Sunday, September 20, 2020

NIN ISAGA IYO XAASKIISA MEEL XUN AY KA GAADHAY OO MARKII DAMBE XAL U HELAY: Sidee isugu xumaadeen, habeebkee se uu xal ugu helay?

Nin dhallinyaro ah oo xisaabiye u ah shirkad ay hawlaheedu aad u kala socdaan, noloshiisuna ku xiran tahay taxaddarkiisa, ayaa waxa ay aad isku dhibsadeen xaaskiisa. Ninkani waxa uu yimaadaa gurigiisa, isaga oo aad iyo aad u daallan oo madaxa haysta shaqadii xisaabinta ahayd oo dhibta badnayd awadeed.

Waa og tihiin oo, dadka ku shaqeeya xisaabaadka ad-adag ama qorsheynta iyo kala-maamulka hawlaha culculus ee joogtada ah iyo kuwa fekerka iyo hindisidda iyo wax-xallinta ku shaqeeya, ama tartan iyo rag-iska-dhicis ku jira ama la-daalaa dhacaya arrimo adduun oo kale, aad bay maskaxda uga daalaan. Iyaga oo daal la tiicaya ayeyna tagaan guryahooda. Xataa marka ay tagaan aqalladooda, wax baa aalaaba ku soo dhacdhaca ama ka khaldamay amma ay illoobeen, arrimahaas oo qaarkood walwal leh ayaa maankooda kaakiciya. Dadka noocaas ah, kolka ay guriga yimaadaan, ma jecla hadalka badan, warjeceylka xaasaskooda ama or-orodka iyo qeylada carruurtooda. Waxa ay aad u xiiseeyaan, in ay qolkooda galaan, ku nastaan, iyaga oo maanka is kala sii sheekaysanayana, iska seexdaan.

Ninkan dhallinyarada ah, kolka uu guriga yimaado, ayaa waxaa gorodda ka soo gasha xaaskiisii oo caabboon. Waa gabar firfircoon oo maanta oo dhan xaafadda iska joogtay oo marna hurudday marna nasiino kale isaga jirtay. Maaddaama uu maalintii oo dhan ka maqan yahay, waxa ay rabtaa marka uu yimaado in ay wakhti fiican la qaadato oo uu la dheeldheelo oo uu uga sheekeeyo sheekooyin farxad leh aadna uu u a-ammaano. Waa gabar ku xiran musalsallada oo aragta nin marka uu xaaskiisa u imaanayo, hadiyad qaali ah u soo qaadayo, marka uu yimaadana inta labada dhaban ka dhunkada, horay qosol, dheel, sheeko iyo farxadsiin uga bilaaba. Dadkaas aan isqabin ee filinka beenta ah jilaya ayey inta dhab u qaadato, ninkeeda sidaas oo kale ka raadisaa. Laakiin arrintaas kama hesho. Inta badan, waxa ay aragtaa, uu yimaadaba, kolka uu suuliga ka soo baxo, isaga oo sariirta tagaya oo isduuduubaya. Waa ka dabatimaaddaa oo, inta casho u keento bay isku daydaa in ay la had-hadasho, laakiin, jawaabaha ayuu u soo kookoobaa, iyada oo ka dareemaysa dhibsi. Xataa haddii waxyaalaha ay kala hadlayso ay lacag ku jiro, waa ku adag tahay in uu kala dodo, oo inta badan horey buu ka yeelaa, si kasta oo ay ugu culus tahay, isaga oo isdhaafiyana ka-doodisteeda.

Marka sida ay jeclaan lahayd ka weydo ayey ku bilowdaa hadal. Garnaqsi ayey uga anbaqaaddaa: Hebelow, ma waxaad u qabtaa in uu guurku yahay oo keliya jimcaysi, ilmo la dhalo iyo masruuf la bixiyo. Guurku saaxiib intaas waa ka ballaran yahay, waxaa uuna u baahan yahay muxubbo iyo farxad. Aniguna guurkaaga kuma haysto wax dhadhan ah Wallaahi. Wallaahi guurku, haddii uu sidaas yahay, maba aanan galeen. Waxa ay mar walba ugu dhega-hadashaa in uusan jeclayn ee uu is kaga ag joogo, carruurta yeysan kaa dayacmin. Waxyaalo badan oo maskaxdeeda ka guuxayey oo qaarkood sannado ka hor dhex mareen bay soo gocotaa oo ku sii wada sii daysaa hal mar. Xataa marar badan carruurta ayey ku soo yaacisaa, markaas bay ka aragtaa dhibsi iyo isaga oo ku leh: Carruurta iga kaxee, heedhe. Jeerkaas bay tiraahdaa: haddii aadan carruurta jeclayn maxaad u dhalaysay iyo haarammo kale.

