Buuggan la yiraahdo “Godadle”, waa buug ka sheekeynaya qiso dhacday
oo qabsatay nin, inta dumarka lagu falay ku qamaamay, oo meeshii uu
tagaba inta gabar ku qudba-sireysta ku xasheysta. Si aysan hawshiisa u
ogaanna, inta ka raad-gata ka qiriya magaciisa saxda ah, dadkiisa iyo
xaasaskiisa kaleba, taas oo dhalisay dhibaato wejiyo badan iyo
mucjisooyin kala duwan oo qabsatay isagii, eheladiisii, xaasaskiisii iyo
carruurtiisii - oo iyagu gadaal iska guursaday!
Waa buug, inta aad akhrineysid, waxa uu Godadle dhigay iyo waxa ku dhacay; mar aad qosli doontid, mar aad yaabi doontid, mar aad nixi doontid, mar aad ku sigan doontid in aad ilmeyso, marna aad moodi doontid, in qofka ay sheekadaani quseyso aad adigu tahay!

Dhanka
wax-tarka, buugga Godadle; mar waa hanuuniye aan hadlayn, oo waxa uu ku
hor keenayaa aayaha dhaqan-ku-tacaddiga bulshadeed. Mar isaga oo
tijaabooyin kala duwan ku tusinaya, ayuu ku soo xasuusinayaa oraahaha
“Inta aadan falin ka fiirso” iyo “Dadaalaa waa gaaraa”. Mar
waayo-aragnimo nolaleed - oo aadan u soo joogin - ayuu maskax-ku-cirrow
kaaga dhigayaa. Mar Afka hooyo ayuu miiddiisa ku dhan-dhansiinayaa,
markii aad macaansatana kuu miisayaa. Marna waa maaweelo iyo maddadaalo
aadan ka xiiso go’ayn akhriskiisa, oo hadba dareenkaaga ayuu meel
qotomin doontaa.
Iibso oo bal akhri sida uu ninkani gabdhaha yar yar u soo daban jiray iyo farsamooyinkii uu isticmaali jiray iyo sida marka uu helo uu ku samayn jiray iyo musiibadii aakhirkii ka raacday baacsigii dumar!
Buuggan waxa aad ka heli kartaa, dukaammada buugta: Kismaayo, Xamar, Baladweyne, Garowe, Boosaso, Hargeysa iyo Nayroobi. Ama kala xidhiidh Lambarkaan: 0616132474 ama nayruus@gmail.com
Qoraaga Buugga: Suldaan Nayruus

Walal adigoo mahadsan maheli karaa buuga o dpf ah
ReplyDeleteBiigan rawaye ma liiga caawin karaa
ReplyDelete