Nin-ba, wixii u soo joogey buu ka
sheekeeyaaye, waxa aan u soo joogey, iyada oo maalin milic dhamac ah iyo
hongorre kulul uu jirey, roobkii Guguna la la’yahay, baa xilli far-dambeed ah,
annaga oo Qur’aan dhiganayna, ayaa Macallinkii inaga codsaday, in aan Roob-doonno.
Inta Looxdii Maxada saaranay, ayaan waddada qaadnay. Cajiib, Saacad kama soo
wareegin, goortii Samada nala ka aqbalay, oo daruuro cirkii inta qabsadeen,
roob Dhibca weyn nagu bilawday.
Waxa kale oo aan u soo joogay,
maalin sidaas oo kale roob la’aani ay dhacday, markaas baa wadaad Magaalada
Joogay, oo dadka deegaanku ay aaminsanaayeen in uu samada xiriir fiican la
lahaa ayaa isaga oo meel fadhiya, inta dad badan u tageen bey koofidii,
Tusbixii iyo Kitaabkii ka qaateen, markaas bey dheheen “Wallaahi baanaan
koofida, Tusbaxan iyo Kabahan aannaan dib dambe kuugu celineyn, haddii aadan
Alle ino baryin in uu naga dulqaado Abaartan iyo Roob la’aantaan”. Maantaas baa
iigu horreysey, in uu Shiikhu Bidaar leeyahay, markaas baa wadadkii oo cagacad,
oo dhako diiran, inta uu baxay, ayuu meel Bakad ah, inta istaagey, laba
Rakcadood tukaday. Markaas buu inta gacmaha iyo indhaha sare u qaadey, Alle
baryid bilaabey. Waxa aan ka xasuustaa erayadiisii “Ilaahayow, waxa aan ahay
waad og tahay, Ilaahayow, dadkaani maciin bey i bideen, Ilaahayow maanta Koofida
igu celi”. Cajiib, Ilaahay, inta isla markiiba aqbalay, ayaa ‘Afarta Beenu
Jiho’ daruuro is qabsadeen, roob Biyamaris ah magaaladii soo galay.
LOOX la soo amaahday oo maalin dhaweyd inta lagu roob-doonay
Magaalo ka mid ah, magaalooyinka Soomaaliya, ayaa
waxa ay ahayd magaalo dadka jooga ay Qaaddiriyo ahaayeen, oo aad uga dambeyn
jirey Culimada Dariiqada. Kuwa Awliyada ah ee dhintana, waa siyaaran jireen,
kuwa noolna, waa ka duceysan jireen. 1995-kii, ayaa waxaa magaalada soo galay
Culimada Saxwada Islaamka, oo barakadooda watey. Magaaladii ayey xoog ku
yeesheen, markaas bey dadkii waxa ay u sheegeen, in mabda’ ay heysteen uu ‘Bico
iyo Baadhil’ ahaa. Waxa ay ka dhaadhiciyeen in Awliyada dhimatay, ay Kabahoodu
ka roon yihiin, kuwa noolna aysan Ilaahay ka xigin. Malcamadaha Qur’aanka ayaa
Magaaladaas ku badnaa, oo Sarab iyo Rammaali ka dhisnaa, Looxna lagu dhigan
jirey Khad la riiqey iyo Qalin xalleef ah oo la qorey, ciiddana waa lagu
fariisan jirey. Dadkii ayey u sheegeen, in ay Diinta arrintaasi ihaano ku tahay,
oo Diinta meel wasakh ah iyo wax dheerti ah in lagu barto aan loogu tala-gelin.
Inta Dugsiyadii ka takhaluseen ayey fureen Malcamado Jiigado ah, hoosna Shamiito
ka ah oo Qur’aanka Buug iyo Qalimaan lagu dhiganayo.
Maalin dhaweyd,
ayaa magaaladii abaar xuni ka dhacday, markaas baa Roob-doon loo baahday.
Culimadi Baraaruggu (Saxwadu), waa shireen. Mid ka mid ah Culimada oo horey
Qaaddiriyo u ahaan jirey, laakiin Saxwada ku biirey – wax ku kallifey-ba – ayaa
raggii u sheegey in magaaladaan waagii hore Ardeyda inta madaxa Looxda loo
saaro, magaalada ay ku wareegi jireen, markaasna isla markiiba Roob soo da’i
jirey. Maaddaama uusan jirin Dugsi ay Culimadu leedahay, oo Loox leh, waxaa loo
baahday Loox. Sidii magaalada looga baarayey, ayaa waxaa la helay laba Dugsi oo
yar-yar oo magaalada kooneheeda ku yaalla, Macallimiintii hore iyo Ardey
qalin-nuug ahna joogaan. Inta labadii Dugsi la tagay, ayaa Macallimiintii laga
codsay in ay Looxda maalin amaahiyaan. Ma diidi karaane, waa ka yeeleen. Midna
17 Loox bay ka soo qaaten, midna 25 Loox. Caku waxaan garasho lahayn, xitaa
Macallimiintii maantaas shaah Masiin, Ardeydoodiina waa ka taagee, markaas
bey Looxdii waxa ay u geeyeen Ardeydoodii. Inta madaxa u saareen ayey dheheen
“Adinka oo Alle tuugaya magaalada wareega, inta Roob ka imaanayo”. Sidii ay
maantii oo dhan u wareegayeen, ‘Nakata’ Roob waa soo hoori waayey.
Suldaan Nayruus
This blog is nice and very informative. I like this blog.
ReplyDeleteblog Please keep it up.