Dhawr jeer oo uu damcay in uu uga sheekeeyo culaysyada qabqabta si ay wax ula fahanto, waxa ugu jawaabtaa: Saaxiib rag oo dhan waa shaqeystaa, dumarkooda iyo carruurtoodana farxad waa siiyaane, adiga ayaan niyad hayn!

Dhibtaada kale ee jirta ayaa ah: Nimanka noocaas ah ee maskax-mashquulka badan, sida ragga caadiga ah oo kale, xiiso mar walba ah uma qabaan galmada. Aalaabana, marar badan oo aysan doonayn, waxa ay u sameeyaan in ay ku qanciyaan xaasaskooda. Intantaan, marar badan oo ay aragtay isduuduubkiisa iyo feker-soo-jeedkiisa, waxa ay u qiyaasatay in uu xaas kale lee yahay oo uu meelo kale soo maray oo uusan iyada u baahnaynba, niyadna u hayn. Halkaas masayr badan bay ka qaadday, naago ay xan-wareysatay oo ka waaya-aragsanna, waa ku sii xoojiyeen.

Ninkii, habeen walba waxa uu la kulmaa inan caabboon oo sheeko iyo qosol iyo farxad raadis ah, isna, waa nin, isaga oo maskaxdu xanuunaysa oo culays haysto imaanaya guriga oo aan awoodi karin waxa ay gabadhaasi doonayso, xataa ay ku adag tahay in uu jilo. Haddii ay daqiiqado ahaan lahayd, waaba samayn lahaaye, waxa ay u baahan tahay saacado si niyad ah sheeko laga guro iyana looga sheekeeyo wax ay xiisaynayso taas oo uusan tamar u hayn, uusanna xammili karin. Adduunka waxa uu neceb yahay marka ay soo ag fariisato oo ay tiraahdo, ii sheekee, oo uu garan waayo wax uu dhaho, markaas baa inantu isla judhiiba niyadjabtaa, oo horey ka bilowdaa hadallo uusan jeclaysan, oo biyo-shubta: iska kay fur walaalow haddii aadan qalbi ii hayn. Isagu, taas beddelkeed waxa uu jeclaystaa, in kolka uu yimaado, loo firaaqeeyo, buuqa carruurta laga dulqaado, iyana, haddii wax u qaban karto ay biyo kulul oo liindhaan lagu miiray ay cagahau gelgeliso, jirka iyo madaxana ay u yara duuduugto, haddii ay la hadlaysana, hadallo dhiirrigelin ah ay ugu maangaboojiso.

Dhibsiga iyo kohsiga uu dareemo ee uu qudhiisu niyadjabka ka qaado, waxa ay marar badan ku kalliftay in uu gabadha u sheego in uu safar u baxayo, oo inta uu huteel magaalada gees ka dego, uu maalmo halkaas ku nasto. Mar dambe ayaa waxa uu mise bilaabay in uu ka soo daaho guriga, oo uu yimaado kolka carruurtana ay seexato, iyana firfircoonidu ay ka dhammaato oo ay halaaqo afka la kala taagayso.

