo ka fekerayeen sida ay ku suurogeli karto in ay isguursadaan. Dhibka ugu weyn ee jiray ayaa ahaa: Wiilku waxa uu ahaa sabool calaacalo fidsan. Odayga gabadha dhalayna waa nin gabadhahiisa ka ganacsada. Tan tii ka weynayd oo uu sannadka ka hor markaa bixiyey, waxa uu ka qaatay 15 helaad oo geel ah iyo qori Qalcadde ah oo baaggiisii oo buuxa wata. Waa la yaqaannaa oo, ma haweysto gabdhihiisa quruxda badan nin uusan kadin geel ah guriga u fadhin ama aan kala rogeyn lacagta uu ku sawiran yahay odayga bidaarta leh.
Wiilkii iyo gabadhii - gorfeyn dheer dabadeed - isla qire in aysan doonidi warkeed jirine, waxa la iska qaatay in la is meherxado. Laakiin, haddana culays weyn ayaa wiilkii soo foodsaaray. Si kasta inta yeelay ayuu muddo soo qaban waayey lacag uu ku masaafaysto. Meeshu ma ahan Xamar oo kale oo bas la iska qabsado iyo culimo inta aadan gaariga ka dagin kugu soo kala ordaysa oo is fallisaysa e, waa degmo marka cid la samaafaynayo loo baahan yahay gaari ingeer ah oo waddo bacaad ah qaadaya oo sii socod iyo soo socod la kiraysanayo iyo sheekh iyo shuhuud sannadkii qof soo maro oo hawshoodu cirkaa marayso!
Wiilka oo gabadha u baahan, intaas oo caqabadoodna hortaallo, ayaa muddo dhan oo uu tolo rogrogayey, waxaa u soo baxday xeel aysan qarash uga baxayn oo uu gabadha ku meherxadi karo. Waxa uu soo ogaaday in odayga qaraabo badan ay dibedda u jirto oo uu lacago ka helhelo. Waxaa kale oo uu soo helay in ay jiraan shirkado xawaaladeed oo aan deegaanka laamo ku lahayn. Inta laf cusub soo furtay, ayuu odaygii gabadha dhalay soo wacay. “Soo Sawrac Cadceed ma ahan?” ayuu weydiiyey. “Adeer waa isagiiye maxaa jiray?” ayuu odaygii ku jawaabay. “Adeer waa shirkad heblaayo, waxaa kuu taalla 500 Doolar, ee haddii aad joogto magaalo heblaayo, noo imow hadda.” Ayuu ku yiri. “Adeer magaaladaasi ma joogo ee waxaan joogaa magaalo-hebladaas kale” ayuu odaygii yiri. Wiilkii ayaa markaas ku yiri: “Adeer magaaladaasi kuma lihin laan, si kalana kuugu ma soo diri karna e, berri fadlan gaari soo raac oo noo imow.” Oday lacag loo sheegay maxaad ka taqaan? Isla markiiba waa aqbalay. Subixiiba gaari xammuul ah oo magaaladaas u socda ayuu dhakada ka fuulay. Markii uu magaaladii tagay ayuu odaygii lambarkii soo wacay, oo yiri: “Adeer waan imide, halkee xaruntiinnu ku taallaa?”
Kolkii uu wiilkii ogaaday in uu odaygii gaaray magaaladii oo masaafadii uu rabay jirta, ayuu inta laftii iska tuuray, gabadhii oo uu horay hawsha ula socodsiiyey inta u yeertay, niman uu diyaarsaday isla magaaladii isku meheriyeen. Odaygii sidii uu magaaladii u wareegayey, talaa ku caddaatay oo waa isaga soo laabtay.
Lix bil ka dib, odaygii waxa uu ka war helay gabadhii oo uur la tiicaysa. In kasta oo uusan odaygu ogaan shaxda loo dhigay, haddana goglo badan iyo xaal iyo u soo hoyasho ka dib, isagii ayey noqotay in uu aakhirkii gabadhii wax ka dhiso.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: facebook.com/snayruus

Saturday, December 22, 2018

WAA GABADHII ALBAABKA IGA FURI LAHAYD!


Waa baa waxaa jiri jiray, wiil iyo gabar muddo dheer oo ay isjeclaayeen ka dib, go’aan ku gaaray in ay isguursadaan. Kolkii ay inta ismehersadeen, loo mashxadaray, ayey horay ka aqal galeen. Waa lammaane isku oommanaaye, waxa ay isla qaateen in, ilaa bil, inta ay ruuxaanta ku kacsan iska cuudinayaan, aysan aqalka qofna ka furin - xitaa haddii ay waaliddiintoodii yihiin.
Iyaga oo sidii isugu hawllan, baa toddobaad ka dib, waxaa la soo garaacay hoygii. Wiilkii baa inta booday, waxa uu ka fiiriyey daldaloolka albaabka dadka soo gaaracaya, mise waa labadiisii waalid. Isla markiiba waxaa ku oo dhacay ballantii isaga iyo xaaskiisii dhex martay ee ahayd, in aan guriga cidna laga furin, inta muddadaas la iska boganayo. Iyaga oo albaabkii garaacaya, ayuu inta ka soo laabtay, u yimid xaaskiisii. Inta u sheegay cidda illinka taagnayd, ayuu baalka ka sii galay.


