Wednesday, June 27, 2018

TUUGGII NAXARIISTA BADNAA!


Maalin baa tuug waxa uu wiil ka jeebsiibay moobeel uu watay. Tuggii marka uu moobeelkii meel gaar ah la tagay, ayaa isaga oo fiirfiirinayey farriimaha, waxa uu arkay farriinqoraal ay wiilka hooyadi u soo dirtay, oo ay ku lahayd, “Maandhaw waayadan lacag la’aan baa na haysa, adigana intii aad noo soo diri jirtay weli maannaan helin, hooyo dabkiina waa naga damay”, kolkaas buu wiilkuna ugu jawaabayey, “Hooyo macaan, bishan oo dhan waan ku dadaalayey sidii aan kistii ku soo diri lahaa, laakiin hooyo weli waan soo qaban la’ahay. Meel kasta wax waan ka raadiyey, wallaahi waan la’ahay, xitaa deyn waan goobay. Hooyoy soo ducee waan dadaalayaa, aad bay ii dhibaysaa in aad wax la’aan tahay, oo aad dab dhidan la’dahay hooyooy macaanay”. Hooyadii ayaa wiilkeedii misena farriin kale u so dirtay, waxa ayna lahayd, “Hooyo, maanta dadaal oo xitaa 4 dollar noo raadi, oo aan ku soo gadanno wax aan dabka saaranno, ilaa shalay waxba maannaan cunine”. Wiilkii baa markaas farriin u diray, uu ku leeyahay, “Hooyo hadda moobeelka 1 doollar baa ku jirta. Xalay baa wax aan afka saaro iigu dambaysay, ku qadee baan lahaa. Hooyo waan qaraab tagayaaye, halkaas doollar sii haya, inta kalana ilaa saacado yar gudahood i sii suga, hooyo ducana iigu soo kaalmee”. “Waayahay hooyo, Allaha kuu soo sahlo” ayey ugu ducaysay.
Tuuggii markii uu arkay dhibka iyo gaajada wiilka hooyadi gubaysa, iyo wax la’aanta wiilka haysata, aad buu naxay. Xitaa intii uu akhrinayey ilmo ayaa ku soo joogsatay. Markaas tuugga waxa moobeelkiisa ku jirtay 5 doollar. Waxa uu go’aan ku gaaray in uu dabka u shido hooyadaas, maadaama wiilkii wax u raadinayey uu ka qaatay moobeelkii uu kala xiriiri lahaa. Tuuggii waa uu qaraab tagay, oo meelo badan soo gacmogacmeeyey, kolkaas baa saacado yar kaddibba, soo helay 17 doollar oo kale. Moobeelkii hooyada ayuu ugu tuuray 22 doollaar, oo ahayd intuu hayey oo dhan. Markii uu u tuuray ayuu la hadlay, waxa uuna u sheegay hooyadii in lacagtaas uu u soo diray, uu wiilkeedii u soo dhiibay.
Maadaama tuuggu uu haystay lafta (zim) wiilka, uuna og yahay marka ugu horreysa oo uu moobeel helo in uu laftaas shirkadda ka soo qaadanayo, waxa uu garaacay *990#, markaas buu ogaaday lambarka lafta. Waa kaydsaday si uu wiilka uga waco marka uu laftaan shirkadda ka qaato. Saacado ka dib ayuu dhawr jeer wacay wiilkii, laakiin wiilkii oo moobeel la’aan ahaa, waa uu heli waayey. Maalintii xigtay, ayuu tuuggii soo wacay wiilkii oo markaasi taleefoon niicle ah oo saaxiibkiis ka soo qaatay uu laftii gashaday. Waa uu ka qabtay, kolkaas buu tuuggii ku yiri, “Walaal waa tuuggii kaa xaday shalay taleefoonka. Walaal ha murgin, aniga ayaa hooyo isla shalayba u diray 22 doollar. Walaal hooyo waa hooyo oo dhibka haya caloosha baa ila hurtay oo waan ku eegan waayey walaahi. Walaal, waa ii ahaan weyday in aan moobeelkiina ku dhaafiyo, hooyana gaajo ku fiirsado”.
Wiilkii oo ilaa shalay oo dhan moobeel raadinayey, oo markaas inta shitay lafta, doonayey in uu hooyadi horay ka waco, ayaa isaga oo aan tuuggii u jawaabin, inta taleefoonka ku jaray, isla markii ba hooyo garaacay, kolkaas baa hooyadi hadal uga bilawday, “Hooyo, ilaahay khayr ha ku siiyo, 22 kii doollar ee aad shalay ii soo dirtay ayaan ku liibaannay. Hooyo, ilaahay khayr ha ku siiyo, hooyo dadka hooyo iyo aabbo allaha kaaga dhigo” “Aamiin” inta yiri, ayuu tuuggii ku celiyey, kolkaas buu ku yiri, “Walaal, aad baad u mahadsan tahay. Walaal, aniga oo la’aa meel aan wax ka soo qabto, ayaa markii aad taleefoonka iga xadday ilaa xalay ku soo habaarayey, xalayna hurdo ma ladin, marna baahida hooyo ayaan xasuusanayey, kolna adiga ayaa igu soo dhacayey, taleefoon la’aanta i dhigay. Walaal, hadda kolkii aan hooyo wacay illintayda waa xakameyn waayey. Walaal, ilaahay khayr ha ku siiyo. Kurbada aad iga faydday allaha kaa faydo. Walaal jira”

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com

No comments:

Post a Comment