Ninkii, isaga dhibaatadaas ku jira, oo marar badan isku dayey in buuqa inanta marka uu meel xun gaaro, uu lacag ku dejiyo, marar kalena inta la isku adkaysan waayo ay ku soo qaadday in uu iska furo, isna uu ku fekeray dhawr jeer in dalaaqadeheeda siiyo, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa soo wacay nin ay saaxiibbo ahaayeen oo raadinayey gabar shaqaale ah. “Saaxiib hebelow, dukaammadii ayaa mid ka mid ah waxa looga baahan tahay gabar shaqaale ah, baladkana ma fiicna oo waad iska og tahay, marka waxaa loo baahan yahay gabar la yaqaan oo damiin adag leh, ee ma heli kartaa gabar aad aqoon u lee dahay oo aad damiinan kartid.” Ninkii, inta isla markiiba maankiisa ka shaqeysiiyey oo xasuuso galay, ayuu la soo booday: War waan hayaa saaxiibow. Xaaskayga ayaan idiin hayaa. Saaxiibkiis ayaa ku yiri: War xaasku ilmo ayey kuu haysaa, waadna og tahay shaqada wakhti badan baa lagu jirayaaye, qof kale ma haysaa? Suu ye, “Saaxiibow, iska daa waxaase, shaqada ha na dhaafine, haddii aannu saaxiib nahay, xaaska ii gee shaqada.” Dood dheer ka dib, waa ka oggolaaday saaxiibkiis. Ninkii, inta habeenkii xaaskiisii u tagay ayuu u sheegay arrintii. Waaba soo dhaweysay iyada oo lahayd: Hooyaday iyo walaalahay baaba taageero iiga baahan. Waana gashay shaqadii. Ilmihii shaqaale ayaa loo qabtay, saa shaqada, subixii bay u kallahdaa, waxa ayna ka soo labataa galabgaab.

MAXAA DHACAY MARKAAS KA DIB?

Gabadhii waxa ay timaaddaa guriga iyada oo daallan oo madaxu dhiidhii lee yahay. Iyada oo la wada daallan yahay ayaa la isku ag dhacaa. Ii sheekheedii iyo farxad iyo madadaalo raadintii meeshaas bay ka baxday. Walaalo meelaha na geegee oo na soo wareeji, oo aniga iyo carruurta na soo ciyaarsii, maantaas baa u dambaysay. Cashadiisa inta siiso ayey ku tiraahdaa: Xabiibi iska naso, bal carruurtaan wax soo siinayaa oo aan kala seexinayaaye. Jimce raadiskii badnaa iyo shakigii badnaa meesha waa ka baxay oo, qanaaco ayaa dib u bilaabatay. Waagii hore, lacag laaluush ah ayaa ka bixi jirtay oo uu ku maslaxo marka ay buuq keento ama uu ka dareemo niyadjab e, taasi waa u baaqatay. Xataa waxaa kale oo u kaydsantay lacagihii kaararka aan kala joogsiga lahayn iyo kuwii qaaraanka iyo tii taageerada ehelada ay uga qaadi jirtay, iyada ayaana ku wada filnaatay. Qofka wax bixiya ayaa madax ah oo la jeclaadaaye, qoyskeedii oo dhan baa aad u wada jeclaaday inantii.

SHAQO AY ABAAL KA HAYSAY IYO ISNA UU ABAAL KU QABAY

Inantu, waxa ay u qaadatay in saygeedu horumar uu la jecel yahay darteed uu shaqadan ugu raadiyey, iyo weliba sida uu ugu dulqaado xilliga dheer ee ay shaqadaas ku maqan tahay iyo habka uusan arrimaha guriga culays ugu saarine, sida ay wax ugu suurageli karaan wax ugu maarayso. Aad ayey uga mahadcelisaa mar walba iyo gaar ahaan kolka ay mushaarka soo qaadato oo jeerkaasina inta u kala dirto waalidkeed iyo walaalaheed, duco loogu abaalmariyo. Isna abaal weyn ayuu ku qabay shaqadaas oo, waxa ka dhacay culays weyn oo ka haystay farxad-doonka iyo koolkoolinta badan ee ay raadin jirtay. Jimcada keliya ayaa wakhti la isku helaa oo la isku soo hiloobaa. Hadda, labadaba kama qasna. Farxad.

______________________________

XASUUSIN: Rag badan iyo dumar badan, arrimaha noocaan oo kale waa ay kala qabsadeen, laakiin, nasiib-darro, inta labada geesba fahmi waayeen meesha uu dhibka ka jiro, ayaa aakhir, inta la isdhisaday sidaas la isku furay. "Ragga Soomaaliyeed jacayl iyo xannaanaynta dumar ma yaqaannaan iyo caku dumarka Soomaaliyeed, laga ma helo raalliyo ninkeeda raalligelin karta, gurigii la rabay in lagu nasto bay ka dhigaysaa gole karaaho!" ayey markaa saaxiibbadood ugu kala warramaan.

Waxaa Soo Wariyey: SULDAAN NAYRUUS          
Email:
nayruus@gmail.com  
Page: facebook.com/snayruus

 


No comments:

Post a Comment