Shan beri ka dib ayaa misena albaabkii la soo garaacay. Gabadha oo kolkaas ardaaga taagnayd, ayaa inta aadday ka fiirisay baqbaqa albaabka dadka soo garaacaya, mise waa labadii dhashay. Axdigii ayey soo xasuusatay. Waa heshiis adag oo ay la gashay seygeedii ay jeclayd, iyada oo weliba ogayd sidii uu inta wacadkii u oofiyey, uu waaridkiis illinka uga furi waayey. Gabadhii beerkaa balbalay, waxaana ku adkaatay in ay dhageysato waalidkeed. Iyada oo weli taagan, ayaa waxaa ku soo baxay ninkeedii, kolkaas baa inta illini ka soo daadatay, ku tiri seygeedii, “Qaali, hooyo iyo aabbe ayaa bannaanka taagan, mana awoodo iyaga oo albaabka taagan in aan ka furi waayo…” Iyada oo hadalka ku jirta baa waalidkii albaabka mar kale garaaceen, markaas baa iyada oo aan jawaab ka sugin seygeedii, inta ay laabdillaac la joogi weyday, albaabkii fag ka siisay. Inta ku boodday ayey inta - labadiiba - mid kasta labada dhaban ka dhunkatay, soo gelisay minankii. Inta meel harac ah fariisisay ayey biyo qabow u keentay, isla jeerkaasina ku qaabishay weji jeceyl iyo jamasho mug buuxisay. Wiilkii intaas waa eegayey. Arrintaas kala ma hadlin, waana isaga aamusay.

Gabadhii, waayadiiba waa uureysatay, waxa ayna ku curatay wiil. Seygeedii waxa uu u qalay wiilkii laba neef oo ari ah oo walqal ah. Laba qooroole kale ayey ku xijisay, isla sidii oo kale, laba neef oo ari ah buu u gawracay. Waxa ay ku saddexeysay gabar, markaas buu waxa uu u qalay 20 neef oo ari ah iyo 10 neef oo ishkin ah (5 lo’ ah iyo 5 geel ah). Waxaa uu isugu yeerey walqalkaas 500 oo qof. Arrintaan baa lala yaabay, sababta uu wiilasha, mid kasta laba neef ugu bireeyey, gabadhaanna uu waqdhaacdan iyo Alla berigan weyn ugu sameeyey. Gunaanadkii xafladda ayaa la weydiiyey ujeedka, kolkaas buu ugu jawaabay hadal dadkii meesha fadhiyey aysan fahmin markaas, laakiin, waa dambe oo ay qisada fahmeen ay garteen, oo ahaa, “Waa gabadhii albaabka iga furi lahayd!”

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: facebook.com/snayruus 

Monday, December 3, 2018

TOLOW KAALAYA IGA CELIYA MAANTA MALAKULMOWT


Beri baa waxaa jiray nin sheekh ah oo qaalli ka ahaa magaalo ka mid magaalooyinka Soomaaliya. Magaalada uu sheekhu ka ahaa qaalliga, waxaa deggannaa qabiillo badan uu qabiilkiisu ka mid ahaa. Sheekhu waxa uu ahaa nin caaddil ah oo dadka u dhexeeya oo sida Eebbe faro aanan dhanna uga leexan. Maalinta qof qabiilkiisa ka mid ah iyo cid kale wax soo dhex maraan oo loo yimaado sida diintu ay qabto ayuu mariyaa isaga oo aan cidna u eexan. Marar badan oo dad qabiilkiisa ka mid ah iyo Soomaali kale wax soo dhex mareen ayuu marsiiyey sida diintu qabto. Qabiilkiisa oo dhan ayaa sheekhaas aad uga xumaada caddaaladdiisa.
Dhawr jeer baa sheekha looga yeeray kulammo uu qabiilku yeeshay oo la doonayey in sheekha looga dhaadhiciyo in uu reerka u eexdo sida ay sameeyaan culimada kale. Si kasta wax ugu sheege, ʻFiqi tolkiis kama janno tagoʻ ku wacdiye, si walba inta sameeyeen ayey ka waayeen wax jimic ah.
Sheekhaas waxa jeclaa dhammaan dadka magaaladaas ku noolaa. Waxa ay dadka qaarkiis ku naynaasi jireen Cumar Faaruuq qaarna Cumar Bin Cabdicasiis, iyaga oo ku matali jiray imaamyadii caddaala.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa sheekhii waxaa ku soo booday nabarkii Malakulmawt. Markii uu arkay in ay tiisii timid ayuu waxa u yeeray odayaashii, waxgaradkii iyo dhammaan intii gaashaanqaadka ahayd ee qabiilkiisii. Markii ay soo ag dhoobteen ayuu waxa uu ka codsaday in ay maanta Malakulmawt ka qabtaan, isaga markaas aad ugu qalinayey kalmado dadkii beerkooda lulay, waxa uuna lahaa, “Tolow kaala iga celiya maanta Malakulmawt. Tolow kaala iga celiya maanta Malakulmawt … Tolow maanta ayaan i diin baahanee ii hiilliya, waan idin baryayaaye, kaala iga qabta ninkaan i kor taagan oo nafta iga saari raba. Tolow, miyiinnaan idin ka dhalan, miyaana ahayn nin reer hebel ah?” Nimankii inta is dhugteen oo cabbaar aamuseen, ayaa ninkii ugu weynaa inta dhiirraday, yiri, “Sheekh, wax kale waan ka qaban karnaa, laakiin dhimasho ma baajin karno.”

FG: Murti Soomaaliyeed ayaa tiraahda: ninkii markhaati been ah furow, Rabbina ku og, kaad u furtay iyo kaad ka furtayna ku og.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus,
Email: nayruus@gmail.com
Fb: facebook.com/snayruus