Islaan
ayaa waxa ay maalin canaanatay gabar foodlay ah oo ay dhashay. Gabadhu, waxa ay markaas ahayd
inan inta waayadaas qaangaartay, caaddaas maraysay! Inta hooyadeed dhoocil la
mid ah ka soo qaadday, bay muran iyo jaqjaq kala hor timid. Xaarxaarintii inta
si kale u qaadatay, bay inta qolkeedii gashay, oo soo labbisatay, iska
dhaqaaqday.
Halkii
ay u jeedday iyada oo aan gaarin, ayey inta daashay, goor cilcillow ah meel
jardiin ah iska fariisatay. Iyada oo weli darbigii fadhida, ayaa
waxaa kor ka aragtay islaan gurigeedii adeeg u wadatay. Inta ku soo leexatay,
bay ku tiri, “Eeddo, maxaa meesha ku fariisiyey?” Gabadhu, indhaha bay ka
eegtay mooyee, islaantii uma warcelin. Islaantii, inta aragtay in ay gabadhu
wax si ka yihiin, bay misena ku tiri, “Eeddo soo bax, aan gurigeyga ku geeyee…”
Gabadhii, dan baa haysaye, waa dabagashay.
Markii
ay tageen gurigii, ayaa islaantii aragtay naabta afka ka saaran, kolkaasina
garatay in ay gabadhu gaajaysan tahay. Inta dabkii shidday ayey isla markii ba
ugu tuurtay Baasto. Kolkii ay gabadhii feeraha iska saartay, bay inta islaantii
gacanta ka dhunkatay, ku tiri, “Eeddo aad baad u mahadsan tahay. Hooyadeyna
saan ogaa bay iigu qalineysay, adna, adiga oo aysan waxba isku kaaya gelin,
ayaad inta i soo wadday cunto macaan gurigaaga iga siisay.”
Islaantii
oo markaas fahantay xaalka gabadha, ayaa inta u soo dhawaatey, ku tiri hadalkan
gabadhii beddelay, “Eeddo, cuntadan aan hadda ku siiyey ayaad sidaas
kal-iyo-laabta ah iigu mahad celinaysaa, ka warran islaanta, inta aan ogaa caloosha
kugu sidday, maalintii aad dhalatay ilaa iyo haddana wax ku soo siinaysay.
Eeddo, soo taa kaa ma mudna mahadin weyn? Miyey kaa istaahishaa in aad
dhegeysato ama aad la muranto, oo waxa ay ku farto ka madax adeygto?!”
Gabadhii,
isla markiiba is beddel baa ku dhacay, waxa ayna go’aansatay in ay gurigii ku
laabato. Iyada oo dhex sii maraysa ayey is heleen hooyaadeed, oo saacado badan
baadigoobaysay. Hooyadii, inta gabadhii ku soo boodday oo labada dhaban mac ka
siisey ayey soo kaxaysay. Inta gabadhii qolka fadhiga kaga hormartay ayey ku
tiri, “Hooyo macaan soo gal, waad gaajaysan tehee, kaala cun raashinkan aan kuu
diyaariyey.”
Gabadhii,
kolkii ay fariisatay, ayey aad u eegtay cuntada jaad-ba-jaad ka ah ee hooyadeed
u diyaarisay, oo weliba aadka uga wanaagsan midda ay islaantii siinaysay.
Markaas baa gabadhii inta laabteedii raxmadi rusheysay, oo ay is heyn weydey,
hooyadeed inta ku boodday oo isku duubtay, oo shummis ku boobtay, iyada oo
oyeysana waxa ay ku lahayd, “Hooyo macaan waan ku jeclahay… Hooyo macaan waan
khaldamay… Hooyo macaan iga raalli ahow.”
Waxaa qoray Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Wixii Faallo ah, fadlan hoos ku reeb ama dhanka facebook.
ReplyDeleteGacaliye,
ReplyDeleteLOAN AS FAST WAA SIDA LAGA HELAY 48 saacadood. Maalgelinta maaliyadda Richard Micro Fund Plc. Bixinta deynta aan lahayn dammaanadda sida: Deymaha la hubiyay iyo kuwa aan la hubin, Deynka ardayga, Deynka guryaha, Lacagta Deynsashada, Amaahaha caadiga ah, Deymaha aan Laheyn, Dhibaatada Dhamaadka Dhammaan waa la heli karaa.
Faahfaahinta isticmaalaha:
Magaca oo buuxa:
Taariikhda Dhalashada:
Lamaanaha:
Xaaladda guurka:
Cinwaanka:
Dal:
Gobolka:
Magaalada:
Gobolka:
Lambarka boostada:
Taleefan:
Cinwaanka emailka:
Ujeedada amaahda:
Lacagta amaahda:
Waqtiga amaahda:
Dakhligaaga bisha:
Sarkaalka ammaahda ah ee boostada ee Via Email: (Richardwillianloancompany@gmail.com) Iyo macluumaad, La xiriir cinwaankayaga internetka: www.richardwillian.com
Mahadsanidin,
Mudane Richard Willian.